Araweelo News Network
Tel Aviv(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu ayaa shacbiga Dalka Iran ee sida weyn ay isu hayaan u diray Fariin Ammaan dhagaraysan ah, taas oo uu ku baahiyey muuqaal uu ku ammaanayo shacbiga dalkaa, Isla markaana hoggaamiyayaashooda ku tilmaamaya kuwo musuq-maasuq Iyo collaad u tafa xaydan
Benjamin Netanyahu, isaga oo isku dayaya inuu soo nooleeyo saaxiibtinimada taariikhiga ah ee dadka Iran, balse sidoo kale dhalleeceynaya hoggaamiyayaasha dalkaa oo isku deyaya inuu kala xado, wuxuu muuqaa ka kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Israel, ku sheegay in dadka Iran ay ka mid yihiin “Kuwa ugu hibada iyo guusha badan” dunida.
Waxa uu tusaale usoo qaatay shirkado waa weyn oo Mareykan ah oo ay aas-aaseen, islamarkaana ay hoggaamiyaan dad kasoo jeeda dhalasho ahaan Dalka Iran, shirkadahaa oo ay ka mid yihiin Uber, eBay iyo Dropbox, wuxuuna muuqaalkaa ku sheegay inuu is-weydiiyey “Maxay Iran u tahay wuxuu ku tilmaamay faqri, iyadoo dadkeedu ay sidan u aqoon badan yihiin”
Wuxuuna taa Jawaabteeda ku sheegay inay tahay laba eray, isagoo yidhi, Netanyahu “Waa taliska, Wuxuuna ku tilmaamay hoggaamiyayaasha Iran kuwo Kali-taliyayaal ah Iran oo xaday hantidii waddanka, waxayna ballaayiin dollar u weeciyeen barnaamijkooda nuclear-ka, si ay argagax ugu baahiyaan dunida iyo daan-daansigooda bariga dhexe” ayuu yidhi, Netanyahu.