Heshiiska
Labada Dal Ayaa La Xidhiidha Dhanka Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda
Djabouti(ANN)-Dalalka Somaliland iyo Djibouti, ayaa kala saxeexday Heshiis dhanka isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ah.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiwali Sh. Cabdullaahi Suufi oo maanta kusoo laabtay Magaalada Hargeysa, kadib booqasho saddex maalmood ah oo ay ku tageen Djibouti horaantii todobaadkan, waxa uu warbaahinta hadal kooban oo la xidhiidha ujeedada safarkaa ku sheegay in ay heshiiskaa wada saxeexdeen labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti.
Dr. Cabdiweli, wuxuu sheegay in isaga iyo xubnaha safarkaa ku weheliyay kulamo iyo shirar dhexmaray masuuliyiinta dhiggooda ah ee Djibouti arrimo la xidhiidha addeegyada dhinaca Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha, kadibna ay saxeexdeen heshiiskaa oo labada Wasiir ee Boosaha, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi iyo dhigiisa Djibouti Cabdi Yuusuf Suge qalinka ku duugeen.
Heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti, wax faahfaahin ah kama bixin Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdullaahi, wuxuu ku tilmaamay mid horumar u ah dhanka Bulshadda Somaliland.
Ma cada waxyaabaha nuxur ahaan uu xanbaarsanyahay heshiisku iyo xiliga ay labada xukuumadood dhaqan gelinayaan, waxaana Wasiirka ku weheliyay Wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti, CabdiFataax Siciid, Wakiilka Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar, Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim ee wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland.