W.Q Cabdirisaq Maxamed Cali
Raadinta shaqadu waa waxa ugu horeeya ee ay ku fakaraan jaamiciyiinta ka qalin-jebinaya jamacaddaha marka ay noqoto kasbashada iyo xoojinta dhaqaale uu ku kabo noloshiisa, kuna dhisanayo mustaqbal uu isaga iyo waalidkii kusoo tabcayba u aayi donnaan.
Iyadoo taasi jirto dhammaan ardayda jaamacaddaha ka baxaysa waxaa haysata aqoon dari iyo xog-ogaal la’aan ku saabsan xaddiga shaqooyinka ka banaan suuqa iyo sida ay ugu dabaqi lahayeen cilmiga ay kasoo barteen jaamacaddaha, taas oo marka uu ardaygu suuqa yimaado tusta boosaska shaqada ee suuqa ka banaan inay aad u yaryihin, marmarka qaarna waxa dhacda in cilmigiisu yahay mid aan suuqa boos iyo xero-toona ku lahayn ee uu sito cilmi ka shaqaynaya wadamada horrumaray.
Arrimaha aan kor kusoo xusnay waa kuwa ardaygaa dhaxalsiisa in uu aamino in ay shaqa la’aani ka jirto suuqa, laakiin aannu marnaba ka fikirin, oo aminsanyn, dareensanyn inuu shaqa-abuur samayn karayo.
Sababaha keenaya in dhalinyarta jaamacaddaha ka baxaa ay u bataan qaar shaqa-doon ah halkii ay ka ahaan lahayeen shaqa-abuurayaal, saddexdan qodob baa ugu weyn:
b. Qaab dhismeedka manaahijta jamacaddaha oo ah tababarayaal shaqa-doon
Manhaj kasta oo yaala jaamacaddaha wadanka waxay ay u samaysan yihiin inay ardayga ku tababaraan, ku abuuran islamarkaana ku ababiyaan hab fikir shaqa doon-nimo ah, ardaygu mudada u dhiganayo jaamacadda waxaa badanka la baraa cilmiyo ka shaqayn jiray suuqyada caalamka 1980-ki iyo wixi ka horeeyay, taas oo aan odhan karno cilmigi jaamacaddaha lagu bartaa imika waa cilmi waqtigisii dhacay.
waxaa ardayga lagu baraa sidii uu shaqo u qaban lahaa, isago oo laga eegayo shaqadiisa, sidaa uu u dhamaystiray, waqtiga uu ku dhamaystiray, waxaa ardayga laga dhigaa mid ka fog samaynta khaladaadka iyo isku dayga wax cusub, laakin marnaba lama barro sidii uu u abuuri lahaa shaqooyin, u samayn lahaa fikraddo ganacsi iyo siyaabaha kala duwan ee lacag loo sameeyo, taas oo ardayga dhaxal siisa inuu la yimaado suuqa cilmi aan looga baahnayn saaxada ay nimanka lacagta qaabka adag ku samayay, ku ciyaaran hoollabayda.
T. Macalliminta Jaamacaddaha dhiga oo ah Shaqalayaal, balse aan ahayn abuurayaal ganacsi shaqa-abuurayaal
Kuma ahi caasi waalidkeena labaad ee nolosheena wax badan oo qaab iyo suuro wanaagsanba u sameeyay, Kama abaal-dhacayo wax kastaa oo ay Ina bareen oo ay kusoo kordhiyeen nolosheena, mahadda ah inan aniguna qoray maqaalkan adiguna aad awood u leedahay inaad akhrido, isla markaana fahanto dhamaan waxay u sugnaatay macallimintii wax ina soo baray sidaa wax loo qoro loona akhriyo.
Laakin waxaa is waydiin mudan miyaanay ahayn jaamacadduhu halka loo baahan yahay in laga xalliyo dhibaatooyinka, dhaqan-dhaqaale ee haysta bulshadda?
Dhab ahaantii, waxaa ay macalimiintu u badan yihiin qaar qayb dhaqaalaha noloshooda ka mid ah ka raadsadda jamacaddaha, laakiiin aannay ahayn qaar jaamacaddaha u yimaada inay is badel ka sameeyan bulshada dhexdeeda, waana ta aan u malaynayo inay sabab u tahay in aynu samayo horrumar iyo in la abuuro dhaqaale, am xirfado shaqa-abuur.
Macalmintu waxay ku so biiran jaamacaddaha, iyagoo leh hab-fikirka shaqadoon (employee), oo la odhan karo isaga iyo Ardayguba waxaa ay uu baahanyihiin tababbaro iyo aqoon gacansi-abuur (Entrepreneur), waana sababta keenaysa in Ardaygu marka uu jamacadda kasoo baxoo uu yahay shaqadoon, balse aanu ahayn shaqa-abuure.
Haddii macalliminta jaamacadduhu ahaan lahayeen waayo-arag iyo aqoonyahano dhaqaale yahano, ganacsi waxaa dhici lahayd in ay macallimintu Ardayda bari lahayeen casharo ku saabsan ganacsi abuurka iyo baahida suuqa taala sidii loo xalin lahaa, laakin taasi way adagtahay in la helo macallimin ganacsidayaal ah oo jecel inay soo saaran dhalinyaro jamaciyiina oo leh hab fikirka shaqa-abuurka, si looga baxo baahida iyo shaqo la’aanta baahsan ee cidhif ka cidhif is jartay geyigga Somaliland.
J. koorsyo badan oo ganacsi-Abuurka ku saabsan oo aan lagu dhigan jaamacaddaha dalkeena.
Marka aan leeyahay koorsayadda ganacsi abuurka kama hadlayo hal kooras oo entrepreneurship la yidhaahdo, kaas oo badanka jaamacadduhu kusoo dareen sannadihi uu danbeyay kuuliyadaha jamacaddaha.
laakiin waxaa u bahan ka fakir xeel-dheer halka kooras ma dabooli karaa baahida uu Ardaygu u qabo aqoonta ganacsi abuurka, tabaha lacag samaynta, iyo dhaqaale aruursiga jaamacaddaha ka dib?, jawaabtu waa maya.
Ganacsi abuurku waxaa uu baahanyahay waqti, tababar iyo dadaal leeg ama ka balaadhan ka digriiga jaamacaddaha lagu dhigto, laakiin taa baddalkeeda jaamacadduhu way ka caga-jiidan,oo ka hadal iyo wada tashina kama sameeyaan sidii ay usoo saari lahayeen shaqo-abuurayaal leeg xaddiga shaqadoonka ay sannad walba kusoo fasaxaan suuqayada, taas oo sababtay in ay buux dhaafiyeen suuqyada shaqadoonka ku shaqo la’ cilmiga ay jaamacaddaha kusoo barteen.
Waa nasiib darro aad u wayn, ma waxa aynu odhan karnaa jaamacadduhu dan iyo muraad toona kama laha Ardayda kasoo baxaysa jaamacaddahooda, oo waxay ahayeen kuwo u furnaa keliya dano gaara, isla markaana ugu danaysanayay arrimo ganacsi iyo macaash laga dhiig-miiranayo Ardayda kasoo baxaysa Dugsiyada sarre ee dalka.
Maxaa ay taraysaa aqoon aan ardayga loo sheegin mushkilladaha ay ka xallin doonnaan suuqa intaa uu waxbarashadda ku jiro.
Waxaa wax ka badal ku saabsan ganacsi abuurka uu bahan jaamacaddaha wadanka oo dhan, taasoo badalka shaqadoonka soo saaraysa shaqa-abuure yareeya shaqa yaaranta wadanka ee cidhif ka cidhif isaga talawday, ee aan dhib mooye dheef looga aayin.
Haddii sidaa ay kusii socdaan wax walba , aqoontu waxay ahaan doonta mushkilad halkii ay ka ahaan lahayd xal lagaga gudbo dhaqaale xumadda wadanka haysata.
W.Q Cabdirisaq Maxamed Cali
Email: Abdirazakmoh24@gmail.com
W.Q Cabdirisaq Maxamed Cali
Email: Abdirazakmoh24@gmail.com