Hargeysa(ANN)-Dood caalami ah oo ka socota meelo badan oo dunida ah, ayaa ka digay in ganacsato badani ay maalgashanayaan waxbarashadda, si ay u helaan macaash aad u badan, iyaga oo aan eegayn tayada waxbarashadda ama Ardayga ay soo saarayaan iyo wuxuu bulshada ku soo kordhinayo.
Somaliland, waxa kusoo badanaya dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay maalgashanayaan macalimiin haysta lacag badan, ama ganacsato kale oo macaash doon ah, kuwaas oo qaarkood kiraystaan dhismayaal aan loogu talo gelin goobo waxbarasho oo loo qorsheeyey degsiimo, waxayna qaadaan lacago aad u badan, si ay u helaan faa’iido aad u saraysa.
Ardayda dhigata dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawladda Somaliland, waxaa lagu qiyaasay sannadkii 2018 inay gaadhayaan illaa 153,077 Arday, kuwaas oo ay waxbaraan macalimiin tiradoodu noqonayso 6057 macalin, halka tiro kale oo intaas ka badan oo Arday ahina ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay. Sannad dugsiyeedkii 2015/2016 waxaa tirada dugsiyadu noqotay 1,145 dugsi “oo 989 dugsi oo ka mida ay dawladdu gacanta ku haysay iyo 156 dugsi oo gaar loo leeyahay”. Qiyaas ahaan waxa gobolka Maroodi-jeex yeelanayaa iskuulada ilaa 30.5% (350 dugsi oo ka mida 1145 dugsi ee dalka). Sidoo kale magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan bulshada Somaliland ayaa leh 644 malcaamadood oo ay dhigtaan arday ka badan 100,000 oo arday. Celcelis ahaan dugsiyada hoose dhexe ee dawladda, waxaa macalin waliba u dhigaa illaa 25 arday, halka malcaamadaha ku yaalla magaalada Hargeisa ee lagu barto quraanka, uu halkii macalin u dhigo celcelis ahaan 35 arday.
Sida lagu sheegay Warbixintaa Xarunta CPA oo kaashanaysa koox arday ah oo si tabaruca ula shaqaynayay, ayaa bishii February 2019, samaysay cilmi-baadhis kooban loogu soo ururiyay xaaladda waxbarashada ee Somaliland, waxana si gaar ah loogu qiimeeyay magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin in ku dhow 33% bulshada Somaliland, iyadoo lagu waraystay illaa 48 qoys oo ku kala nool 8-da xaafadood ee magaalada Hargeisa iyo 20 dugsi oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.
Cilmi-baadhista, ayaa sheegtay in kharashka ay qoysasku ku bixiyaan waxbarashadda, tusaale ahaan qoyska ku nool magaalada Hargeisa ee illaa 3 caruur ah oo ay dhaleen waxbarashadda kaga bixiyaan lacag celcelis ahaan gaadhaysa $109. Taas oo celcelis ahaan $65 ay ku baxdo khidmadda Ardayga laga qaado bishii iyo $44 oo ku baxaysa Lebiska Balcadda (School Dress) Ardayga, gaadiidka uu dugsiga u raaco, buugaagta manhajka ee Ardaygu iibsado iwm.
Xukuumaddii uu Hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo, ayaa samaysay sannadkii 2011, barnaamij waxbarashadda dugsiyada dawladda bilaash lagaga dhigayo, laakiin arrintaa oo ahayd mid lasoo dhoweeyay, ayaa abuurtay in dhaawac weyn soo gaadho tayadii waxbarashadda dugsiyada Dawladda, balse cilmi baadhistan ayaa lagu ogaaday in weli lacago laga qaado Ardayda dhigata dugsiyada dawladda, inkasta oo dhinaca wasaaradda Waxbarashada, ay ka qoran tahay, inaan ardayda dhigata dugsiyada dawladda aan wax lacag ah laga qaadin. Ardayda ay dhaleen madaxda sare ee dalku waxay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, iyaga oo kala cararaya tayada waxbarashadda dugsiyada dawladda oo hoosaysa.
Arrimaha kale ee lagu ogaaday cilmi-baadhistan waxaa ka mida, inay qoysaska la waraystay ay 20% ka mid ahi sheegeen inay guryaha u joogaan, Arday gaadhay xilligii waxbarashadda, kuwaas oo ay u waayeen dhaqaale ay kaga bixiyaan waxbarashadda, sidaana uga hadheen waxbarashadii, kuwaas oo u badan hablo.
Sidoo kale Magaalada Hargeisa waxaa ka jira illaa 644 malcaamadood, taas oo ay dhigtaan arday ka badan 100,000 oo arday, hase ahaatee malcaamadaha badankooda ayaa ku yaalla xaafadaha ay ku nool yihiin dadka ladan, halka xaafadaha danyartu u badan tahay ama goobaha ay ku nool yihiin barakacayaashu, ay ku yaryihiin malcaamaduhu. warbixinta, ayaa sheegtay in qiimaha ay qaadaan uu aad u sarreeyo, tusaale ahaan, malcaamaduhu ay bishii ka qaadaan Ardaygii lacag inta u dhexeysa $5 illaa $35 Dollar. Waxaana celcelis ahaan ay u badan yihiin malcaamaduhu inay qaadaan Ardaygii, $10 dollar. sida lagu sheegay warbixintaa.
Arrimaha kale ee lagu ogaaday cilmi-baadhistan waxaa ka mida, in xlligan macalimiin lacago badan haysta iyo ganacsato kala duwani ay maalgashanayaan waxbarashadii gaarka ahayd, iyagoo doonaya onay hirgelinayaan dugsiyo gaar loo leeyahay, si ay macaash badan uga sameeyaanm waxayna dugsiyada gaarka ahi noqdeen goob ay wax ka bartaan Ardayda ka soo jeedda qoysaska ladan, halka dugsiyadii dawladduna ay u sii xuubsiibanayaan inay noqdaan goob ay wax ka bartaan Ardayda ka soo jeedda qoysaska saboolka ah.
Kala sarrayntan nololeed ee dhinaca waxbarashadda ee ay abuurayaan macalimiinta lacagta haysta iyo ganacsatada maalgashanaya waxbarashaddu, waxay ka hor imanaysaa in la gaadho bar-tilmaameedyada ku xusan Yoolka 16aad oo ah in helo bulsho kuwada nool “Nabad iyo Caddaalad”. Maadaama ay imanayso in marka dugsiyada dawladda ay isugu hadhaan arday danyar ah, ay keeni karayso inay cadow ku noqdaan bulshada inteeda kale, taasina ay horseedayso ammaan xumo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta u daah-furay Imtixaanaadka Dugsiyada Dalka, ayaa ka hadlay taya-xumada waxbarashadda Dalka ee dugsiyada gaarka loo leeyahay, wuxuuna sheegay in tacliinta laga dhigay ganacsi, taas oo sida uu sheegay xukuumaddiisu ogaatay in sababta ay Dusgiyada gaarka loo leeyahay mar walba u galaan kaalmaha hore ee Imtixaanaadka dalka, wuxuuna ku eedeeyay inay ogaadeen in Iskuul walba Lixda bilood ee u danbaysa 10 Arday meel gaar ah ku xereeyaan oo lacag badan ku bixiyaan, isla markaana Macalimiin gaar ah u qabtaan oo baraan ilaa heer jamacadeed, kadibna sidaa kusoo galaan iyagoo ka duwan qaranka oo toban qof dadka lagu jaah-wareeriyo oo la yidhaahdo gaadhi ayaa la siinayaa iyo dakham dahab ah ayaa la siinaya, maaha wax la aqbali karona, waa arrin baayacmushtar ee ma ahayn Ardaydu waxay shaqayteen, ka faqiirka ah iyo inanka taajirka ah way u siman yihiin Imtixaanaadka” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Bixii.