Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)–Wefdi ka socda dawladda Qatar,ayaa maanta booqasho ku tegey Muqdisho, kuwaas oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.
Wefdiga Dalka Qadar, ayaa Ra’iisal wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre kala hadlay sidii loo horumarin lahaa dekeddaha Soomaaliya.
Wasiirka dekeddaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka Wefdiga Qadar ka qeyb gashay, ayaa sheegtay in ujeedada wefdiga Qadar ay ahayd in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan dekadda magaalada muqdisho iyo dekeddaha kale ee Soomaaliya si loo ogaado dekeddaha dayactirka u baahan iyo dekeddaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.
Sida uu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka u qaabilsan Ra’iisal Wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wefdiga Qatar ee Muqdisho ay fursad wanaagsan oo dhinaca shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga faa’iideeysto.
Booqashada wefdiga Qatar ka socda ay ku tageen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa dhowaan, iyadoo dawladda Qadar dawladda Federaalka u balanqaaday in ay Soomaaliya ka fulinayso Mashaariic lagu horumarinayo dekeddaha Soomaaliya .
Dhinaca kale wefdiga ka socda dawladda Qatar ayaa mudada ay joogaan Soomaaliya waxay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada Soomaaliya si ay qiimayn ugu sameeyaan Dekeddaha Soomaaliya.
Dekedda magaalada muqdisho, ayaa hore loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga, taas oo gacanta ku haysa dekedda iyo madaarka, waxayna arrintan kusoo beegantay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey Magaalada Muqdisho sheegay in Afar dekedood oo ku yaal Soomaaliya ay maalgashi ku samayn doonaan.