Sana’a(ANN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira xulufada sucuudiga, ayaa beeniay war ay maanta baahisay warbaahinta Sacuudiga, oo sheegayay inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah. Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Reuters.
“Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku deyayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta oo magaciisu yahay,Yahya Sarea, kaas oo qoraal soo dhigay facebook.
Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar sannadood ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta, walaw aanay wax guul ah ka gaadhin dagaalkaa oo khasaare nafeed, burbur iyo barakac ku sameeyey dalka Yemen.
Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga laga leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogayaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah.
Mid ka mid ah gantaallada, waxay sheegeen in uu ku socday magaalada Makkah ee barakaysan, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya dhacdadaa.
Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ay sii xooggaysanay xiisada ka taagan khaliijka, taasi oo u dhaxeysa Iran oo lala xidhiidhiyo inay taageerto Xuutiyiinta, iyo dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Mareykanka oo dhinac ah.
Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii tagay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray goboo laga soo saaro shidaalka oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Axaddi, wakaaladda wararka Xuutiyiinya ay maamulaan ee SABA ayaa sheegtay in militariga Xuutiyiinta ay billaabi doonaan howlgal miltari oo ka dhan ah 300 oo ah bartilmaameedyo militari oo muhiim ah oo ku yaalla dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.