Boorama(ANN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uuCabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kala qaybgalay Xuska 28-guurada ka soo wareegtay gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May oo maanta dalka si weyn looga xusay munaasibada maalintaa..

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay inay Somaliland tahay Qaran la wada leeyahay maanta, inkastoo halgankii dib-u-xoraynta lagu kala aragti duwanaa, cid ka leh Reer Awdal Somalilandna aanay jirin, cidda aragtidaas qabtaana tahay cid wax qaldaysa.

Waxa sidoo kale, iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey Masuuliyiinta dowladda heer degmo iyo gobol iyo Masuuliyiin ka socoday Xisbiyada Siyaasadda. Waxaanannu warbixinta warkaas iyo hadallada Madaxda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose.

Boorama 18 May