Riyadh(ANN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.
Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada, waxay ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Mohammed bin Salman bin Abdulaziz uga wada hadleen danaha labada qaran.
Ra’iisal wasaaraha, ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballladhan ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman bin Abdulaziz ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaadhay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.
–DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya