W/Q: Eng.Yuusuf Muuse C.laahi (Eng.Amuur)

Waa goor hore oo subaxnimo ah, dadka  badankoodu way hurdaan qaarkoodna waxa ay macaan sanayaan hurdada oo waxa ay isku sii nabayaan halkii ay seexdeen, jawigu waa mid aad u degan, sanqadh, dhaxan iyo wax la dhibsado midna ma jiro.

Goobtu waa masjidka ugu weyn magaalada Hargeysa oo ku yaal badhtamaha suuqa waaween, waana midka dadka ugu badan saladda ku oogaan, goor sheegtu waa abaara 5:25 (Aroornimo), waxa dhacay eedaankii labaad ee salaadda subax, waxaanay dadku ku guda jiraan tukashada labada ragcadood ee ka horreeya saladda subax oo nabi max,ed N.N.K inoogu sheegay inay ka khayr badanyihiin aduunyada iyo waxa yaala.

Waxa kadinka koonfureed ee masjidka kasoo galay nin da’diisu qiyaas ahaan afartanka wax dheeryihiin oo xidhan surwaal jiimis ah iyo shaadh balaadhan oo liidad leh, waxa uu istaagay dhinaca danbe ee masjidka isagoo u jeestay dhanka qiblada, waxaanu bilaabay inuu gacmaha kor u taago, waxyar kadibna waxa uu is hayn kari waayey oohin waxaana kor uga qaadmay ereyadii ducada oo oohin la socoto.

Isla markiiba waxa dib usoo wada jalleecay dadkii masaajidka ku sugnaa, waxaanay noqdeen qaar iska aamusa ,qaar usoo dhaqaajiyey dhankii ninka iyo kuwo kasoo qayliyay halkii ay fadhiyeen, waxase ugu darnaa midkii lahaa “waar masaajidka ka saara”. miskiinki wuu aamusay, waxaanu ugu jawaabay dadkii u soo gaadhay si ay masaajidka uga saaraan “Waar shaydaanka iska naara”, kadibna mid kamid ah ayaa ku yidhi ” waayee codka hoos u dhig” sidaas ayaanu ku aamusay kuna fadhiistay halkuu taagnaa.

Warba waaka danbeeyee, salaaddi subax ayaa la aqiimay, waxaana loo istaagay tukashada saladda, ninkiina waxa uu safkii ka galay dhanka midig oo nabi Max,ed N.N.K inoogu sheegay inuu qofba qofka uu dhanka midig ee safka ka xigo uu ka ajar badanyahay. Waxa na tujiyey sheekh aad u cod macaan balse aan ahayn imaamkii rasmiga ahaa ee masaajidka. Markii saladda laga baxay waxa istaagay isla ninkii lagu qayliyey, waxaanu bulshadii ka codsaday in loogu duceeyo inuu ilaahay soo hanuuniyo, waanu ku celceliyey ilaa uu ka ooyey, dadki way u duceeyeen inkastoo qaarkood lahaayeen “Hayee aamus, hayee aamus” kuwo kalena lahaayeen “Adna dedaal”.

Waxa kale oo iyaduna layaab lahayd markii uu dhaqaaqay, waxa ay dadkii u dhawaa ee safka kula jiray bilaabeen xanshashaq iyo hadal hoose iyagoo lahaa “Wuu sarkhaansanyahay, khamri ayaa kasoo uraayey”. Ninki waxa u dhaqaaqay  dhanka albaabkii uu kasoo galay,waxyar kadib markaan masaajidka kasoo baxayna waxaan la kulmay isagoo waysaysanaaya, markii uu dhamaystayna waxa uu dib u galay salaad.

Ugu danbay, hanuunka rabbi ayaa bixiya waxase layna faray inaynu dadka hanuunka ugu yeedhno, camalka iyo dhaqankeenna wanaagsanna uu noqdo mid dadka aan muslinka ahayn hanuun usoo jiida, dadkeenna qafladaysanna (moogan) u muujiya dabacsanaan iyo naxariis.

Waxaan jeclaa saaka, in ninkaa imaamku u yeedho si wada jir ahna loogu duceeyo, nasteexo gaar ahna uu siiyo ninkaas sida:- inuu bedelo saaxiibadiisii hore, inuu barto diinta, inuu xidhiidhiyo ehelkiisa iyo inuu ka ag dhawaado masaajidada iyo xalqadaha diinta lagu faafiyo.

Haddaba mudane iyo marwo su’aasha meesha taal waxa weeye sidee ayeynu u bedeli karnaa dhaqanka ad adag ee aan ahayn midkii diinta islaamku ina fartay !?

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Allaa      Mahad    leh

W/Q: Eng.Yuusuf Muuse C.laahi (Eng.Amuur)

Xariri1@hotmail.com