Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-wasiirka Gaashandhiga Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Guddida Amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada Somaliland.
Kulankaasi oo saacado qaatay ayaa si weyn loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa, Isla markaana meel looga soo wada Jeesan lahaa wixii qaranka dhib ku ah iyo sidii loo so af-jari lahaa xaalka taliye Caarre.
Waxaana kulankaa saxaafada u faahfaahiyey gudoomiyaha Gudida C/laahi Xuseen Cige(Balaaki) iyo wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyagoo si isku mid ah uga wada hadlay in muhiimada shirku uu daaranaa xoojinta amniga Qaranka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.
Gebo Gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo sheegay ka xukuumad ahaa in markasta ay si buuxda ula shaqaynayaan qaybaha kala duwan ee hayadaha Hay’addaha dawlada oo gudiga Amniga iyo difaaca Golaha wakiiladu ay qayb ka tahay waxaana hadaladisii ka mid ahaa(‘’waxaanu aniga iyo taliyaha ciidanka qaranku aanu kulan la qaadanay guddida amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada oo ah guddida khaas ahaan aanu isku hawsha nahay waxaananu ka wada hadlany marxalada uu dalku marayo iyo in inagoo mudo 27(todoba iyo labaatan) sanno qaran ahayn in maanta ay jabhado samaysmaan wax fiican maaha waananu dhamaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan’’)Ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf Xawar.