Araweelo News Network
Kismaayo(ANN)-Al shabaab, ayaa shaacisay in ay weerar ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ku dileen Askar Maraykan ah, Isla markaana ay dhaawacyo u geysteen kuwo kale.
Sida ay sheegeen wararka Al shabaab dagaalka oo ay ka qayb qaateen boqolaal Ciidamadda Soomaaliya, Kenya Iyo kuwa Maraykankaoo, ayaa ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Weeararka oo deegaankaa ka dhacay galabta, ayaa ahaa mid culus oo ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la beegsadeen ciidamo huwan ah oo iskugu jira Maraykan, Kenyaan iyo Soomaali, kuwaas oo halkaas dhaq dhaqaaqyo ka waday.
Madaafiicda goobta iyo qoryaha sebenka oo garbaha lagu qaato, ayaa loo adeegsaday , waxaana ciidamada lala beegsaday iyagoo ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45 KM dhanka waqooyiga kaga beegan Magaalada Kismaayo
Saraakiisha milatariga Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah, isla markaana ay ku dhaawaceen Afar kale, kuwaas oo dhaawacooda uu yahay kuwo aad u liita.
Laba diyaaradood oo nooca Heelikobtarka loo yaqaano ayaa kusoo degey deegaanka Baar-Sanguuni si ay u qaadaan dhaawaca iyo dhimashada Ciidamada Maraykanka ah. Sida ay Al shabaab sheegtay.
Dhinaca kale Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka ayaa bartiisa Twitterka kaga hadlay Askariga lagaga dilay weerarkaa, wuxuuna ehellada askarigaas la dilay iyo kuwa dhaawacmeyba uu uga tacsiyeeyay musiibada ku dhacday.
“Waxaan u duceynayaa ehellada Askarigeena la dilay, iyo saaxibadiisa ku dhaawacmey Soomaaliya, dhabtii dhamaantooda waa geesiyaal” ayuu yidhi, Donald Trump.
Sidoo kale Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa “Africom” ayaa bayaan uu soo saarern kaga hadlay weerarkaa, waxayna qirteen in Koonfurta Soomaliya lagaga dilay Askari Ameerikaan ah, halka afar kalana lagaga dhaawacay.