Gaalkacayo(ANN)-Weerar Qarax ah, ayaa lagu dilay Taliyihi Booliska ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacayo ee Soomaaliya, Gaashaanle Cawil Nuur Rooble, maanta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo qaraxaa oo gaadhigiisa loogu xidhay.
Sarkaalka lagu dilay oo ahaa Taliyaha Booliska maamulka Gal-mudug ee Koonfurta Gaalkacayo, waxa masuuliyada qaraxa lagu khaarajiyay sheegatay xarada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada nabad-ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdisho iyo dawladda Federaalka ah.
Dhinaca kale Guddoomiyaha maamulka Gal-Mudug, ayaa ka hadlay qaraxa lala beegsaday sarkaalkaa, wuxuuna dilka taliyihaa ku sifeeyay mid argagaxiso.
Al-shabaab, ayaa inta badan weerarro, qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulisa Soomaaliya, waxayna inta weerarradaa ka fuliyaan xurumaha lagu ilaaliyo Hay’addaha Dawladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho oo ay joogaan kumanaan ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa nabad-ilaalinta ee AMISOM.
Balse Xarakada Al- Shabaab, ayaa mudooyinkii u danbeeyay weerarrada ay inta badan ka fuin jireen Magaalada Muqdisho, waxay kusoo kordhiyeen weearro khasaare nafeed geystay ka fuliyaan magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan maamulada Gal-mudug iyo Puntland.