W/Q. Barkhad-ladiif M. Cumar.
Inta badan madaxweyne Muuse Biixi waa nin dadka iyo deegaankaba aad u kala yaqaan, qof kasta oo uu la kulmo waxa uu caado u leeyahay inuu uga waramo Aabihii, ama awawgii amaba qof deegaankiina caanka ah taariikh uu leeyahay, tusaale ahaan wakhtigii ololaha degmo wal oo uu marayo taariikhdeeda iyo odayaasheedii hore ayuu dadka ugu khudbadanayn jirey, Laascaanood marka uu tago daraawiishtii iyo taariikhdoodii buu uga waramaa, Oodweyne marka uu marayo odayaashii taariikhda ku lahaa buu uga sheekeeyaa, Boorama marka uu tago Camuud iyo taariikhdeedii barigii uu ardayga ka ahaa buu uga sheekeeya, Jabuuti marka uu tago taariikhdeedii buu uga sheekayaa, waxaana caado u ah marka uu qof la kulmo inuu horta taariikhdoodda uga waramo si uu qofka uu la hadlayo u raaligaliyo ama uu uga dhigo nin wax badan ka yaqaan deegaanka uu ka soo jeeddo.
Bal aynu eegno sheekadda dhexmari karta Abiy iyo Muuse .
markii uu la kulmay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu uga sheekaynaya qoomiyada Oromada iyo waxay soomaalida ka dhexeeya ama Somaliland iskaga xidhan yihiin iyo abaal SOomaalidu ku leedahay Oromada, mar kale waxa uu uga sheekaynaya Itoobiya iyo wixi uu taariikh ka hayo. Ka dibna xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland buu uga sheekaynayaa.
Madaxweyne Muuse Biixi baa sheekada qaadanaya,wuxu odhanaya “ Itoobiya waxanu lahayn xidhiidh qotodheer oo kala badh qoyskayagu Itoobiya ka soo jeedaan, labada dhinac qoys isku mid ah ayaa degan, qoomiyad Oromadu waa cida noogu xigta Itoobiyaanka kale oo xidhiidh qoto dheer baanu lahayn oo markii ay cagta hoostooda ku jireen dadkii gargaari jirey ama ku dhuuman jireen waxay ahayd dhulkayaga.
1977-kii waxaan watay Diyaaradii duqaynaysay Itoobiya oo dadkii dagaalka la gallay baan ahaa, 1981-kiina dadkii dhinaca Itoobiya ka soo jeeday ee dawladii Soomaalida ridayey baan ka mid ahaa, oo saaxiibkey Maxamed Kaahin wasiirkayga Arrimaha guduhu wuxuu ahaa sadexdii nin ee ugu horeeyey ee jabhadii SNM ka sameeyey Itoobiya, waxaanay noo ahaayeen miino baadh, anaga iyo Itoobiya heshiishkayagu halkaasi buu ka soo bilaabmay, ninkii shalay Itoobiya cawga u arkayey ayaa maanta dhulkoodii marti u noqday oo dhankii kale ka soo jeedsaday, waxa illaa heerkaasi keenayna waad dareemi kartaa, in nidaamkii aad shalay taageeraysay aad maanta cadow u aragto waxa sababay wax yar maaha, Itoobiya iyo Soomaalidu cadaawadii ka dhexeyn jirtay waxa soo afjaray waa jabhadii halkan laga sameeyey ee SNM, is dhexgalkaasi iyo nabad ka dhex dhacdo Itoobiya iyo Soomaalina anaga u horseedanay oo sidiibaanu wali u yahay.
R’isal wasaare Abiy Axmed oo taariikhdan badan ee uu Muuse ka sheekayanay dhagaysanaya, ayaa dantiisii ka hadlay, waxaanu yidhi “wax badan baad iga warantay, wax walba way dhacaan aduunyada, bal ka waran hadii aan iskiin hor fadhiisiiyo madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo waxa idinka dhexeeya ka wada hadashaan.
Madaxweyne Muuse: aniga waxa isoo doortay shacab, waxaana ku shaqaynayaa rabitaanka shacabkayga, dadkii lixdankii taageersana midnibada ayaa imika diidan midnimo oo madax banaani raba, sidaan filayo waxaad tahay nin jecel dimuqraadiyada, dimuqraadiduna rabitaanka dadka ayey tixgalisa, marka ma doonayo inaanu qol hoostii ku wada hadalno ee waxaanu rabna fagaare caalami ah oo dalal badan joogaan inaanu gartayada ka dhiibbano, hadii fagaaraha ogol yihiin diyaar baan ahay.
Abiy Axmed: anigu waxaan soo xaliyey khilaafyo badan oo geeska ah, waxaan xaliyey khilaafkii anaga iyo Eritrea noo dhexeeyey, kii Soomaaliya iyo anaga noo dhexeeyey iyo kiii labada suudaan u dhexeeyey, waxaana doonaya inaan idinkana anigu arrinkiina gallo oo aan xaliyo, waxaase madadaxweyne la yaabay, hadal dhowaan ka soo baxay oo waxaas oo guul ah oo aan sameeyey libteedii aad siisay madaxweynaha Eritrea oo aad lahayd isbedelka waxa wadda Isas Afwerki, arrinkaasi dareen wayn bay nagu riday in guulaha aan sameeyey qof kale iyo dal kale aad siiso ??
Madaxweyne Muuse Bixi: waa runta, imika waxa libta haysta waa Eritrea, sababtuna waxa tahay, labaatan sano ayey dunida go’doon galisay si uu u dabco, markii uu damqan waayey ee uu dunida u liici waayey ayey dunidii u jabtay, taas ayaa keentay in adiguna ogolaatoo dhulkaasi la isku haysto isaga inaad siiso, sidaasna godoonkii looga qaado maanta isaga faa’iido taagan waxaas uu ku gaadhayna waa samirkii uu samray, anaguna sidaas iyo si ka sii fog baanu nahay, waxana aaminsanahay go’aankaasi in hadalkaasi yahay ka fursad aan imika kugu hor fadhiyo I siiyey.
Hadii aad doonayso inaad labadda wadan xaliso arrinkiisa, adigu dhulkii la isku siiyey waxaad siisay walaaladaas Eritrea, idinkaana ugu hor aqoonsaday oo fasaxay Eritrea, sidaas aad samayseen uun ha sameeyaan Soomaaliya dhul iskuma haysanee ee ha na fasaxdo oo u sheeg inay kugu daydaan si xal loo gaadho xalkuna gacantooda ayuu ku jiraa, wax intaas dhaafsiisab ciddi iga aqbalaysa ma jirto.
Abiy Axmed oo la yaaban ad adayga ka muuqata iyo mayal adaygiisa, wax badana ka akhristay ayaa odhanaya “ Muuse waxaan isku dayaya innaan iskiin hor fadhiisiiyo oo si toos ah u wada hadashaan idinkuna is qancisaan , si wal oo aad raali ku tihiina waan idin samaynayaa, laakiin anigu waxaan doonayaa inaan bariga afrika oo dhan nabad ka islaaxiyo inaad gacan iga siisana waan rabaa.
Sheekadaasi waxaya hayd mid mala awaala oo aynu sawiraynay siday u dhici karto doodda dhexmaraysa Muuse iyo Abiy.
W/Q. Barkhad-ladiif M. Cumar.