Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar ugu baxay Dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib markii Boqorka Sucuudigu kusoo daray martida gaarka ah ee dalalka Islaamka oo sannad kasta uu ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo hoggaaminaya xubno ka mid ah Xukuumaddiisa, ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Dhabaha Diyaaradaha ee Hargeisa (Egal International Airport) isagoo halkaa ka raacay diyaarad khaas ah oo Boqortooyada Sucuudiga u dirtay, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.
“Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay u baxayaan si uu usoo gutan waajibka Xajka, Madaxweynuhu wuxuu raacayaa Diyaarad khaas oo dawladda Boqortooyadda Sucuudigu suoo dirtay, wuxuuna ku dhoofayaa Somaliland Passpor, waana markii ugu horraysay ee Passapor Somaliland Madaxweyne xajka ku tago, iyadoo Madaxdii horre dalal baddan ku tageen.”ayuu yidhi, Af-hayeenka Madaxweynuhu.
Wuxuuna intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Wefdigiisu marka ay dhammaystaan gudashada waajibaadka Xajka ay kulamo la yeelanayaan Madaxda Dalka Boqortooyada Sucuudiga oo sida uu sheegay Af-hayeenku ay kala hadlayaan cilaaqaadka labada dal iyo maslaxada labada ummadood.
Af-hayeenka, ayaa sheegay in arrintani ay ka turjumayso siyaasadda arrimaha Dibedda Somaliland oo sida uu sheegay muddooyinkii u danbeeyay si xawli ah u socotay, isla maraanka wadamo badan xidhiidhka iyo cilaaqaadka ay yeelanayaan uu sii kordhayo.