Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay safar ay todobaadkii hore ku tageen dalka dalka Jamhuuriyadda Guinea ee kulaalaya Badweynta Atlantic ee galbeedka qaarada Afrika.
Madaxweynaha Somaliland oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay hargeysa, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dawladda Talyanigu kow ka ahyd dagaalkii ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku qaaday safarkooda iyo sidii loo qaabilay, wxuuna sheegay in Madaxweynaha Dalka Guinea, Alpha Conde. dhegaha ka furaystay dhawaaqyadii kaga imanayay Talyaaniga iyo xulufada Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Guniea . Alpha Conde,si weyn usoo dhoweeyay, isla markaana balanqaaday inuu qadiyada Somaliland ka shaqaynayo, isagoo xusay in shirkii Midawga Afrka oo uu ka qaybgalay durba ka bilaabay sidii uu qadiyada Somaliland ka dhaadhicayay.
Madaxweynaha Somaliland , waxa kale oo uu sheegay in 24 saacadood oo ay ku sugnaayeen Addis Ababa ay kula kulmeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Chad oo Madaxweynuhu sheegay inay kala hadleen qadiyada Somaliland, isla markaana wuxuu xusay in wasiirka Arrimaha Dibbedda Dalka Ethiopia iyo Maaliyadda ay kulamo muhiim ah la yeesheen.