Mahad oo dhan waxaa iska leh Allah ee naga yeelay dad Islam ah naxaris iyo nabad ha ahaato Nebigeena dushisa ehelkisa iyo asxaabtisa, kadib waxan halkan uga mahadcelinaya gabi ahaanba bahda saxaafadda madaxabaannan iyo dhammaanba bulshowaynta reer Somaliland iyo Akhristayashaa qimaha leh….
Maandooriyaha loo yaqaano QAADKA amma JAADKA;
Ujeedada qoraalkeygan maahan in aan cilmi cusub oo qaadka laga ogaaday idiin soo gudbiyo, laakiinse inta aan uga socdaa waxay tahay maxaa ummaddeena ka dhigay kuwa ugu badan ee cuna, moogganna hadimooyinkiisa iyo inta waxyeelo ee uu bulshadeena ku hayo?
Umaddeenu waa umad islaam ah 100% diinta islaamkuna waxay u soo degtay islaaxa iyo hagaajinta umaddaha waana diin dhamaystiran oo ilaalisa qofka caqligiisa, cirdigiisa iyo caafimaadkiisaba intaba se QAADku waa uu baabi’yaa taasina waxa markhaati cad kaaga ah inta qof ee u waalatay, u dhimatay, u caydhowday iyo inta qoys ee u burburay.
Natiijooyinka aynnu maanta ka hayno Qaadka isticmaalkiisu waxay ka muuqataa magaalooyinkeena, degmooyinkeena, tuulooyinkeena iyo dhamaan meel walba oo qof soomaali ahi joogo. Natiijooyinkaasi oo ah bilic xumo ka muuqata gaar ahaan magaalooyinka oo meeshaad aragtaba ay kaaga muuqanayso KOLAY, qashin xad dhaaf ah, marfishyo ay fadhiyaan dhallintii dhulkani sugayey ee ka dhigi lahayd mid leh mid la mid ah horumarka ka muuqda dalalka dunida ee ku talaabsaday horumarka laxaad ka leh ee intoodii wax garadka ahayd ay u hurtay naftoodii, maalkoodii iyo maankoodiiba. Soomaalida se waxa naftii hure ah ninka Qabqablaha ah, Qabyaalada ku shaqaysta iyo ninka dayacay xilkii ka saarna ummaddiisa, dalkiisa, iyo illaahi abuuray ee waliba karaameeyey.
Tiro laguma soo koobi karo inta qof ee uu dilay gaadhi Qaadle ahi amma uu curyaamiyey, waxna lagama qabto haday tahay dawlad iyo cid kale oo mansab sheeganaysaa ee waxa uu noqdaa ninka uu dilo gaadhigaasi “Nin dameer dilay”. Dhaqaale waxa ay soomaaliyi lahayd ba waxa ay ku gadatay Qaad oo bulshada dhamaanteed hadday tahay Madaxweyne iyo miskiin, caalim iyo caamo, taajir iyo faqiirba waa la wada qayilaa, dhaqaalaheediina waxay ku
Marka lagaa reebo inyar oo dhalinyarada hada jamacadaha dhigta amaa dhamaysay ninkii caqli lihii ma qayilo.
Muhiimada aan ka lahaa qoraalkeygani ee ugu weyni may ahayn sidaan kor ku xusayba in aan ka waramo dhibka Qaadka, inta dhaqaale ee inagaga baxda iyo inta qof ee u xis weydey (u waalatay), ee waxa ugu weyn ee aan ugu socdaa waxay tahay in uu Qaadku yahay maandooriye ah oo ka mid ah maan dooriyayasha maanta ka jira dunida, mujtamaceedanana aan gaadhsiino in ay tahay sun cudur xun oo umadeeenaa asiibay unaa baahan in laga gaadho oo wacyi gakin badan laga bixiyo waxan uu damqaday runtii walahaa qaadkuu qaaday ee maalkoodii iyo wakhtigoodii iyo cafimaadkoodiibaa uula wareegay cafimaad ahaan sidaa uu qofka uu badalo iyo cuduradaa lagaa qaada intaa ay leeg yihiin iyo sidaa ay uu kala baxaanaa waa sidan
Qaadkuu waa waxa uu leeyahay dhibaato aad uu wayn marka la eego dhinaca cafi, maadkaa iyo dhaqalahaba dhibaatooyinkaa ka caafimaad eee qaadku way tiro badan yihiin waxana ka mid ah:
1) Dhiig kar
2) Wadno garaac
3) Hurda la’aan
4) Cunto xumo
5) Calool istaag
6) Yalaaluugo lalabo
7) Madaxanuun
8) Nafaqa daro
9) Gaastari
10) Khalkhaal xaga masgaxda ah
11) Awoodaa ragga nimadaa oo diciifta
12) Xanuun ku dhaca cirridka afka iyo hunguriga
13) Ilkahaa oo si fudud uga dhaca ama daata
14) Qofka oo uu bato dagaalkiisa iyo cadhadiisu oo neerfis noqda
15) Ugxaanta oo raca kadida
16) Ilmaha oo miisankiisu yaraado gabadha cunta qaadka
17) Canaha naaska oo yarada.
By. Sucaad Sh. Axmed Cusman