Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Laascaanood(ANN)Qaadka laga joojiyay dhwaan dalka Britain ee cariga Ingiriiska, ayaa waqtigan loo soo waariday dhinaca dalka Somaliland iyo Somaaliyada kale sida magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo.
Diyaarad kuwa xamuulka ah oo sida qaada Miirooga, ayaa maalin dhaaf u fadhiisata Madaarka macmalka ah ee magaalada Laascaanood, taas oo ugu yaraan dejisa 7tan oo qaadka nooca loo yaqaan Miirooga.
Qaadka Miirooga ah, ayaa loo waaridaa magaalooyinka Ceergaabo, Buuhoodle iyo Tuulooyinka dhinaca hawda iyo kuwa gobolka Sanaag qaarkood, waxaana deegamadaa usii gudbiya gaadiidka yar yar, iyadoo aanay jirin wax cashuur ah oo dawlda dhexe kasoo gala, taas oo wararka la xidhiidha qaadka iyo qaar ka mid ah dadka deegaanku u sheegeen shebekadda Araweelo News Network in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee deegaanku isla qaateen in aan wax cashuur ah laga qaadin qaadka Miirooga ee ay Somaliland dhinaca Laascaanood kasoo geliyaan ganacsato kasoo waariday dhinaca dalka Kenya.
“Diyaaradu waxay magaalada Laascaanood keentaa ilaa 7tan oo qaadka Miirooga ah, kaas oo ay ka keento dhinaca Nairobi ee dalka Kenya, waa maalin dhaaf, maalinta aanay Diyaaradu iman Laascaanood, waxa dhinaca Garoowe kasoo gala 4 Gaadhi oo nooca loo yaqaan Mark11, kuwaas oo sida qaadka Miirooga, waxayna kasoo qaadaan Diyaarada oo Garoowe dhigtay, gaadiidku iyagoo sida shixnadaha qaadka, waxay soo maraan Kastamka Dhexe ee Laascaanood ee sharciga ah, balse ma jirto wax cashuur ah oo laga qaado qaadkaa, ama Diyaarad ha lagu keeno, ama dhinaca Garoowe ha ka yimaadee.” Sidaa waxa shebekada wararka ee Araweelo News Network u sheegay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la socda arrimahaa.
Sidoo kale Badeecadaha dhinaca Garoowe kasoo gala, ayaan wax cashuur ah laga qaadin inta baddan, kuwaas oo aan la ogayn sababta looga qaadi waayay, balse waxa jira doodo la xidhiidha arrimahaa oo sheegaya in cashuur dhaaf loo sameeyay ganacsatada gobolka Sool, taas oo kooxo gaar ah loo sameeyay, balse aan dadka ganacsatada deegaanku u sinayn.
Maamulka Puntland ee xaruntiisu tahay Garoowe, ayaa qaadka ku cashuura lacag Dolar ah, waxana Marduufka Qaadka ah lagu cashuuraa $3.2 Dollar, iyadoo qiimaha lagu Iibiyo noqonayo $4.8 Dollar. Sidoo kale qaadka Miirooga, ayaa ah ka dakhliga ugu baddan ay ka helaan maamulka Puntland si la mid ah sida Xukuumadda Somaliland qaadka ka yimaada dhinaca Ethiopia ee lagu cashuuro Kastamka Kala-baydh uga hesho dakhliga ugu baddan ee dalka.
40 Daabullo, ama Jawaan oo qaad ah oo midkiiba 20 xidhmo oo halkii xidho 5xidhmo ku jirto, taas qiimaha lagu iibiyaa noqonayo ugu yaraan $ 20 Dollar, Qaadadka Laascaanood lagu cuno, ama soo gala maaha kuwaa oo keliya ee waxa jira kuwo galbeed ka yimaada oo lagu soo cashuuro Kastamka Kala Baydh. Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah kuwa dadka xog ogaalka u ah arrimaha ganacsiga qaadka.
Maamulaha Kastamka Laascaanood Maxamed Maxamuud Baadari (Dhega-weyne) oo maalintii Jimcihii ka hadlay Ololaha Cashuur Ururunta ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa sheegay in ay Sabtida bilaabayaan Ololaha cashuur ururinta, wuxuuna mar uu ka hadlayay badeecaddaha soo gala gobolka Sool sheegay in kuwa ugu baddan oo ah Nooca Bagaashka ka yimaadaan dhinaca Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso, isagoo ugu baaqay ganacsatada gobolka Sool inay bixiyaan cashuuraha ku waajibay, maadaama sida uu sheegay tansiilaad baddab loo sameeyay dadka gobolka oo aanay jirin cashuur la qaadi jiray, wuxuuna ka codsaday maamulka gobolka iyo wasaaradda Maaliyadda inay garab ku siyaan arrintaa Ololaha, balse Maamulaha Kastamku masoo hadal qaadin arrimaha la xidhiidha qaadka cashuur la’aanta kusoo gala gobolka ee u gudba deegaamada dhinaca Sanaag iyo Buuhoodle, kaas oo dakhli baddan dawlada kaga baaqdo.
Dhinaca kale dadka ka ganacsada Qaadka ee u gudbiya dhinaca gobolka Sool iyo deegaamada Puntland, ayaa ka waalacsan arrinta cashuur la’aanta qaadka Miirooga ee kasoo gala Somaliland dhinaca Bariga, kaas oo ay u arkaan inuu khatar ku yahay ganacsigooda, isla markaana wax u dhimayo nidaamka ganacsiga iyo xuquuqda muwaadiniinta ee ah in si siman loo wada cashuuro badeedacadaha ganacsi ee dalka soo gelaya.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in gobolka Sool badeecadaha kasoo gala dhinaca Puntland iyo qaadka laga soo waariday dhinaca Nairobi ee Miiroogu yihiin badeecado aan la marin nidaamka cashuuraha Somaliland, isla markaana aan wax dakhli ah kusoo kordhin xukuumadda oo ay ku weydo kumaan dolar maalin walba, waxayna arrimahaasi muujiyeen debecsanaan dhinaca maamulka ah oo ka jirta gobolka iyo Hay’addaha dawlada sida waaxda cashuuraha ee Kastamka iyo Ilaalada Cashuuraha ee gobolka, kuwaas oo si gaar ah uga faa’idaysanaya debecsanaanta maamulka ee gobolka.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.