Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhifatay dalalka ku haboobay Ururka Badda Cas ee xuduuda la leh Gacanka cadmeed. Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay maanta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.
War-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sida:- “Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Tixgelinaysaa Dadaalka Dhowaan Lagu Dhawaaqay In Uu Abuuro Iskaashiga Wadashaqeynta Lixda Waddan Ee Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed, Aag Istaraatiiji Ah Iyo Dekad Muhiim Ah Oo Caalami Ah.
Somaliland waxay ku guuleysatey inay badeeda ka ilaaliso argagixisada budacad badeeda ah dhulkeeda iyo xeebaha, mana ku wadi doonaan amniga dhulkeeda 850 kiiloomitir dhulkeeda.
Somaliland waa waddan madaxbannaan oo leh xuduudo caalamiya , heshiis kasta oo ka dhexeeya waddamada gobolka ee Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa qalad aan la aqbali karin .
Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajeyneynaa wax kasta oo wada shaqeyn ah oo si firfircoon uga qaybqaata amniga iyo barwaaqada aaggan oo aan ka hor imanaynin madax-bannaanida dal kasta.ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedkaa oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.