Abdinasser Ibraahim
Hordhac

“Qormada waxaan diiradda ku saarayaa, goortii ka ganacsiga addoomaha iyo tahriibta maanta, waxay ka warramaysaa siduu wakhtigu isku baddelay, dhacdooyin taariikhi ah ayaa ku jira, tusaaleyaal nool iyo sheekooyin murug badan. Si taxane ah ayaan haddii rabbi qadaro u soo dayn doonaa.”

(Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim )

Reer galbeed ku markii ay bilaabayeen kobcintii kacaankii warshaddaha, oo ibbo furkiisa uu lahaa dal ka ingiriisku, waxay is ku raaceen, in ay u baahan yihiin laba arrimood oo sidan u kala mudan.

Shaqaale muruq maal ah: reer galbeed ku waxay aad u fahmeen mugga ganacsi ee ku jira “Beeraha,”sidaa darteed waxay u baahdeen in ay helaan, shaqaale muruq maal ah, kuwaas oo dunida seddexaad (Qasab lagaga soo daabuli doono) Qaaradahooda waddanadooda, magaalooyinkooda, tuulooyinkooda, xaafaddahooda iyo beerahooda, iyadoo la soo marin doono Badda, Maraakiib waaweyna inta silsilado lagu xidho waliba garaacis luugu daro ayaa sida raashin ka loo rasayn jiray. Dad kan qayb kamid ah biyaha badda ayay isku tuuri jireen iyagoo jecel in ay waddankooda ku noolaadaan waxay u badheedhi jireen “guul ama geeri,” guusha waxay u arkayeen in ay ku laabtaan dhulkooda, geeriduna waxay ahayd in ay biyaha ku dhex dhintaan iyagoo jecel dalkooda. Hasa yeeshee waxay ku qanacsanayeen in ay biyaha ku dhintaan halkii laga geyn lahaa “dhul qalaad!”

Suuq laga gado badeecadda warshaddaha reer galbeed: arrintan oo sida muuqata salka ku haysa dhaqaale ama maaliyad gaar ahaanna suuq ganacsi oo ay kala bursanayaan reer galbeed. Tani waxay keentay in reer galbeed oo dalal yurub ku yaal hormuud u yihiin ay qayb sadaan suuqa dunida seddexaad. waxaan tusaale taariikhi ah ugu soo qaadan karnaa “qaybsigii baarlin ee Africa : The Division of Africa, February 26th. 1885.” Shirkan Africa lagu qaybsanayay wuxuu Berlin Germany ka socday seddex bilood oo xidhiidha, goortaa waxa reer galbeed isku raaceen (in dunida seddexaad dad keeda-dalkeeda iyo duunyadeeduba yihiin “maal ama hanti reer galbeed leeyihiin” sidaa darteed waxuu shirkani daarnaa qaybsiga hantidan)

gabo gabadiina waxaa la isku af gartay in Africa loo qaybsado sidii loo qaybsaday. Hogo-tus ka ugu horreeya, khasaaraha Nafeed ee sannadkiiba dad ka ku dhinta ka hor intaanay soo gaadhin (Zinzibar) oo ahayd xarunta suuqa ganacsiga Addoomaha ee ugu weyn Bariga Africa, waxaa ku dhiman jiray sannadkiiba 80,000.Waxay taarikhdu xusaysaa in qof ka African ka ah inta luugu yimaado beertiisa, la soo silsiladeeyo ka dib qasab lagu saari jiray markab. Meesha la’geynayaa waa Maraykan iyo Yurub. Bal aynu eegno xaalka maanta.

Tahriibta maanta : kor haddii aynu ku xusnay mabda’ii qofka African ka ah ee noolaa 1885 iyo in badan oo ka danbaysaba ilaa laga soo gaadhayo 1960s , uu ahaa mid ku qanacsan qofnimadiisa, qaaraddiisa iyo dalkiisa, maanta waxaa nool African neceb, qaaraddiisa,dalkiisa isla markaana shaki kaga jiro qofnimadiis iyo awooddihiisa haddii aanu dhul shisheeye jooginna aaminsan in wax badani ka dhiman yihiin oo waxba aanu qabsan Karin.

Halkii reer galbeed ku markii hore ay maraakiib intay inoo soo diraan qasab innagu qaadan jireen, maanta waxaa ka danbaysay inaan doomo yar yar oo macmal ah lacagteena ku bixinno, ugu na badheedhno khatar mug weyn, qaar keena saxaraha ku sii dhintaan, kuwa kalena badda, gabdhaheennu in ay u badheedhaan gabadhnimadooda iyo sharaftooda in ay ku badashaan “aadista dal shisheeye,” oo aanay garanayn wax ay kala kulmidoonaan.

“Haddaan hoos u soo dago haddii aan nahay dad ka reer Somaliland, xooggii dalka iyo mustaqbalkii ummadda ayaan ku waynay jidka lagu riiqday ee rafaadka badan iyo biyaha badda ee dad-qalka noqday.” Hooyooyin badan ayaa naxdintii ay ka qaadaan ka dib markii ay ilmihii keliya ee ay lahaan uu jidkaa ku dhintay iyana aan waxba ka danbayn oo wadnahu istaagay.

Qoysas badan oo bakhtigu u xalaal yahay ayaa hoygii kaliya ee ay lahaayeen u iibiyay wiilkooda ama gabadhooda oo dhexda cadow ku haysto markii luugu soo qayliyay, markii ay hoygoodii xaraasheen ee ay lacagtii direenna sidaa ku waayay wiilkiii-gabadhii iyo hantidiiba.

“waxyaabihii ugu waaweynaa ugu na mudnaa ee xukuumadda maanta ee xisbiga kulmiye goortii ay ololaha ku jirtay, ummadda ka iibinaysay ugu na baanaysay waxaa ka mid ahaa, in ay wax ka qaban doonto TAHRIIBTA, shaqo abuurno samayn doonto, xaasha waabay dhiiri galisay waanu sii seddex jibaar may, qurbe joogtiina waa buun buunisay, ilaa heer aan dhallinyarta ka maqalno “tahriibaha maantu waa qurba jooga bari, qurba jooga barina wuxuu ku casuuman yahay madaxtoonyada.”

………. Dhoof jeceylku wuxuu keenay in nin dhallinyara oo 30 jir ah, caafimaad qaba, wax bartay uu raganimadiisa ka tanaasulo oo uu isku dhiibo ruux dumar ah oo 30 sanno ka weyn, dhoof jeclaan darteed!

…………..Waxaan dhaayaha ka qaaday, gabadh da’yar oo 18 jir ah rabbi faceed uga sad buriyay qurux ahaan, oo nin buka oo irbaddi ku mudantahay, ku galaysa dhoof jeclaan kaliya.

………… waxa kale oo aan magaalada Addis-ababa ku arkay, will gu’ jir ah, oo Islaan 60 jir ah qaba, kuna galay doof dartii, haddii ay jeceyl iyo qiimayn kale oo wanaagsan tahay maan diidin laakiin qof dhoof guursanaya.

**** maan kaaga ku sawir qof addoon ah oo sil siladaysan oo surwaalku ka dhacayo iyo tahriibe uu magafe haysto oo siduu doono ka yeelayo, oo walaashii iyo xaaskiisa lagu hor kufsanayo oo aan ka hadli Karin! ****

**** bal qiyaas siduu noqonayo hummaaggani, waa gabadh cawro ah, 19 jir. Dhowrsoon, waxaa ku dhacay jeermis sidaha “ dhoof jeceylka,” waxay ka dhaqaaqday gurigoodii, Ethiopia ayay ku xidhnayd sannad, askarta jeelka ayaa kufsi joogto ah ku waday, xabsigaa markii ay ka baxdayna, waxay u jarmaadday dhankaa iyo Sudan. Sudanna sidoo kale waa lagu kufsaday. Liibaya ayay gashay sida kale, Talyaaniga waxay dantu ku qashabtay in ay rag dhex seexato, Afar sanno ayay Germany degantahay, wali ma guursan, lacag caydha oo yar ayay qaadataa, mustaqbalkeeduna ma sii iftiimayo, sharaf badnaan lahaydee haddii ay dalkeeda ku dhex qado, ama macalin yar oo aan mushahar badan qaadannan guursado oo halkaa rabbi ubad xalaala ku siiyo****
Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim