Hargeysa (ANN)-Dalalka ay ciidammadu ka joogaan Soomaaliya, sida Kenya, Itoobiya iyo Ugaandha, ayaa si weyn uga feejigan inay weerarro kala kulmaan xarakada Al-shabaab ee ay kula daggaalamaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya, iyadoo kooxdani ay hore wacad ugu martay inay fulineyso dhaqhaqaaqyo ay khal-khal ku galineyso amniga dalalkaas.


Hase ahaatee, dalka Kenya ayey ka dhacaan weerarrada ugu badan ee ay Al-shabaab ka fuliso dalalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika.


Haddaba, qormadan ayaan ku eegeynaa isbarbar-dhigga dedaallada ay wadammada ku lugta leh howlgalka Ciidanka AMISOM ugu jiraan inay ka feejignaadaan falcelinta dagaalyahannada Al-shabaab.


Amniga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Somaalida


Aminga Itoobiya inta badan waxaa suga Hay’adaha Aminga, balse waxaa qeyb libaax ka qaata shacabka oo inta badan la socda dhaq-dhaqaaqa qof kasta oo isku daya in waxyeello uu u geeysto aminga dalka iyo dadka reer Itoobiya-ba.


Marka laga soo tago Hay’adaha Aminga, Gobolka Soomaalida ee Itoobiya shacabka ayaa si iskood ah isku xilqaama oo qabta shaqooyiinkii booliska oo waxa ay xilliyada habeenkii ah baadhitaan ku sameeyaan gawaadhida iyo dadka ay ka shakiyaan.


Warbixin ku saabsan aminga magaalada Jigjiga oo uu dhawaan wariyaha BBC-da ee magaalada Jigjiga ka soo sameeyay halkaas, waxa uu ku waraystay korneyl Cali Cabdijabbaar oo muddo badan ahaa Ku-xigeenka Taliyaha Booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasoo carrabka ku adkeeyay in mar kasta uu aaminsan yahay in aminga uu ku jiro gacanta shacabka.


“Shacabka haddii ay amniga u istaagaan oo ay naftooda iyo hantidooda ilaashaadaan askariga waa ay u fududaaneeysa shaqadiisa,” ayuu yidhi Korneyl Cali Cabdijibbaar, waxaannu intaas ku daray; “Shacabka Soomaalida Itoobiyada waxa ay cashar ka barteen dhibaatada haysata walaahooda Soomaaliyeed, markaa sidaa darteed waxa ay go’aan ku gaadheen in aanay dhibaatadaasi soo gaadhin gurigooda iyo dalkoodaba, sidaas awgeed ma aha waxa ilaaliyay millatri ee iyaga ayaa amingooda sugtay.”


Amniga Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa sidoo kale ka qeybqaatay culimada deegaanka oo inta badan ka wacyigeliya dhallinyarada in aanay ku biirin ururrada Islaamiyiinta ee xag-jirka ah. Dhanka kale, khudbadaha Jimcaha ayey culimadu diiradda ku saaraan wacyigalin ku aadaan arrimahaasi.


Wariyaha BBC-da ee Jigjiga, ayaa sidoo kale wareystay Faadumo Cabdi Iraad oo ka mid ah shacabka deggan magaalada Jigjiga, waxayna sheegtay in aanay aminga magaaladooda u daba fadhiyin Ciidanka.


“Anaga shacabka ah ayaa aminga ilaashanna oo waxaan isugu xidhannahay 50 qoys ilaa shan shan qoys, shantii guriba qof ayaa mas’uul ka ah, markaa waxaan aad ula soconnaa dhaq-dhaqaaqa xaafadaheenna,” ayey tidhi Faadumo.


Amniga Somaliland


Sida lagu sheegay warbixinta ay diyaarisay BBC-du, Amniga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa aad u wanaagsanaa tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa, taariikhdu markii ay ahayd 29 Octobar 2008-dii.


Daahir Rayaale Kaahin oo xilligaasi ahaa Madaxweynaha Somaliland oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa ka hadlay qaraxyadaasi, wuxuuna ku tilmaamay fal aad u xun, isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska soo dhex saaraan waxa uu ugu yeedhay cadaw.
Tan iyo xilligaasi, wax weyn ayaa iska beddelay xaaladda ammaanka Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay qeyb weyn ka qaataan feejignaanta laamaha ammaanka ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland.
Amniga Ugaandha


Bishii July ee sannadkii 2010-kii, waxaa magaalada Kampala ka dhacay qarax weyn oo ay ku naf waayeen in ka badan 70 ruux oo xilligaasi daawanayay cayaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Adduunka.
Hasa yeeshee, qaraxaasi ka dib, dalka Ugaandha wax qarax ah oo kale kama aannu dhicin, oo ammnigeeda aad ayaa loo adkeeyay.

Inkastoo waddanka Ugaandha aannu daris la ahayn Soomaaliya, haddana waxaa gudaha Soomaaliya ka hawlgala ciidammadooda oo ka tirsan ciidammada nabad-ilaalinta ee AMISOM, sidoo kalena waxaa Ugaandha ku nool Soomaali badan, haddana waxaa la aaminsanyahay in ay ka amni wanaagsantahay dalka Kenya.


Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shalay ku hanjabay in dowladdiisu aanay ka hadhi doonin kooxdii ku lugta lahayd weerarka ka dhacay magaalada Nairobi maalintii Salaasada, isagoo sheegay inay meel walba uga dabagali doonaan.


Tirada weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay Dagaalyahannada Al-shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya

Dhinaca kale, warbixin ay faafisay BBC-da oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, ayaa lagu soo bandhigay weerrada ugu dhimashada badnaa ee Ururka Al-shabaab ka fuliyey gudaha dalka Kenya, weerarradaas oo uu ugu dambeeyey kii magaalada Nairobi ka dhacay maalintii Salaasada oo ay dolwadda Kenya sheegtayb inay ku dhinteen ilaa 14 ruux, inkastoo wararka kale ee soo baxay ay iftiimiyeen in dhimashadu ay ka badan tahay 20 qof, halka ay Hay’adda Bisha Cas ee Kenya sheegtay inay jiraan dad aan raq iyo ruux midna lahayn oo tiradoodu ka badan tahay ilaa 50 qof.


Weerarkan ka dhacay Nairobi, waxa uu ka mid noqonayaa weerarro hore u gilgilay dalka Kenya oo ay kooxdan ka dambeysay. Subaxnimadii Arbacada ee shalay, ayaa lasoo afjaray weerarkan, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta.


Dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, ayey Al-shabaab sare u qaadday dhaqdhaqaaqyada ay ka sameyso gudaha Kenya, ka dib markii Milatariga Kenya ay bishii Oktoobar ee isla sannadkaas gudaha u galeen Soomaaliya, xilligaasoo xukuumadda Nairobi ay sheegtay inay ugu tallowday Soomaaliya, si ay ula dagaallanto Al-shabaab.


Haddaba, waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ay Al-shabaab ka fuliso degaannada dalka Kenya, kuwaasoo kala ahaa;


1-Weerarkii suuqa Westgate
Taariikhdu markii ay ahayd 21 September ee sannadkii 2013-kii, Koox hubeysan, ayaa weerar ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate oo ku yaal magaalada Nairobi. 71 ruux oo ay ku jireen 4 dagaallame ayaa ku dhintay dhacdadaas, halka qiyaastii 200 (laba boqol) oo ruuxna ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen. Ciidammada ammaanka Kenya, ayaa muddo 4 maalmood ah ah waday howlgal ay kula tacaalayeen dableyda weerarka fulineysay.


Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay Al-shabaab sheegatay iney ka fulisay caasimadda Kenya.


Hase ahaatee, inkastoo weerarkii Westgate uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalo madaxda Nairobi, ma ahayn kii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan Kenya.


2-Weerarkii magaalada Mpeketoni

Intii u dhexeysay 15-kii ilaa 17-kii bishii June ee sannadkii 2014-kii, dad kor u dhaafaya 60 ruux ayaa lagu dilay weerarro ay koox hubeysan ka geysteen magaalada Mpeketoni oo hoos tagta Ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.


Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkaas oo ay mas’uuliyiinta Kenya ku tilmaameen fal argagixiso. Xilligaas wixii ka dambeeyay, deegaanno ka tirsan Ismaamulka Lamu oo ku yaalla cidhifka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, ayaa bar-tilmaameed u noqday xoogagga Al-shabaab.


Ciidammada ammaanka Kenya, ayaa howlgal ay ku ugaadhsanayaan dableyda ka soo tallowday xadka Soomaaliya ka wada aagaas, iyagoo si weyn diiradda ugu saara keynta Boni oo ay inta badan ku dhuumaaleystaan xubnaha Al-shabaab.


3-Weerarkii shaqaalaha dhagaxa qoda ee Mandheera


Taariikhdu markii ay ahayd 2 December ee sannadkii 2014-kii, koox hubeysan ayaa xilli aroor hore ah weerar ku qaadday goob hoy u ahayd shaqaalaha dhagaxa qoda ee magaalada Mandheera ee dalka Kenya. 36 ruux oo u badnaa dad aan Muslim ahayn ayaa lagu dilay goobtaas, ka dib markii ay dableyda rasaas oodda uga qaadeen, waxaana weerarkaas mas’uuliyaddiisa durba sheegatay Al-shabaab.


Dhacdadaas ayaa cirka ku sii shareertay cabsi dhinaca ammaanka ah oo ay dadka aan muslimiinta ahayn ka qabeen deegaannada ka tirsan gobolka Waqooyi-Bari ee ay Soomaalida dagto. Weerar kale oo sidaas loogu bartilmaameedsaday dadka ka shaqeeya qodista dhagaxa dhismeyaasha ayaa bishii July ee sannadkii 2015-kii lagu dilay 14 ruux oo ka mid ah shaqaalaha dhagax qodeyaasha ah.


4-Weerarkii Jaamacadda Gaarisa


Mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee soo maray Kenya, ayaa ahaa mid dhacay 2-dii bishii April ee sannadkii 2015-kii, kaasoo lagu qaaday xarunta Jaamacadda Gaarisa, taasoo ah Jaamacadda kaliya ee ka howlgaleysay gobolka Waqooyi-Bari Kenya.


Weerarkaas oo ay sidoo kale mas’uuliyaddiisa sheegatay xarakada Al-shabaab ayaa lagu dilay 151 ruux, oo ay ku jiraan 4 dagaallame.
Ardaydii lagu xasuuqay Jaamacadda ayaa u badnaa dhallinyaro ka soo jeedda deegaannada dalka Kenya ee ka baxsan gobolka Waqooyi-Bari.
5-Weerarkii Baska ee Mandheera

Taariikhdu markii ay ahayd 22-kii bishii November ee sannadkii 2014-kii, ayey koox hubeysan weerar argagax dhaliyay la beegsadeen bas ka soo baxay magaalada Mandheera, kuna sii jeeday caasimadda Nairobi, kaasoo ay wadda u galeen.


Dableyda oo baska afduubatay ayaa kala soocday 60 ruux oo rakaab ahaa, iyagoo toogasho ku dilay 28 ruux oo ay u garteen in aanay muslimiin ahayn. Kooxda Al-shabaab oo dusha u ridatay mas’uuliyadda weerarkaas, ayaa sheegtay inuu arrgoosi u ahaa howlgallo baaxad leh oo ay ciidammada ammaanka Kenya ka fuliyeen masaajiddo ku yaalla magaalo-xeebeedka Mombasa, iyagoo ku ugaadhsanayay xubno lagu tuhunsanaa inay xag jir yihiin.


Waxaa ka dambeeyay weerarro kale oo lagu beegsaday macallimiinta aan deegaanka ka soo jeedin, taasoo sababtay in guud ahaanba ay macallimiinta tayada leh ku yaraadaan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.