Araweelo News Network
Djibouti(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay gaadhay magaaladda Djibouti ee Caasimada dalkaa, waxaana goroonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaaraha Dalka Djibouti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta xukuumadda.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya , waxa Xubnaha waftigiisa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, waxaana u qorshaysa in ay booqasho labo cisho ah ku joogaan magaaladda Djibouti.
Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda kulan la qaato Madaxwayanaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, iyadop la filayo in ay ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Djibouti ka wado gudaha Soomaaliya.
—DHAMMAAD—-
Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so