Warbixin: Cabdirisaaq Ahmed Hayaan
Tani iyo markii Maayarkii hore ee Degmada Gabiley ee dadku codkooda ku doorteen loo magacaabay waxay guud ahaan dadka reer Somaalilaan gaar ahaan reer Gabiley ka biyo-diideen go’aanka maayar codka shacabka ku yimid loogu magacaabay wasiirka dawladda dhexe ka tirsan. Baadhis madax-banaan oo warbaahintu samaysay ayaa daaha ka rogaysa xaqiiqada dhabta ee go’aanka magaacaabista iyo ansixin la’aanta ay Wakiiladu ku diideen ina wasiirkan cod loo qaado taas oo xoogaa kalsooni u soo celiso aqalka wakiiladda oo beryahan dambe laga dayrinayay madax-banaanidiisa.
Muxuu Wasiirka Ku Macneeyay In Golaha La Hor Waayo
Kadib markii guddi-hoosaadka khayraadka dabaaciga ahi ka reebtay in Wasiirka Warshadaha Ee Cusub loo gudbiyo golaha si loo ansixiyo, ayaa wasiirku warbaahinta kala duwan u sheegay in wiil u qorayay codsiga iyo taariikh-nololeedkiisu u ka qalday da’da. Sharaxaadan ayaa ah mid been cad oo wasiirku ula badheedhay hay’adaha sharci dejinta. Sida ay muujinayaan waraaqaha codsiga, taariikh nololeedka iyo shahaadada oo aanu helnay ayaa muujinaya in jawaabta wasiirka aan la ansixin ay tahay majara-habaabin.
Maxaa Ku Qoran Waraaqaha Wasiirka
Marka la soo kobo, waxa ka soo baxday shahaadada iyo waraaqaha kale ee wasiirku ku gudbiyey in laba arimood oo waaweyni ka qaldan yihiin:
1) Da’adda: Sida Guddida-hoosaadku sheegtay da’dda wasiirka waxay aad uga yar tahay mida distoorka cayimay ee ah 35 Jirka. Shahaadada Dugsiga Sare ( oo Ka Soo baxday Dugsiyadda AL-FURQAAN) ee wasiirku u gudbiyey Golaha wakiiladda waxay muujinaysaa sanadka dhalashada wasiirka oo ah 1983 taas oo manta wasiirka ka dhigaysa 32 Jir (laba iyo soddon jir). Waxaa kale oo isla da’daas ka makhraati furaysa codsigii uu gudbiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka 2012 markii uu tartamayay golaha deegaanka ee Gabiley oo iyana muujinaysa in taariikhda dhalashadda ahayd 1983.
Marka laga yimaad CV-ga (taariikh nolol-waxbarasho-shaqadda) oo isaga ay ku qoran tahay taariikh dhalasho oo ah 1981 kana dhigaysa da’diisa maanta 34 Jir (Afar iyo soddon jir) oo lafteedu ka yar tii distoorku ogolaa ayaa hadana ah mida keliya ee aan waafaqsanayn shahaadada oo 2007-dii soo baxday iyo codsiga musharaxnimadda oo 2012. Waa tan ta wasiirku uu leeyahay waxaa iga qalday inankii ii qorayay iyaddoo ta lagu diidan tahay ‘in loo qoro waraaqaha’ sida ka muuqata qodobka labaad ee ka qaldan waraaqaha wasiirka.
2) Shahaado Been Abuur ah & Sheegasho Aqoon Dugsi Sare: Shuruudaha wasiirnimo ee distoorka ku dhigan ayaa ah in xubinta wasiir noqonaysaa ee ay ugu yaraan leedahay aqoon dugsi sare. Sida ay muujinayso shahaadado Dugsiga Sare ee Al-furqaan kuna saxeexan yahay maamule Sh. Abdillahi Abdi Ali wuxuu shacay ka baxay dugsiga sare ee AL-Furqaan sanadkii 2007-dii iyaddo dhalashada ku qoranina tahay shahaadada 1983 (balse sida ka muuqata marka hore ay ahayd 1993 lagase masaxay oo laga dhigay 1983). Haddii aynu kaba rumaysano in ay sax ku tahay 1983, taas macnaheedu waxa weeyi in sanadkii 2007-dii uu wasiirku ahaa 25 jir, da’daas oo aad ugu wayn ta dugsiyadda sare laga baxo. Waxaana wasiirka ku soo baxaya su’aalo ka badan jawaabaha uu heli karo. Xaqiiqada dhabta ee jirta ayaa in wasiirku aanu dhamaysan dugsiga sare oo uu kaga tagay sanadka labaad (form 2) sida ay cadeeyeen maamulka iyo ardaydii waqtigaas ku jirtay labadaba. Waxa kale oo ka makhraati kacaya been abuurka shahaadadan oo laga yaabo inuu lahaa muwaadin kale oo maanta aan ogayn in dedaalkiisii laga xaday ayaa ah: farta magaca oo ka duwan inta kale iyo da’da dhalashada oo ahayd 1993 lagase dhigay 1983.
Gefafka iyo Dambiyada Dhacay una baahan in la saxo
Waxa dhacay dambiyo iyo gefaf waawayn oo haddii aan la sixin horseedi kara cawaaqibo sharci iyo mid shaqsi. Waxaa ka mid ah kuwan soo socda:
i. Xatooyo iyo ka been abuur shahaado qof kale
ii. Jabin Sharciga iyo Distoorka Qaran
iii. Been u sheegid hay’addo Dawli ah: Baarlamaanka, Komishanka Qaranka,iyo Golaha Deegaanka Ee Gabiley.
iv. Iyo Kuwa kale
Fadeexadaha Siyaasadeed & Musuq-maasuq Ee Ku Dul Gadaaman Degmada Gabiley
Degmada Gabiley oo lagu tilmaamo degmadda labaad ee ugu dakhliga badan Somaalilaan marka laga yimaad Berbera ayaa Wasiirkan cusubi uu kaga soo noqday maayaar ka hor intii madaxwayne Siilaanyo aanu u soo magacaabin jagaddii wasaaradda warshadadaha ee uu baneeyay Abiib Timacadde. Waxaa cid walba fajiciso ku noqotay in maayar la doortay loo soo xulo jago wasiir isna ka ogolaaday taas oo waji-gabax wayn ku noqotay hanaanii dimuqridiyadda dalka.
Waxaa kale oo iyana soo baxday in Degmadda Gabiley lagu leeyahay dayn ka badan 3.6 ilaa 7 Bilyan Somaliland Shilling taas oo aan la sheegin cidda ku leh, sababta loogu yeeshay, iyo in Golaha degaanka og yahay iyo in kale. Tan baa ka dhex dhalisay dadwaynaha reer Gabiley inay is waydiiyaan sababta maayar ay ka cabanayeen oo waliba dayn fara-badan galay loogu dalacsiiyey jagada wasiirka degaanka isla markaan xog-hayahii maaliyadda oo kula jiray fadeexadan lagana cabanayo ay wali xukuumada Axmed Siilaanyo ugu hayso degaanka oo cabasho is daba-joog ah maalmahan iyo horeysaba uga soo gudbiyay.
Dhinaca kale, dadwaynaha reer Gabiley oo xudun u ahaa guushii xisbiga Kulmiye ku hantay jagada hogaaminta dalka ayaa tirsanaya in abaalkoodii noqday in xoolahoodii la boobo, adeegyada bulshadduna ay ka sii daraan isla markaana masuulka iyaga baa’bi’iyaa uu dalacaad ka mutaysto xukuumadda dhexe. Kuwo kale oo degaanka ah ayaa iyaguna intaa ku sii dara in xukuumadda Siilaanyo waxqabad daaye ay Degmadda ka dhigtay mid la taagdaran daymo sida dalka GIRIIGA xaga ay aqoon ahaana gaadhsiisay in laga waayo masuul DUGSI Sare Dhamaystay oo wasiirnimo buuxin kara taas oo haddii lagu daro jagooyinka ay ka hayaan xukuumadda dhexe oo yar iyo wasaarada D-da ee loo kala gooyay labadda wasiirk ee degmadda ka soo jeeda (waa ganacsiga iyo warshadaha’e) ay tahay fariin culus oo ay tahay in fahmaan kana tashadaan ijtihaagooda siyaasadeed.
Isku soo wadda duuboo, waxaa la dhawrayaa talaabadda xukuumadda iyo wakiiladda qaadaan maalmaha socda iyo sida loo ilaaliyo ama loo jabiyo qaanuunka iyo dastuurka. Haddii Guddi-hoosaadku ku adkaysato go’aankeedii hore waxay u hiilin doonaan distoorka, dawladnimada iyo dadka reer Gabiley ee xaqa u leh xisaabtan. Haddii xukuumaddu ku adkaysato inay wakiiladda hor gayso wasiirka waxay reer Gabiley looga fadhiyaa inay is waydiiyaan dhinacyadda ay masuuliyiinta noocadan ahi (xog-hayaha maaliyadda iyo maayarkii hore) u adeegaan ee ku dan qumista. Waxaa la soo gaadhay xiligii xisaab celinta.
Cabdirisaaq Ahmed Hayaan
ilkacasenews@hotmail.com