Muqdisho(ANN)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ee Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay qaaday tallaabooyin ay sheegeen inay tahay cunaqabatayn ay la doonay Dawladda Somaliland.
Xildhibaannada oo asalkooda kasoo jeeda deegaano Somaliland, balse ka mid ah shaqsiyaadka ka midka ah golayaasha Federaalka Soomaaliya oo ay Somaliland sheegto in aanay metelin deegaamadaa, ayaa dowladda Federaalka ku eedeyay inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Somaliland.
Sidoo kale xildhibaannada ayaa cambaareeyay heshiis ay sheegeen dowladda Federaalka la gashay dawladda Sacuudiga, waxayna iyagoo arrintaa ka hadlaya yidhaahdeen, “Culeys gaar ah ayaa saaran Somaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga, tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo.” ayuu yidhi, xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Somaliland laga joojiyay hay’addihii gargaarka gaadhsiin jiray, waxaana ay Gabagabadii, xildhibaannadu beeniyeen hadalkii ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda Federaalka xidhiidh ay la samaysay Sacuudiga si loo fasaxo markab xoolo siday oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaanay wax lug ah ku lahayn.
Xildhibaannada, ayaa eedeyay dowladda Federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay guddi uu sheegay in ay yihiin kuwo loo xulay oo dawladda Federaalku u xisay heshiisiinta iyo wada-hadallada labada dowladood ee Soomaliland iyo Soomaaliya.