corruptinctzFaallo: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Madaxweynaha Dalka President Uhura Kenyatta, ayaa shaqada ka joojiyay Afar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo saraakiil sare oo gaadhay 17 xubnood. Kadib markii todobaadkan warbixin ay soo saareen gudida anshaxa iyo la dagaalanka musuq-maasuqa oo loo gudbiyay Madaxweynaha, taas oo ay kaga dalbadeen in xubnahaa oo lala xidhiidhiyay musuq-maasuq iyo falaal anshax-xumo shaqada laga joojiyo. Si hay’addaha sharciga loo horgeeyo.

Madaxweyne Uhuru oo ka duulaya warbixinta laga soo saaray baadhista masuuliyiintaa ee ay u gudbiyeen guddida anshaxa iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Kenya (Ethics and Ant-Corruption Commission) oo loo soo gaabiyo (EACC), ayaa shaqada ka eryay wasiirka dhaqanka Felix Kosgey, wasiirka Energy-ga Davis Chirchir, wasiirka gaadiidka Michael Kamau iyo Wasiirka Shaqada Kazungu Kambi iyo sidoo kale saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo gaadhay 17 sarkaal, kuwaas oo ay ku jiraan xubno muhiim ah.

In kasta oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta Tallaabada uu qaaday ay ahayd mid xilligii ololaha doorashada uu balanqaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha musuq-maasuqa oo lagu tilmaamao inay Dawlada Kenya ragaadiyeen, balse waxa arrintani kusoo beegantay dhacdooyin sannadii u danbeeyay amaanka dalka Kenya khal-khal geliyay iyo weeraro kaga imanayay dhinaca Al-shabaab oo lala xidhiidhiyay in wax baddan qayb ka yihiin arrimaha suurta gelinaya weerarada iyo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha kuwo musuq-maasuq iyo sidoo kale mucaaradka uu Hoggaamiyo Raysal wasaarihii hore Raila Oding oo ku eedeeyay marar baddan dawlada Maadxweyne Kenyatta mid ku guuldaraystay inay wax ka qabato arrimaha amaanka iyo halis dhaqaale oo ay sabab uga dhigeen in musuq-maasuqu xudun u yahay.

Runtii waxa muuqata in Madaxweyne Uhuru Kenyatta qaaday tallaabo ku cusub xukuumaddaha Afrika ee musuq-maasuqu dishooday oo aan looga baran, waxayna arrinati sababtay inay rayal caamka bulshada Somaliland is weydiiyaan halka ay ku danbaysay hay’addii Madaxweyne Siilaanyo sameeyay shan sannadood ka hor 2010, markii uu soo dhisay xukuumaddiisa, taas oo magaceedu ahaa Komishanka Maamul wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa, taas oo markii dhawaaqeeda la maqlay loo arkayay inay wax baddan ka taray maamul-xumada iyo musuq-maasuqa ay ku kacaan masuuliyiinta Hay’addaha dawlada.

Hanti-dhawrka guud ee qaranku, wuxuu ahaa mid jiray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddii ka horeeyaba, balse wuxuu ahaa mid aan looga baran gudahshada waajibaadkiisa shaqo maalmihii riwaayada Isbedlka la jilayay oo dhaq-dhaaq an macne wyn ku fadhiyin laga dareemay goobaha dakhliga qaarkood, balse waxa loo arkayay Bilawgii xukuumadda Madaxweyne Siilanyo in Komishanka Hay’adda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo yagleelay tahay mid loo baahnaa oo wax baddan ka qaban doonta arrimaha iyo waajibaadka loo aasaasay.

Agaasimaha Guud ee waqtigan wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Xasan Siciid oo xilligaa ahaa Agaasimaha Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa, waxa ka muuqatay fir-fircooni baddan, wuxuuna ku doodayay in loo baahanyahay xeerkii lagu maamuli lahaa hay’adda loo magcaabay oo aan hore u jirin, wuxuu ku foognaa kormeerka Hay’addaha iyo wasaaradaha dawlada, isagoo aan ogayn ilaa heerka uu awood leeyahay, madaama aanu jirin xeer tilmaamaya waajibaadka iyo hawsha Komishanka.

Hase yeeshee Oct 2012, ayaa golaha wakiiladu ansixiyeen xeerka Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa oo ay xkuumaddu usoo gudbisay, balse waxa la laalay lifaaq ay xubnaha Komihsnaku raaciyeen xeerkaa, kaas oo golaha wakiiladu daaqada ka tuuray.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xeerkaa dhaqan geliyay February 2013, shan bilood kadib 11 July 2013, waxa qasriga Madaxtooyada kusoo baxay digreeto xanbaarsan magcaabis, isku bedel iyo xil ka qaadis masuuliyiin, waxaana Agaasimihii Komishanka Maamul wanaaga iyo la Dagaalanka Musuq-maasuqa la geeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Dhacdooyinkan xidhiidhsan, waxay si cad u iftiiminayaan in Agaasimahaa oo ahaa Nin dhalinyaro oo doonayay dhaqaajinta iyo hirgelinta ujeedada dhabta ah ee Hay’adda la sameeyay ee Komishanka loo arkay inuu dheeraynayo. Sidaa awgeed ay meesha ka baxdo rajadii iyo yididiiladii shacbiga ee laga filayay Komishanka, kuwaas oo wixii maalintaa ka danbeeyay maray wadadii hay’addo baddan oo qaranku leeyahay oo aan awood iyo tamar ay shaqooyinkooda si madaxbanaan ugu qabtaan, ama waajibaadkooda ugu gutaan lahayn, kuwaas oo xafiiska Hatidhawrku ka mid yahay.

In kasta oo Madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiye aan lagu xaman musuq-maasuq, isla markaana xilligii muacaardka uu balanqaaday inuu wax ka qabanayo musuq-maasuqa, Caddaalada, waxbarashadda, Caafimaadka, Biyaha iyo gebi ahaanba addeegyada aasaasiga ah, balse waxay dad baddan is weydiinayaan maxaa iska bedelay Madaxweyne Siilaanyo markuu kursiga fuulay, madaama aanay dhegaha shacbigu weli maqal Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xilkii ka qaaday masuul lagu eedeeyay musuq-maasuq, iyadoo xiliggan xukuumaddiisa marka laga reebo tiro aad u yar masuuliyiinta Hay’addaha dawladu wasiir, Agaasime, Agaasime waaxeed iyo Karaani isugu faanaan Baabuurta Baabuurta raaxda (Luxury) iyo Fooqyo dhaadheer.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay ku jirtaa maalmihii u danbeeyay muddada xilkeeda dastuuriga ah ee la doortay oo waqtigan geba gebao ku dhow, isla markaana Dhegaha bulshadu ma maqal indhaha dadkuna ma qaban mudadaa shanta sannadood ahayd masuul ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Silaanyo oo lagu eedeeyay musuq-maasuq oo xilkisa ku waayay, waxaana taa bedelkeeda waxa dhaqan cusub ah oo la arkay masuul xilkii uu hayay laga qaaday, iyadoo sabab looga dhigay inuu kasoo bixi waayay, balse muddo yar ka dib xil kii laga qaaday ka culus qoorta loo sudhay.

Sidaa awgeed waxay rayal caamka Bulshada Somaliland rumaysan la yihiin sababta xiniyaha looga saaray hay’addii Madaxweyne Siilaanyo magcaabay Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa, taas oo laga dhigay burro kusoo korodhay Hay’addaha qaranka, balse aan waxba usoo kordhin qaranka , isla markaana martay wadadii ay mareen Hay’addo baddan oo ay ka mid yihiin xafiiska Hantidhawrka Qaranka iyo Hay’addii Qandaraasyada qaranka oo dhamaantood noqday magac u yaal.

Si kastaba ha ahaatee tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ah mid ku cusub dhaqanka madaxda Afrika, waa mid ku haboonayd Madaxweyne iyo hoggaamiyaal kale oo Afrikaan ah.

Faallo: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews