Hargeysa(ANN)- Shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa wacdaro ka dhigay, isla markaana adeegyo cusub ku soo bandhigay Carwada Baananka iyo Shirkadaha Maaliyadeed ee Somaliland oo maanta Madaxweyne Muuse Biixi si rasmi ah uga furay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay laba cisho ka soconayso.

Shirkadaha Kala duwan ee Dahabshiil Group, ayaa macaamiishooda ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadan Carwada ee ay adeegyada cusub ku soo bandhigeen, iyagoo Masuuliyiinta Shirkadaha Dahabshiil Group u hadlay sharraxeen adeegyada cusub.

Fu’aad Axmed Nuux oo ku hadlayay magaca shirkaddaha Dahabshiil Garoup, ayaa ka hadlay ka hadlay waxyabaha ay qabtaan.

Warbixinta uu kaga hadlayo arrimaha adeegyada ay qabtaan oo faahfaahsan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho.