W/Q. Axmed Cabdalla
19 December 2019, ayaa Guddi odayaal ah oo isu xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan axsaabta mucaaradka iyo muxaafadka (Xukuumadda iyo xisbigeeda) ay ku dhawaaqeen go’aamo soo-jeedin ah oo dhawr qodob ka kooban.
Go’aamada ay Guddigani soo saareen waxa udub-dhexaad u ahaa in la kala diro Komishanka cusub ee Doorashooyinka Qaranka iyo in dib loo soo celiyo xubnihii Komishankii hore ee muddo xileedkoodu dhammaaday dabayaaqadii sannadkan. Waxa kaloo, go’aamadaa ka mid ahaa in ay xisbiyada mucaaradku joojiyaan dhawaaqyada xambaarsan gefafka sharci ee ka dhanka ah dawladnimada iyo hadallada xanafta leh ee dhaawici kara xasilloonida dalka iyo midnimada ummadda.
Maalin labaadii oo ahayd 17 December 2019, ayey labadii dhinacba (Mucaarad iyo Muxaafid) jawaab ka bixiyeen dhawaaqa Guddiga is-xilqaamay, iyadoo ay labada dhinacba taageereen soo-jeedinta guddiga.
Intii aannu soo bixin dhawaaqa aqbalaadda ah ee mucaaradka iyo muxaafadka, werwerka ay dadku qabeen wuxuu ahaa “talow maxaa soo yeedhi doona,” iyado labada dhinacba laga qabay baqe xoog leh oo dhinaca diidmada ah, waayo, marka dhinaca mucaaradka la eego, su’aasha adag ee la is-waydiinayey waxay ahayd, “waar malaha qolada mucaaradku weligood aqbalimaayaan in la soo celiyo Guddigii Doorashooyinka ee ay nijaasta iyo xaaraanta ka dhigeen ee ay boqolka jeer dhaarta ku mareen in aanay doorasho dambe u garsoori doonin ee ay weliba sida weyn ugu eedeeyeen musuqmaasuq iyo is-dabamarin.” Sidoo kale, marka la eego dhinaca dawladda iyo xisbigeeda, waxa iyagana laga baqe qabay in aanay si hawl-yar u ogolaan doonin in Komishankii shalay la dhaariyey in haddana maanta la yidhaa ha la kala diro iyo sidoo kale in aanay si fudud u qaadan doonin go’aamo suuqa laga yeedhiyey, iyadoo arrimaha laga hadlayaa yihiin nidaam dawladeed iyo hay’ado shuruuc ku dhisan.
Haseyeeshee, markii ay dadku maqleen dhawaaqyada aqbalaadda ah ee labada dhinac waxa ka dhacay kar weyn, waxaanay dareen bogaadin ah hawada u mariyeen dhinacyada is khilaafsanaa.
Dhinaca kale, dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya iyo indheer-garad badaniba way soo dhaweeyeen arrintan, waxaanay u arkeen inay tahay albaab furmay oo laga gali karo in laga wada hadlo is-mariwaagii qir iyo qirta ahaa ee ka dhashay Komishanka Doorashooyinka. Haseyeeshee, su’aasha culus inna hortaal waxa weeye, hadda kadib xaggee loo dhaqaaqayaa?
Inta aynaan su’aashaas ka jawaabin, waxa aynu waxoogaa faallo ah ka bixinaynaa hadallo aad hoosta looga xariiqay, su’aalana la iska waydiiyey oo ku jiray dhawaaqyadii labada dhinac ku ogolaadeen go’aamadii Guddiga dhexdhexaadinta.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), wuxuu ahaa ninkii wasladda xaaraanta ah ka dhigay xubnihii Komishankii hore, ee dhaarta iyo xillo-furka ku maray in aannu weligii aqbalayn haddii Towraad iyo Injiil la akhriyo inay sii xubnihii Komishankii hore, isagoo Gaalo iyo Islaamba ku khasbay inay meesha ka baxaan. Balse, waxa sheeko xiiso leh noqotay oo faaqidaad iyo jawaabo badan laga bixiyey markii uu Cabdiraxmaan Cirro labada sanno kadib subax qudha si hawl-yar ugu dhawaaqay “Komishankii hore ayaa xalaal ah ee ha la soo celiyo.”
Hadalka caynkaas ah waxa uu abuuray faallooyin iyo dareenno yaab xanbaarsan. Dadka qaar waxay ku macneeyeen mowqifka caynkaas ah, “in ay u muuqato in aanay marka horeba waxba ka jirin eedihii Cabdiraxmaan Cirro u jeediyey Komishankii hore ee uu cayaar kale jillayey,” halka ay dadka qaar kalena ku macneeyeen, “inuu yahay nin laga badiyey cayaartii siyaasadda oo is-dhiibay.” Sidoo kale, dad qaybo ka mid ahi waxay arrintaa kaga jawaabeen, “marka horeba Cabdiraxmaan Cirro mowqifkiisa uguma xuddun-xidho jirrid adag ee wuxuu ka soo laalaadiyaa Laan Jiic ah oo Dabayl-xagaadu si fudud u jebinayso.” Waxa kaloo dadka qaar kale is-waydiiyeen, “miyaan la odhan karin Cabdiraxmaan Cirro isagaa leh dib-u-dhaca doorashooyinka, waayo Komishankii Doorashada qaban lahaa ayuu nashuushadeeyey, maanta oo xilkoodii dhammaadayna wuxuu leeyahay ha la soo celiyo, waa guddi wanaagsane.”
Dhinaca dawladda iyo xisbigeeda oo ay u hadleen Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha – Saleebaan Cali Koore iyo Maxamed Kaahin Axmed, waxay hadalkooda aqbalaadda ah ku ladheen in wax walba loo marayo dhinaca sharciga, taas oo dad badani is-waydiiyeen talow maxaa ku hoos jira?
Inkasta oo dadka qaarkii dareen shaki leh ka bixiyeen kelmadda sharci ee ay carrabka ku adkeeyeen masuuliyiinta muxaafadka u hadashay, haddana waxa jira xaqiiqo aan indhaha laga lalin karin oo dhinaca sharciga ah. Waayo, xubnaha Komishanka hore ee la leeyahay ha la soo celiyo muddo-xilkoodii wuu dhammaaday, xilkiina waa lagala wareegay, waxaanay ka mid yihiin dadweynaha caadiga ah. Sidaa darteed, dib u soo celintoodu waxay maraysaa dhammaan dariiqyada ay marayaan Komishan cusubi haddii ay tahay soo magacaabid iyo haddii ay tahay nidaamka sharci ee la marinayo, taasina waa hawl aan yarayn.
Dhinaca kale, Komishanka hadda joogaa waxay ku fadhiyaan sharciyad, waayo waxay soo dhammeysteen dhammaan dariiqyadii iyo shuruucdii looga baahnaa dhismaha Komishan cusub, iyadoo uu sharcigu siiyey inay xaq u leeyihiin inay dhammaystaan muddada shanta sanno ah ee muddo-xileedkooda. Waxa kaloo intaa dheer, in aanay jirin cid awood sharci u haysata inay kala dirto ama erido, balse sida keliya ee ay xubin Komishanka mid ahi meesha kaga bixi kartaa waa laba arrimood mid uun; kow, iscasilaad iyo laba, inuu jiro dambi la caddeeyey oo xil-gudasho la’aan ah. Sida la wada ogyahayna Komishanka hadda joogaa waa mid cusub, mano jiro wax xil-gudasho la’aan ah oo ay ku kaceen, waayo shaqaba may qaban, sidoo kalena ma jirto ilaa hadda cid ka mid ah oo iscasishay.
Sidaa darteed, waxa muuqata inay tacab iyo waqti badan qaadanayso meelmarinta labada qodob ee kala ah; in meesha laga saaro Guddiga Doorashooyinka ee hadda jira iyo abuurista Guddi kaloo cusub.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
Guntii iyo gebagabadii marka la eego dhawaaqa Guddiga Odayaasha ah ee is-xilqaamay iyo jawaabaha aqbaaladda ee ay bixiyeen labada dhinac ee is-khilaafsanaa waxa ina tusaysaa in mar kale dib loogu noqonayo halkii laba sanno ka hor laga soo dhaqaaqay, waayo waqtigaa waxay sheekadu taagnayd Komishankan ha la baabiiyo, Komishan cusubna ha la sameeyo, maantana halkii bay taagan tahay, taasina waxay u muuqataa cayaar mucaaradka laga badiyey, sababtoo ah wixii ay laba sanno ka hor diidanaayeen bay maanta aqbaleen.