New York, (ANN)-Booliska magaalada New York, ayaa baadhaya dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay Dalka Sucuudiga, kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xidhay maydadkooda.
Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa waxaa maydkooda laga helay Arabacadii lasoo dhaafay, iyagoo is eegaya, isla markaana ku lebisan saraawiil iyo jaakado madow oo dhexda iyo garbaha laykaga xidhay, oo aanay wajiyadooda ka muuqan wax nabaro iyo uur ku taalla ah, sidaana waxa shaaciyay Booliska magaalada New York.
Dood ayaa ka taagan dhimashada labadaa gabdhood, iyadoo dembi baadhayaashu ay sheegayaan in ay tahay xilli hore in wax go’aan ah laga gaadho haddii fal dambiyeed uu dhacay amma ay iyaguba isdileen.
Labada Gabdhood ee mayadadkooda laga helay Webiga Hudson, ayaa dhawaan Mareykanka weydiistay magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegeen Boolisku.
Gabdhahaa walaalaha ah iyo hooyadood ayaa dalka Sucuudi Carabiya ka soo guuray sannadkii 2015-kii, iyagoo degey magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia, waxaana gabdhahaasi lagu yaqaannay inay mararka qaar gurigooda ka baxsadaan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanku, balse sababta ay gurigooda uga baxsadaan lama cadayn.
Hasayeeshee baadhayaasha ayaa sheegaya inay jahawareer tahay sababta maydkooda looga helay daanta Webiga Hudson, kaasoo 400 km u jira meeshii uu qoyskoodu deganaa.
Qunsuliyada Sucuudiga ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saareen saraakiisha safaaraddu, isla markaana waxay xuseen in ay la xidhiidheen qoyska labadaa gabdhood, sidoo kale, waxa bayaankaa lagu xusay in labada gabdhood ee walaalaha ah ay Arday ahaayeen “oo ay u wehel yeelayeen walaalkood oo jooga magaalada Washington”.
Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa booliska magaalada New York, ayaa sheegtay in maalin ka hor inta aan maydka gabdhahaasi la soo helin, uu hooyadood soo wacay sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga, isagoo qoyska ku amray inay dalka isaga tagaan maadaama ay gabdhuhu Mareykanka ka dalbadeen magangalyo siyaasadeed.