Araweelo. News Network
Dubai(ANN)-Wiil Soomaalia ah oo magaciisu yahay Axmed Burhaan Maxamed oo ka qaybgalay tartanka Quraanka Kariimka ah, ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka oo lagu qabtay magaalada Dubai ee Xarunta dalka isku tagga imaaraatka Carabta.
Wiilkaa oo ah Xaafidul Qur’aanka ayaa la tartamay. Isla markaana ka guulaystay 104 qof oo metelayay wadamaa caalamka islaamka iyo jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqan dalalka reer galbeedka.
Tartanka oo lagu bixinayay Jazaa’iso caalami ah waxaa goob joog ka ahaa Axmed Bin Max’med Bin Raashid Aala Maktuum oo ah xaakimka Imaarada Dubai.
Axmed Burhaan Maxamed oo ah Soomaali 16 jir ah balse ku koray Dalka Mareykanka, halkaana wax ku bartay ayaa soo bandhigay tartan xiisa leh, xaafidka oo kelmad ka jeediyay munaasabaddii abaalmarrinada lagu qeybinayay ayaa sheegay in uu noqon doono safiirka muslimiinta ee wadanka Mareykanka.
Xaafidkan Soomaaliga ah oo haysta dhalasho Mareykan ah. ayaa abaalmarin u helay lacag dhan Dh250,000 oo u dhiganta $68,000 ( sideed iyo Lixdan kun oo dollar).
Sidoo kale Mukarar Xamza Albashiir oo ka socday dalk Liibiya ayey kaalinta koowaad islagaleen Axmed Burhaan halka kaalinta labaad uu galay Mukarar Muxamed Bin C/qaadir Mucarraf oo ka socday dalka Tuunis, kaalinta tobanaad ee ugu dambeysa waxaa galay Mukarar Jowhar Cabdullaahi Muxamed oo ka socday dalka Ethiopia.