Fursadaha Horyaalla Somaliland
Dabaylahan isbedel ee haatan dunida ka dhacayaa waa qaar dan badani ugu jirto Somaliland. 27kii sanno ee u danbaysay qadiyadda madaxbannaanida Somaliland waxa ay ahayd mid ay isku tuurtuurayeen reer galbeedka oo talada dunida ku kali ahaa iyo Qaaradda Afrika. Iyada oo marka horeba ay khalad ahayd in loo soo riixo qadiyada madaxbanaanida Somaliland Qaaradda Afrika laba sababboodba awgood. Waa ta koobaade madaxda Afrika halka looga talinayay waxa ay ahayd caasimadaha waaweyn ee reergalbeedka oo kamay madaxbannaanayn taladoodu cidihii hore u gumaysan jirtay. Arrinta labaad ayaa iyana ahayd in aanay dalalka Afrika intooda badani ahayn dalal xasilan. Dal walba waxa ku dhexnool umado si ama si kale aan ugu qanacsanayn sida ay wax u socdaan oo raadinaya fursado aayo ka tashi. Waana sababtaa ta keenaysay in aanu jirin dal Afrikaan ah oo ku dhiirada in uu noqdo ka koobaad ee ictiraafa Somaliland, isaga oo dalwaliba tiisu inay kala daadato ka baqayay. Haddaba, haddii aanu reergalbeedku arrinta dabada aad uga riixayn, Afrikana xaaladda ay ku jirtaa aanay saamaxayn in ay dhiirigaliso kala tagga Somaliland iyo Soomaliya, arrintu saw may ahayn uun in Somaliland la marin habaabiyo oo ay daasho?
Haddaba marka la fiiriyo xaaladda haatan taagan, labada wax ee dhacay ayaa ah in taladii reergalbeedka dad dan ka hadlaya oo aan ka hadlayn afkaar waaweyn iyo falsado geedsare-waab ahi ay yimaadeen; iyo in aanay dunidii sidii hore kali ugu ahayn reer galbeedku ee cido la kala doortaa meeshii yimaadeen. Marka ay sidaa tahay, talada u weyn ee Somaliland hortaalaa waa in ay dib u eegis ku samayso qaabkii hore ee qadiyada loo iibgeyn jira iyo in dibu eegis lagu sameeyo cidda laga iibinayo.
Somaliland wax ay u baahantahay in ay fahanto in qiimahadeedu ku qotomo labada arrimood ee ah halka ay ku taalo dhul ahaan iyo arrinta labaad oo ah khayraadkeeda dabiiciga ah. Waana labadaa labada ay tahay in suuq gaynta cusub lagu saleeyo iyada oo aan waliba la soo koobayn albaabada la garaacayo ee loo dhigayo in ay Somaliland wadahadal la galayso cid kasta oo ay danteeda ka dhex aragto
Marka sidaa xaal yahay, meel wax laga sii bilaabi karo ayaa ah wajiga koobaad in xoogga la saaro London/Brussels iyo Washington oo la yareeyo kharashkii ku bixi jiray Afrika iyada oo labadaana loo marayo “Lobby groups” weliba gaar ahaan Washington. Washington waxa maanta ka taliya ganacsato, waxaana saameyn badan ku leh shirkadaha saliidda qoda iyo kuwa u ololeeya! Haddaba, Si dadaalka reergalbeedka la galinayaa isna midho dhal u noqdo, waxa ay tahay ay jiraan iyana dadaalo laga samaynayo caasimadaha Beijin iyo Moscow, waxaanay xoojin doontaa arrintan dambe gorgortanka kuwa hore.
Marka la soo urusho, waxa Soomaliland hor yaala waxyaalo badan oo ay kala dooran karto iyo wax badan oo ay iibin karto, waxaase run ah in aan doodii hore ee ahayd doorashaan qabsannaa iyo argagixisaan la dagaalanaa aanay sii iibgalayn! Sidoo kale, waxa run ah inaanay laba arrimood midna Soomaliland ku gaadhayn ujeedadeeda: u baarri ahaanshihii reer galbeedka ee bilaa shuruudda ahaa, iyo ku dhex wareeggii Afrika.
Mar labaad fursad weyn ayaa Somaliland hortaal, su aashu se waa ma ka faa’iidaysan doontaa oo ma akhrin kartaa dabaylaha isbadal ee dunida ka dhacaya xilligan?
.
Qore: Abdinasir Ibraahim Saacadaale: Bare Jaamacadeed iyo Cilmi baadhe ka tirsan Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada ee “HIPPSOR” oo xaruntiisu tahay Hargiesa, Somaliland
Email: abdinasir.ibrahim@hippsor.org/ info@hippsor.org, AMA saaco6@hotmail.com, Tel. 252-63-4017979 www.hippsor.org