“Ceeb maaha in Qaranka Somaliland inta uu isku tashado sida uu door moodo ku xalillo amma u maareeyo Mustaqbalka Dawladnimadiisa iyo Doorashooyinka bud-dhiga u ah..”, balse waxa nusqaan innagu ah haddii aynu aqbalno …” W/Q: SCC. Kalshaale
Guddida Doorashada Somaliland ayaa Arbacadii sheegay hadal
iftiiminaya in Doorashada Baarlamanku qabsoomayso horaanta bisha
December ee sanadkan 2019, inta ka horaysa wakhtigaana ay sii wadayaan
shaqada diyaarinta hannaanka Doorashadaas, iyagana muddo-xileedkoodu ku
eegyahay dabayaaqada bisha November oo ku beegan laba todobaad ka hor
xilliga loo qorsheeyey in la qabto Doorashada Golaha Wakiillada.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa
daboolka ka qaaday in loo diyaar-garoobayo qabsoomida Doorashada
Baarlamanka iyo Dawladdaha hoose, waxaanay intaasi raaciyeen inay
guddida Doorashada isla-qaateen casriyeyn iyo kordhin lagu sameeyey
agabka Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashada lagu fulin doono.
“Dadweynaha reer Somaliland waxaan u sheegaynaa Doorashadii way
dhacaysaa…. way dhacaysaa, Xisbiga UCID wuu bilaabayaa qabashada Liiska
Murrashaxiinta ka qayb-gelaysa” sidaas waxa beyaamiyey Guddoomiyaha
Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wariyeyaasha kula hadlay isla
maalintii Arbacada afaafka hore ee xarunta Guddida Doorashada, iyagoo ka
soo baxay kulan uu ka muquurtay amma uu ku maqnaa Xisbiga Mucaaridka ah
ee WADDANI oo ay labadaa Xisbi la yeesheen Guddida Doorashada.
Hadalka ka soo yeedhay labada Guddoomiye ee UCID iyo KULMIYE iyo dhinaca
kale ee Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxa uu daaha ka rogay inay ka
go’antahay qabashada Doorashada Golaha Wakiillada inta badan
daneeyayaasha Doorashada, khaasatan Xukuumadda talada haysa, Guddida
Doorashooyinka iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo ay iyaga dhankooda
ka muuqato labac-labacle ay dhinaca Xisbiga WADDANI debecsanaan ugu
muujinayaan.
Dhanka kale, warka Arbacaddii ka soo baxay Xisbiyada iyo Guddida
Doorarashadu wuxuu sii tahkiidiyey hadal ku jiray khudbadii uu jeediyey
18-kii May Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ahaa in ay Doorashada
Golaha Wakiilladu qabsoomayso wakhtiga ay Golaha Guurtidu u asteeyeen ee
dabayaaqada sanadkan.
Hase ahaatee, go’aanka gunti-isku-giijiska ah ee uu Xisbiga WADDANI kaga
maqan yahay dhaqdhaqaaqyada ay Xisbiyada kale ugu diyaar-garoobayaan
Doorashada, kaasoo ka soo bilaambay qaadacaadii natiijada Doorashada
Madaxtooyada iyo kalsooni-daradda uu ka muujiyey Komishanka
Doorashooyinka tan iyo dhamaadkii sanadii 2017, ayaa u muuqda khiddad
lagu xagal-daacinayo qabsoomida Doorashada lagu bedelayo xildhibaanada
Kuraasta fadhiyey 14-ka sano, taasi oo ah arrin lagama maarmaana
xilligan oo haddii ay sii waarto ceeb weyn ku sii siyaadinaysa sumcada
Qaranka.
Haddaba, inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo Doorashadaasi hortaagan,
isla markaana khilaafka WADDANI ay Weheliyaan qodobo kale oo ay ahayd
in wakhti hore la xaliyo, balse wali taagan oo aan iyaga laftooda si
looga gudbo loo baahan yahay Baarlaman cusub iyo wada-tashi Qaran oo
Dastuuri ah, waxa jira isweydiimo ku taxaluqa doorka ay darafyada
Siyaasadda waddanka ku loollamayaa mar walba ku leeyihiin dib u dhacyada
Doorashooyinka oo dhan iyo hadba cida ay dani ugu jirto.
Isweydiimahaasi marka si dhab ah looga jawaabo-na waxa ay xaqiiqadu
tahay in Xisbiyada Qaranka, Xukuumaddaha iyo qaybaha kale ee hogaanka
Bulshada, qolloba kaalin ku leedahay habsanka iyo habaqsanaanta
Doorashooyinka, taasina ay dhibaato iyo dhaxal-xumo ku keenayso Dalka,
haddii aan laga xisaabtamin oo aanay darafyada aan sheegay danta dalka
iyo dadka ka shaqaynin.
si kastaba ha ahaatee, Doorashadan iminka dooddeedu taagan tahay ee ay
duruufaha badani ku gedaaman yihiin qabsoomideeda, haddii ay mar kale
dib u dhacdo, Ma waxa dani ugu jirtaa Golaha Wakiillada ee kuraasta
fadhiya 14 sanadood ee waayey damiir iyo doonis shacbi oo kaga kiciya
awood aan xoog ahayn ee ah cod iyo cadaadis selmi ah?
Ma waxa dani ugu jirtaa Xisbiga Kulmiye ee markii labaad ku guulaystay
hogaaminta dalka, laga soo bilaabo wakhtigii la doortay Golaha 2005-tii,
ilaa iminkana haysta Aqlabiyada Golahaasi ee aan waligii mashruuc uu
wataa kaga barriiqan kalsoonida Xildhibaanada?
Ma waxa dani ugu jirtaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee taagan marxaladii uu
xisbiga Kulmiye taagnaa ka hor intaan la bedelin Golihii Wakiillada ee
kuraasta baneeyey 2005-tii ee u baahan inay Golaha Xeer-dejinta ka
helaan aqlabiyad cusub iyo Wakiillo cusub?
Ma waxa dani ugu jirtaa shacbiga mahadinta dadka ay doortaan wali ku
tahay hal-xidhaalaha ee haddana mar walba hiilka codka iyo hantida la
garab taagan sumcada iyo sharafta dalkooda?
Ma waxa dani ugu jirtaa Qarankan ay ragaadiyeen qabyada Shuruucda iyo
qabyaaladdu ee u baahan Wakiillo cusub oo dar-dar geliya dhamaystirka
dal-dalloolooyinkan Dastuurka iyo danta danyarta dalka?
Ma waxa dani ugu jirtaa qaadhaan-bixiyeyaasha qaxarka badan ee marba
Doorashada soo dhawaataba ka dhex muujiya qabsoomideeda xayeysiiska
Ictiraafka Somaliland, haddii ay dhici waydana rajjo la’aanta abuura?
Ma waxa dani ugu jirtaa Beellaha qawadsan saami-qaybsiga iyo Gobolada saluugsan Dastuurka iyo dawladnimada?
Mise waxa dani ugu jirtaa Deegaanka Madaxweyne Muuse Biixi, Deegaanka,
Guddoomiye Cabdiraaxmaan Cirro, Deegaanka Faysal Cali Waraabe, Qabiilka
Cali Qoor-seef mise qabiilka Qudhac Qansax Galool iyo Qadhoon Warfaa?
Su’allahan, waxaan qiyaasayaa akhristeyaal in aad mid walba
calaamadiseen dulucda ay xambaarsan tahay oo iftiiminaysa jawaabteeda,
idiinna kala cadahay cida ku wax waayeysa haddii mar kale dib loo dhigo
Doorashadaas iyo cida ku faa’idaysa haddii la qabtaba.
Gabagabadii, waxaan ku soo uruurinayaa “ceeb maaha in Qaranka Somaliland inta uu isku tashado sida uu door moodo xalillo amma u maareeyo Mustaqbalka Dawladnimadiisa iyo Doorashooyinka bud-dhiga u ah”, balse waxa nusqaan innagu ah haddii aynu aqbalno oo aynu darbaneyaal u noqono dan-jireyaasha Shisheeye ee qaadhaan-bixiyeyaasha aynu u naqaano, “kaddibna ay kuwaasi inoo yeedhiyaan wax danteena u muuqda oo aan dawo innoogu jirin,laakiinse meesha ka saaraya isku-tashigii, isu-tanaasulkii iyo toobiyihii ay Somaliland halkan ku soo gaadhay, abuuraysana kala-shaki iyo kala-tag bulshada kor iyo hoos saameeya, aakhirkana inagu dara liiska Dadyowga isku-tashan kari waayey, sida Dalka Soomaaliya.
W/Q: Suxufi Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/ Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com / curad1986@hotmail.com