Araweelo News Network
Ceergaabo(ANN)-
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin iyo ergooyin qayb ka ah dadka doonaya in lasoo afjaro colaada oo xukuumaddu u xil saartay, ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada Ceel-Afweyn.
Madaxweyneku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku ayuu ku yidhi “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex maraya, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican”
Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada Ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaa.