• Shacbiga Somaliland, waxaan ka codsanaynaa in aynaan noqon Askar iyo dad is baacsanaya, waana inay dadku fahmaan arrinta loo joojiyay qaadka” Wasiir Koore

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku dhiirtay in ay  fulinayso go’aanka ay todobbaadkii hore ku joojisay in dalka lasoo geliyo qaadka, waxayna dab qabadsiisay qaadadki ugu badnaa ee la doonayay in qaab dhuumaalaysi ah loo soo geliyo dalka.

Go’aanka xukuumadda Somaliland ee lagu mamnuucay ka ganacsiga qaadka iyo in dalka lasoo geliyo, ayaa ka danbeeyay, kadib markii lagu sababeeyay inuu saamayn weyn ku yeelan karo, isla markaana sababi karo faafitaanka cuddurka sida weyn dunidu uga qaylisay ee Coronavirus ee COVID-19,, iyadoo go’aanka ay Xukuumaddu ku mamnuucay muddo 21 Maalmood oo ka bilaabmaysay 26 April 2020, in qaadka dalka lasoo geliyo, ayaa ka dhashay kulamo u socday muddo wakiilo ka socday shirkaddaha ka ganacsada ee kasoo waaridi jiray dalka Ethiopia iyo Guddida heer qaran ee Xukuumaddu u saartay ka hor-tagga iyo maaraynta sidii Bulshada Somalilabaadi lahayd xannuunka ku faafay dunida ee Coronavirus ee dalka Ethiopia ee qaadku uga imanayay Somaliland uu ka mid yahay dalalka uu saamaynta ku yeeshay xannuunka Coronavirus.

Hase yeeshee go’aanka ganacsatada qaadka iyo guddida xukuumadda Somaliland ee ka hor-tagga iyo xakamaynta cuddurkaa, waxa fad-qalalo ku furay kooxo doonnaya inay ka faa’idaystaan, kuwaas oo macaash doon ah, isla markaana ka hor yimi go’aanka la doonayo in caafimaadka Bulshada lagu ilaaliyo ee lagaga xakameeyo caabuqa Coronavirus.

Ciidamadda Booliska ee dalku wixii maalintaa ka danbeeyay la tacaalayeen kooxaha macaash doonka ah ee baal maray go’aankaa, iyadoo ay Booliska Somaliland markii ugu horraysay qabteen gaadiidk tiro badan oo la doonayay in lagu soo geliyo qaad si tuuga ah looga soo talaabiyay xuduudka ay wadaagan Somaliland iyo Ethiopia, waxayna gubeen Booliska shixnadaha qaadka ee saara gaadiidkaa  oo lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ku gubeen meel fagaare ah, taas oo la doonayo in loogu quus gooyo kooxaha doonaya inay qaabkan ugu badheedhaan sidii ay iyagoo aan ka fekeray dhibaatada iyo khasaaraha soo gaadhaya iyaga ee ay u badheedheen marka laga yimaado aannay muujin dareen naxooxahaa uga badayaa qaaday tallaabooyin ciqaab ah oo lagu fulinayo kooxo doonaya inay manja-ay kaga damqanayaan dhibaatada ay keeni karto tallaabada ay qaadeen iyo masiibada ay Bulshada u horseedi karaan ee khatarta caafimaad oo ahayd sababaha ay shirkaddihii ka ganacsan jiray qaadku u oggolaadeen in la joojiyo, iyadoo weliba  go’aankaasi ka hor intii aannay guddida Xukuumaddu la qaadan ka yimi dhankooda.

“Laga bilaabo maalinta Axada 26 April, 2020 , waxay ku amran yihiin oo la farayaa Ciidamada Qaranka Somaliland inay la wareegaan qaadka cida keenta oo gaadiidka sida dawladdu la wareegay, qaadkana waxay ku amran yihiin inay gubaan halka ay ku arkaan, cidda wadatana sharciga ayaa la hot-geynayaa, wixii  khasaare ah waxa dusha loo saarayaa cidda keenta qaadka.”. Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wuxuuna shacbiga ugu baaqay inay garab istaagaan go’aankaa, oo ay askar wada noqdaan, isagoo dhinaca kale xusay in qaadlayaashu kala shaqaynayaan sidii go’aankaasi u fuli lahaa.

 Ilaa hadda xukuumaddu, waxay la wareegeen gaadiid baddan oo ay ciidmadda Boolisku sheegeen in lagu qabtay iyagoo qaad sharci-daro ah soo gelinaya dalka, kuwaas oo inta baddan lagu qabtay Hargeysa, isla markaana waxa xukumo lagu riday dadkii ku eedaysnaa inay dalka soo gelinayeen qaadka kootarabaanka ah, iyadoo gaadiidki Maxkamaddu ku wareejisay Ciidmadda Booliska, iyadoo gaadiidkaasu sidaa ku noqonayaan hanta qaran.

Sidoo kale, waxa lagu gubay qaadkii lagu qabtay gaadiidka, waxaana ay ciidmadda Boolisku ku gubeen fagaarayal ay Bulshadu daawanayeen, iyagoo doonnaya inay ugu quus gooyaan kooxaha kusii dhiiranaya inay si qarsoodi ah usoo geliiyaan qaadka dalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay ciqaab xadhig, ganaax iyo weliba gaadiidka ay ku sutaan oo xukuumaddu la wareegay.

Magaalada Boorama, ayaa maanta shixnadii ugu badnayd ee qaadka kootarabaanka ah lagu qabtay, iyadoo sida ay sheegeen Maamulka gobolka Awdal iyo ciidamada Booliska Somaliland ee gobolkaas ayaa galabta Gubeen 1700 oo Marduuf  iyo 1,000 (kun kiiloo kilo), oo qaad ka yimi dhanka dalka Ethiopia ah, isla markaana la doonayay in dhanka Hargeysa iyo magaalooyinka kale loo soo gudbiyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Colhaye oo goobta Jaadkaas lagu gubay ka hadlay  ayaa sheegay in soo qabashada qaadka ay ku guulaysteen iyagoo gacan ka helaiya saraakiisha cashuuraha ee Kastamka iyo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, wuxuuna xusay inbaabuurtii ay ku qabteen jaadka ay maxkamadda hor  keeni doonaan si loogu fuliyo sharcigii lagula wareegaayey gaadiidkaas, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in maxkamadda la keeni doono dad iyaguna dameero gobolkaa kusoo geliyey qaad iyo kuwo kale oo tuur-ku-qaad ahaa, oo qaad-diglayaal ahaa, isla markaana la qabtay.

Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi-shaqaabe), oo goob joog ka ahaa halka lgu gubayay qaadka lasoo qabtay,  ayaa sheegay in xuduuda Somaliland la wadaato dalka Ethiopia uu  uga dhow yahay gobolka Awdal goboladda kale, sidaas awgeedna uu gobolku u nugul yahay soo gelitaanka  kootarabaanka, sida loola dagaalamayo goboladda kale kaga dhib badan yahay, balse wuxuu sheegay in ay dedaal ugu jiraan sidii ay ula dagaalami lahaayeen qaadka sharci darada kusoo gelaya dalka, si loo fuliyo go’aankii xukuumadda iyo ganacsatada qaadku isla qaateen ee ka bilaabmayay Axada 26 April, 2020.

“Shacbiga Somaliland, waxaan ka codsanaynaa meel walaba  oo ay joogaan in aynaan noqon Askar iyo dad is baacsanaya, waana inay dadku fahmaan arrinta loo joojiyay qaadka in ay tahay arrin caafimaad oo dantooda ah, waa in aan Askarigii iyo naftii la dhibin, kharash la gelin, waad garan kartaan xilliga lagu jiro, iyadoo ramadaan ah, Askariga soconaya dhibaatada haysata, kuwa maskaxdooda ay ku jirto inay soo geliyaan qaadka Somaliland oo ka faa’idaystaan waxaan leenahay walaalayaal ka daaya. Laba arrimood uga daaya, marka hore ummadu waxay isku raacday in la joojiyo qaadka, marka labaad Ummadaada caafimaad-daro wax u keenaya inaad ku dhiirataa waxay u muuqataa in aannad ummada dan ka lahayn, waxay u muuqataa cida uu wax yeelayo iyo cida dhimaynaysa in aannad midna dan ka lahayn.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Arrinta uu ka digayay Wasiir Koore, ayaa ah mid durba muuqata, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca iyo khasaaraha mood iyo noolba leh ee ka dhacay meelaha deegaamada qaarkood, wuxuuna kooxaha doonaya inay qaabkan uga horyimaadan go’aanka ummada iyo xukuumadeedu qaateen uga digayaa inay ka laabtaan oo damiirku shaqeeyo, balse aannay noqon kuwo hunguru shaqeeyo oo haliga dadkooda, isagoo Bulshadana ugu baaqay inay gacan siiyaan Ciidamadda si loo badbaadiyo dalka iyo dadka, isla markaana caafimaadkooda loo dhawro.

“Xannuunku cidna lama dhalan, waxaase laga yaabaa inaad kuwa aad ugu jeceshahay aad sabab u noqoto dhimashadooda, sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa Bulshada Somaliland inay Askarta la shaqeeyaan oo u fahmaan kuwo naftooda ilaalinaya, ayuu yidhi, Wasiir Koore.

Walaw ay kooxaha doonaya inay badhi-furaan go’aanka ummadeed ee loo arkay maslaxada ummada iyo in ay badbaadada Bulshadu ku jirto ee lagu mamnuucay qaadka, ay sii wadayaan damaca indhaha xidhan intii ay awooddaan, iyagoo adeegsanya gaadiid shicib iyo lambar dawladeed xidhanba, balse taas macneheedu maaha inay xukuumaddu u dheg-taagto dhawaaqyo aan badnayn oo abbaaulan, kuwaas oo doonaya in qaadka sidiisii loo daayo, balse waxa hubaal ah in haddii aannay xukuumaddu ka laaban go’aankeeda lagu badbaadinayo caafimaadka iyo dhaqaalaha Bulshada uu noqonayo mid si weyn u dhaqan gala, isla markaana horseedi kara in ay xukuumaddu ku dhiirato go’aamo sidan oo kale ah, waxaase lagama maarmaan ah in saxaafada Somaliland iyo Bulshada kale ee maslaxada caafimaadkooda iyo ka qarankoodu ku jiraan ay si waaqica u taageeraan si Bulshadu ugu badbaado cuddurka si weyn dunidu uga qaylisay ee hareereeyay caalamka, isla markaana dalalka Somaliland la jaarka ee Ethiopia ugu horrayso uu kusii fidayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,398,473, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 239,448, iyadoo ay kasoo kabteen dad gaashaya, 1,080,101 sida ay sheegayaan warxinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka caabuqa COVID-19, May 2, 2020, 3:35 AM Saturday, May 2, 2020 (GMT+3) Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee COVID-19, ee dunida laga helo. walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

AKHRI: Somaliland: Baadhitaanada Coronavirus Ee Magaalooyinka Waaweyn


Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.


Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin, waxayna khuburad Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19