“Haddii Somaliland iyo Soomaaliya Heshiin Waayaan Waxa Lagu Dambayn Doonaa Sida Shiinaha iyo Taiwan”
Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha
Djibouti(ANN)-Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mr. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in haddii dib loo bilaabi waayo, isla markaana wax guul ah laga gaadhi waayo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay mustaqbalka Soomaaliya ku dambayn doonto si la mid ah khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Taiwan.
Dalka Taiwan waxa uu haystaa madaxbannaani iyo dowladnimo muddo dheer ah, halka sidoo kale waddanka Shiinuhu ku doodo in Taiwan qayb ka tahay dhul-weynaha dalkiisa, iyadoo ay hadda jiraan dalal badan iyo hay’ado caalami ah oo si madaxbannaan ula macaamila dalka Taiwan.
Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu soo gunaanay kulan-doodeed lagu falanqeeyey arrimaha la xidhiidha isbeddelka Geeska Afrika iyo sida Soomaalidu uga faa’iidaysan karto toddobaadkan, waxa uu iftiimiyey in Maamulka Muqdisho diyaar u yahay in dib loo bilaabo wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaliya.
“Sannadkii 1994-kii ayuu fikiray Cigaal (Madaxweynihii Somaliland), anigu waxaan aaminsanahay inuu ahaa mufaker Soomaaliyeed oo siyaasiya oo Soomaali oo dhan siyaasi la mid ahi haddii uu jiro uu yar yahay oo weliba anigu aan u maleynaaya in uu weliba Filosoofar ahaa, (kadib markas uu Cigaal fikiray) ayaa waxa uu eegay in waddadaas dheer ee muuqata, kadibna qorshe ayuu keenay Golaha Wasiirrada ee Somaliland, markaa wuxuu yidhi; ‘niman yahow maanta Soomaali halkaas ayey maraysaaye (way burbursantahay) aynu calankii iyo caasimaddii, Madaxtooyadii (Soomaaliya) iyo Qaramaddii Midoobey ba aynu Hargeysa keenno.’ Dabadeedna doodiii ugu weynayd iyo mucaaradnimadiiba wuxuu kala kulmay Golihiisii Wasiirrada, kadibna qeylo iyo rabshad baa ka dhacdey (oo fikirkiisaas waxa ku diiday Golihii Wasiirrada). Waa xaqiiqo dhab ah runtii oo kuwii joogay ay ka waramayaan. Madaxweyne Farmaajo-na way ka go’an yihiin wadahadaladu, waana aannu dedaalaynaa, dib ayaana aannu u bilaabaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo, haddiise aan la bilaabin ha u arkina in la isku qancinayo; “MAYA.” iyo IGAD sidaas bay tidhi, Afrika sidaas bay tidhi, Mareykan iyo Ingiriiis-na sidaas bay yidhaahdeen, markaa Somaliland halkaa ha ii joogto oo cabsida aan qaba waxa weeye Soomaali oo dhan haddii aynnaan isku tashan, idinkuna (reer Somaliland) aydaan fikir iyo hal-abuur keenin, anagana dowladda Federaalka ah, xilka na saaran iyo xildhibbaanada Goleyaasha ku jiraa aanay fikir keenin Soomaaliya waxa ay uun ku dambeyn doontaa (sida ay hadda kala yihiin) Shiinaha iyo Taiwan,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Arrinta Somaliland, aniga xundhurteyda ayaa Hargeysa ku aasan, Hooyaday oo 80 jir ah ayaa joogta, toddoba carruur ah baa iigu dhashay, dugsi hoose, dhexe iyo sare ayaan ka bartay, 17-kii sannadood ee u dambeeyey baan ka shaqeynayey, waa lagu kala duwanaan karaa, waayo aniga qudheydu Beesha Dhexe ayaan ka soo jeedaa, fikir kalena waan qabaa oo ah waar sidee baynu dib u qori karnaa midowgii 1960-kii? Maxaynu se ka yeeli karnaa? Taas macnaheedu maaha in Beesha Dhexe ay Somaliland wada aaminsan tahay, macnaheeduna maaha in beelaha darafyaduna ay Soomaaliweyn aaminsan yihiin, dad badan oo Awdal ka soo jeeda ama Sool iyo Sanaag-bari ayaa maamulka sare ka mid ah fikir ahaana ku qannacsan in Somaliland ay go’do, markaa yeynaan u arkin wax Beesha Dhexe u gaar ah, yeynaan fikirka kala duwanaanshiyihiisana isku diidin ee aynu doodno, markaa waa in reer Somaliland fikiraan oo yidhaahdaan haddii qorshaha koowaad kan yahay, qorshaha labaad sidee ku iman karaa, qof kasta oo dowladda Federaalka ah yimaadaa waa ku qasban yahay in uu qorshahaa midnimada ka shaqeeyo oo dastuurka ayaa dhigaya. Waxa aan aaminsanahay in wadahadaladdaas aynu dib u jeexno, idinkuna aad si fiican isku diyaarisaan.”
Ra’iisal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, ayaa sidoo kale ka hadlay baqdin ay masuuliyiin xukuumadooda ah hore uga muujiyeen Mac-hadka Heritage ee soo qaban-qaabiyey shirka lagu falanqeeyey isbeddelka ka curtay Geeska Afrika, waxaannu yidhi;“Markii aan meeshan imanayey (dood-cilmiyeedka lagu qabtay Jabuuti) waan kala tashaday Madaxweyne Farmaajo, wuunna ii soo duceeyey, hadalkii aan ka odhan lahaana aaraah buu ku kordhiyey, Ra’iisal Wasaarahuna sidoo kale, laakiin saaxiibo kale oo aan leeyahay ayaa aad iigu warwaray, iina digay, waxay yidhaahdeen meeshaa aad ku socoto miyaad garaneysaa? Yacnii dalka Jabuuti kamay hadleyn, balse waxa ay ujeedeen oo ay yidhaahdeen nimankaa Heritage ee shirkaa wada walaaloow colka wadhaf ma lagu dayey baa la yidhiye ma iska hubtaa, aad baa la iigu digay, dabadeed na waan yaabay, imminkana markii aanu sheekaysanney Cabdirashiid iyo Mursal (masuuliyiinta Mac-hadka Heritage) waxa ay ahayd mid aad u qurux badan laakiin xaqiiqada aan halkan ku arkay iyo hay’adda heritage dhex-dhexaadnimaddeeda iyo ay dood u furto Soomaali waa wax ka duwan wixii markaa ay ragga qaarkii i lahaayeen, waa ii soo hambalyeeyeen, shir fiican baana meeshaa ka furmay, waxa aan leeyahay Heritage waa loo han-weyn yahay, waad arkeyseen oo Soomaali oo dhammi in ay tidhi anagaa marti-gelinayna, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle-na waad arkeyseen in sannadka dambe-na uu marti-gelin innoo fidiyey, waxa aan doonayaa in aan idhaahdo kalsoonidaa iyo dhex-dhexaadnimaddaas in aad sii waddaan oo Odey Xaaji Cabdi Waraabe ayaa waxa uu yidhaahdaa ‘Waraabe qabashada bartay waa halkaas oo lagaga sii hayaa’. Heritage na, dhex-dhexaadnimaddaas iyo xantaa yar ee jirta in aad meesha ka saartaan oo xaataa haddii saaxiibaddiin, anigu hore uma aqoonin e’ waxa la igu yidhi Aala-sheekh aad ka hadlaysaan anaga iyo cid kale ba noo cadaalad sameeya, waana aan idiin hambalyeynayaa, igu tashada, ana waan idin ku tashanayaa, Madaxweyne Farmaajo ku tashada isna waa idin ku tashanayaa, ra’’iisal wasaare Cali Kheyre ku tashada isna waa idin ku tashanayaa.”
“Doodii saddexda maalmood innoo socotay waxa ay ka hadlaysay is-dhex-galka Gobolka iyo maxaa innoogu jira Soomaali haddii aynu nahay, is-dhex-galkaas oo ah kow is-dhex-galka dhaqaale ee Gobolka iyo doorka Soomaaliya ay ku yeelan karto, isbeddelka Gobolka ka socda iyo isbeddelka Geeska ka socda, wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo markii doodii xiiso yeelatay aynu maanta haddana qeyb labaad ka galnay. Haddaba faa’iidada Soomaaliya ugu jirta isbeddelka Geeska maxay tahay? Cabsi baa jirtay iyo in taxadir la soo jeediyey, runtiina gar baa loo leeyahay haddii fikir cusub, ra’yi cusub iyo hal abuur cusubba uu yimaado in la yidhaa waar colka wadhaf ma lagu dayey iyo maxaa ka iman kara.!. Maxay yihiin faa’iidooyinku/. Gal-daloolooyinkuna maxay yihiin? Anaga aragtiyada isbeddelkan cusub ee is-dhex-galka dhaqaalaha oo Madaxweyne Farmaajo hormuud ka yahay uusan hugunka raacin, waxaa ku jira dhowr faa’iido, in aynu dhaqaale ahaan isku dhexgalno, in ay yimaadaan isku-dheelitir ganacsiga ah (Trade Balance) oo waxa aynu ka warannay Miirooga oo la iska daayo maalin kasta la innagu soo bam gareeyo ee diyaarado badan lagu keeno oo iyaga oo madhan ay noqdaan, kalluun aynnaan saarin, cambe aynnaan saarin, Muus saarin iyo waxyaabo badan oo faa’iido innoo keeni kara aynnaan saarin oo aynnu uga faa’ideysanno. Waxa kale oo aynu ka hadalnay dhaqaalaha maalin kasta Itoobiya gala ee wax aynu ku beddelannaa aannu jirin oo ugu yaraan ay iman karta in ganacsiga la isku dheeli-tiro, waana faa’iidooyinka waaweyn ee ay Soomaaliya ka dhaxli karto,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya.
Waxa kakoo uu bulshada Soomaalida ah ugu baaqay inay yeeshaan han iyo hiigsi sareeya, waxaannu yidhi;“Markaa waxa aan doonayaa markaa in dhammaanteen ba Soomaali nahay, Soomaalida Soomaaliya, Soomaalida Somaliland oo aynu dooddeedii dhegaysannay, Soomaalida Geeska Afrika ee Soomaalida Itoobiya, Soomaalida Kiiniya iyo Soomaalida Jabuuti-ba, markaa waxa aan doonayaa in aan idin xasuusiyo cunsurka qofka Soomaaliga ah oo waxa aan soo qaadanayaa Gabay uu lahaa Abwaan Hadraawi oo uu kaga hadlayey in qofka Soomaaliga ah uu hiyigiisu dheeraado oo meel fog uu wax ka eego, waxaana uu yidhi; ‘umad yahay dib uma guuri karo geeshka maanta ahe, gosha hooyo waa laga koraa goodirkay tahayee, geyigeeyga waa u kow intuu waajib ii galo e’, hase ahaatee dhulka kale intaan gaadhi karo waa u gollee yahay, adduunyada go’doon kaga ma jiro garan gar noo yaalee, garaadkeygu waa dhaafsan yahay xaajo gobolleed, asaagay wuxuu galo ayaan anigu gooyaa ye, dadka kale waxa ay galaan ana waan gaadhi karaa Soomaali haddaan ahay, qeyrkay intuu guul guntaday gooni ii faran, waxa ina rag ii guulayaa tiisa gaarka ah ana waxa aan go’aansaday in aan la ii gabbood falin, garowshiyo jeeroon ka helo gaanka dunideyda, jeeroon gaalaa baxo arlada goodi iyo goodi, jeeraan gufaacada ku tago meelo giriyaad ah, gaalo iyo islaamkaba illaa la iga gacan qaado, gaalo iyo islaamka ba illaa teydu wada wada gaadho, bari iyo galbeedka ba illaa la iga gacan qaado, guray iyo islow iyo hurroow gabeygu waa been.’
Markaa hiyigaa fog ee durugsan ee Hadraawi miyeyna ahayn in aynu ku wada fikirno, waxaan idiin sheegayaa Bariga Afrika illaa Nayjeeriya meel aanay Kontankaas Milyan ee Ingiriiska ama Britan ahi gaadhin ma jirto, waa qofka iyo hiyigiisa, dammaciisa, rabitaankiisa iyo garaadkiisa, markaa haddii aad hiyi weyn tahay oo aad qab weyn tahay waad gaadhi kartaa meel kasta, cuqdad yuururta haddii aad noqota na halkaas uun baad fadhiyi, markaa Soomaaliyeey cabsiga aynu iska ilaalinno.”