Araweelo News Network
Boorama(ANN)-Roobaka dabalaylaha wata oo ka da’ay deegaamada Somaliland, ayaa Khasaare nafeed ka geystay deegaamada galbeedka Somaliland ee gobolka Awdal.
Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxman Axmed Cali ayaa sheegay in ilaa shan iyo toban qof ay ku dhinteen daadad iyo roobaba dabaylo watay oo ku dhuftay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaanno ka tirsan gobolka Awdal.
Guddoomiyaha, ayaa sheegay deegaamada ay ka mid yihiin Lughaya iyo Baki ee gobolka Awdal, wuxuuna xusay in roobabka dabaylaha watay ay Sidoo kale waxyeeleen deegaanada qaarkood oo daadadku la qaaday Beero badan oo ku yaaalay deegaankaa oo kala tageen saraacii iyo agabkiiba.
Dhinaca kale, waxa Jira warar sheegaya in xoolo badan oo Adhi iyo Geel u badan roobabka dabalylaha watay ay dileen kadib matkii ay ku dardhadeen qabaw roobabku sababeen.
Roobabka oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay deegaamada Somaliland, ayaa inta badan saamayn ku yeeshay dadka deegaamada xeebaha Somaliland ee galbeedka Iyo Bariga, iyadoo Magaalada Berbera ee kulaalaya Xeebta Badda Cas ay ku dileen hal qof, Isla markaana boqolaal Qoys laga daadgureeyay guryihii ay deganaayeen.
Sidoo kale Magaalada Saylac oo ka mid ah Magaalooyinka Somalikand ee dhinaca galbeedka ee kulaalaya Badda Cas, ayaa roobabku sababeen in dadkii lga daadgureeyo, balse ma Jiro wax Khasaare ah oo laga soo sheegay, waxaase Jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dooxyada ku dhow Magaalada Saylac Daad ku qaaday gaadiid .
Dhinaca degmada bullaxaar iyo ceel-sheekh, ayaa laga soo sheegayaa Guryo badan oo uu roobku dumiyee iyo xoolo ku dhintay, waxaana Jira gurmad ay wadaan xukuumada somaliland iyo hay’addaha caalamiga ah, iyadoo ay j haatan la bilaabay in la gaadhsiiyo gurmadkaa dadweynaha khasaaruhu ka soo gaadhay roobabka iyo daadadka ee deegaamada Somaliland.