Hargeysa(ANN)-Dab ka kacay Meherado ganacsi oo ku yaala Suuqa Xera-Awr ee Magaalada Hargeysa, ayaa la xakameeyay, kadib markii Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa goobta soo gaadheen.
Dabka oo aan la ogayn sababta dhalisay, ayaa sababay inay gubtaan Meheradaha ganacsi ee ku yaalay goobtaa, kuwaas oo ahaa goobo yar yar oo Jiingado ay ku yaalaan meelo wax laga cuno, amma shaaha lagu cabao iyo sidoo kale meherado kale oo ganacsi oo goobta ka dhowaa, waxaana dabka oo aad u xoogganaa ku fidiyay meherado iyo guryo kale oo agagaarka ka dhowaa, balse Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, saraakiisha iyo hawlwadeenada ciidanka Dab-demiska gaar ahaan kuwa caasimada, ayaa ka hawlgalay daminta dabkaa, waxayna ku guulaysteen inay soo af-jaraan.
,
Saraakiisha Ciidanka Dab-damiska, ayaa sheegay inay halkaa kasoo saareen Qasnado ay ku jireen dahab iyo alaab kale oo Muhiima oo ay lahaayeen muwaadiniinta dabku qabsaday meheradahooda, isla markaana waxay sheegeen in aannu dabku geysan khasaare nafeed, balse khasaare kasoo gaadhay nmuwaadiniintaa hantidoodii.
Dabka markii uu ka bilawday, waxa goobta kusoo xoomay Dadweyne fara badan, kuwaas oo mararka qaar carqalad ku noqda sidii loo damain lahaa dabka, waxayna Ciidanka Dab-Damisku mar walba uga digan dadka inay fursad siiyaan Ciidanka marka khatarta dabka loo samaynayo gurmadka.