Mukulla-Yemen(Arraweelo News)Xabsi ku yaal Koonfurta dalka Yemen waxa ku nafwaayay 11 qof oo Soomaali ah. Kadib markii ay lasoo derestay xaalad Caafimaad-daro. Dadka ku xidhan Xabsigaa oo ku yaal Magaalada Dekeda ah ee Mukulla oo ku taal gobolka dhinaca Konfurta Yemen ee Xadramuut ayaa gaadhaya 56 qof.
Maxkamad kutaal Mukalla ayaa muwaadiniintaa Soomaalida ah ku ridday xukunno kala duwan, waxaana lagu eedeeyay denbiyo la xidhiidha Budhacad-badeed iyo Tahriibiyayaal, kuwaas oo qaarkood laga qabqabtay xeebaha dalka Yemen.
Mid ka mid ah Soomaalida ku jirta xabsigaa ayaa u sheegay warbaahinta in Meydadka afar soomaali ah laga saaray xabsiga, isagoo walaac ka muujiyay xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku jira xabsigaa, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid u hadlay oo ka waramay xaaladooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhowaan weerar koox hubaysan kusoo qaadeen xabsigaa ay ku dhinteen maxaabiis ka mid ahaa dadka xabsiga ku jiray.
arraweelo.com@gmail.com