W/Q Maxamed Cirro

21 October waa 50 sanno-guuro ama nus-qarni ah oo waa maalintii bilawga kacaankii kadeedka, keli-talisnimada, kibirka, kufsiga, keenaynta bulshada, kawaankii gawraca dadka, kool-koolintii kaadariinta sharka, kootooyinkii kiishad-buuxsiga, qaraabo-kiilka, kurbadii ummadda, kornayladii dhiigga lagu anqariyey ee sida kanneecada u jaqay hantidii qaranku wada lahaa.

Waxa uu kacaankaasi ka talinayey Soomaaliya muddo 21 sanno ah laga soo bilaabo 21 October 1969 ilaa 1990, waxaanna maalintaas madoobayd laga jooga nus qarni ama 50 sanno oo buuxa. Waxay ahayd maalin xaflad dhagax-dhig ah loo sameeyey burburinta dalkii la isku odhan jira Soomaaliya, waxayna ku beegnayd maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 21 October 2019. Alla kululaydaa maalintaasi.

Kacaankii maalintaas dhashay iyo Taliskii Siyaad Barre ee hoggaanka u qabtay marka sida xaqiiqda ah loo hadlo wax badan ayey u qabteen Soomaaliya tobankii sanno ee u horeeyey xukunkooda kadeedka ahaa, waxayna Soomaaliya gaadhay inay millatari ahaan dhisanto, warshado badan oo la hirgeliyey, wax-soo-saarka oo la kordhiyey, ilaa la sheegay in dhinacyo badan ay muddadaas kooban Soomaaliya gaadhay isku-filnaansho ay kaga maaran tahay waxyaabo badan oo dibadaha looga soo dhoofin jiray.

Hasayeeshee, guulaha wax-ku-oolka ah uu gaadhay Kacaankii kaneecada ahaa ee dhashay 21 October, waxa dib u cunay isla kacaankii oo aan biyo is-marin, wixii uu dhisayna dib ayuu u wada burburiyey, weliba burburkaas waxa wehelinayey dhiig badan oo qubtay.

Quwaddii millatariga ee Soomaaliya lahayd waxa loo adeegsaday xasuuqii shacabka reer Somaliland oo markaas ka mid ahaa Soomaaliya, iyadoo diyaaradaha ka duulayey madaarka Hargeysa ay haddana gantaalaha  dib ugu garaacayeen Caasimadda Hargeysa. Waxa madaafiic lagu burburiyey magaalooyin badan oo Somaliland, dad badan oo maati ahna waa lagu xasuuqay oo ilaa maanta ayaa kolba meel laga helayaa xabaalo-wadareedyo lagu aasay dadkii uu xasuuqay Kacaankii dhiigyo-cabka ahaa.

Kadeedkii kacaanku waxa uu sabab u noqday in dadka reer Somaliland dib isugu tashadaan, kana shaqeeyaan sidii ay iskaga xorayn lahaayeen Taliskii Siyaad Barre, waxaanna la aasaasay Jabhaddii SNM oo dagaal sannado badan socday kadib Ilaahay ku guuleeyey inay Millatarigii Kacaanka ka xoreeyaan dhulka Somaliland sannadkii 1991-kii, waxayna guushaas kadib Somaliland go’aansatay inay dib ula soo noqoto madaxbannaanida iyo dowladnimadii ay Soomaaliya kula midawday sannadkii 1960-kii, maantana Somaliland waa 28 sanno jir horumar ka gaadhay dhinacyo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yahay nabadgelyada, xasiloonida iyo dowladnimada buuxda ee ka jirta Somaliland, halka Soomaaliya-na uu weli ka taagan yahay kadeedkii uu kaga tegay kacaankii dhashay maalintii madoobayd ee 21 October 1969.

Waxa qoray; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland

maxamedciro@gmail.com

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.