“Xukuumaddu, waxay la dhitinaysaa Siddeetan Milyan Oo deyntii lagaga tegey ah”
Hargeysa(ANN)- Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, Xisaabiyaha Guud Axmed Daa’uud iyo saraakiisa maaliyadda. kulankan oo maanta ka dhacay dhismaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay.
Hase yeeshee markii kulanku dhamaaday waxa saxaafada warbixino kooban siiyay Wasiir Sacad iyo Xildhibaan Buubaa, waxayna laduba sheegeen inay kulanka u jeedadiisu ahayd sidii la isaga xog-waraysan lahaa Xisaab xidhkii 2017, isla markaana is wada jir ah la isula eegi lahaa sidii loo sixi lahaa nidaaamka maaliyadeed ee Qaranka.
Wasiirka Maaliyadda oo la weydiiyay, waxa ka jira ay deyn xukuumaddii hore ee oo uu ka mid ahaa ku wareejisay xukuumadda cusub ee KULMIYE, isla markaana ay deyntaasi caqabad ku noqotay xukuumadda cusub, wuxuuna arrintaa kaga jawaabay,”Deyn wey jirtaa oo ma jirto xukuumad aan deyn wareejin, anigaba markii xilka laygu wareejinayay deyntu waxay ahayd waxyaabaha laygu wareejiyay.”
Dhinaca Xildhiabaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo dhankiisa markii kulanku dhamaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in markii xukuumaddaha KULMIYE, ay xilka la kala wareegayeen sheegeen in aanay jirin deyn ay la kala wareegeen, balse waxa uu sheegay inay taasi been noqotay.
“Xukuumaddu waxay la wareegtay 80,000, 000,(sideetan milyan oo dollar), waxa ku jirta lacag 4.1Milyan dollar ah oo miisaaniyad sannadeedkii 2017, ugu jirtay Baanka dhexe oo aan gaadhin Baankii, miisaaniyaddana ka maqan, markaa waxaanu u balanay wasiirka iyo xisaabiyaha inay qoraal noo soo gudbiyaan, wixii kale ee aannu u aragnay inay lagama maarmaan yihiin” ayuu yidhi, Buubaa
Sidoo kale Xildhibaan Buubaa, wuxuu sheegay inay ka wada hadleen Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyaha guud in kharashaadka ku jira miisaaniyada iyo talooyinkii golaha wakiiladda sidooda loo raaco, wuxuuna tusaale usoo qaatay lacagta 2%, eek u magcaaban gobolada Bariga in ay gole ahaan 2011, miisaaniyada raaciyeen in lacagtaa mashaariic loo bedelo, balse aan lagu dhaqmin, sidaa awgeed ay doonayaan in tallooyinka la raaciyo miisaaniyada ay wasiirka iyo xisaabiyaha guud sidooda ugu dhaqmaan, taas oo uu sheegay inay u balan qaadeen.