Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaardka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo socdaal ku maraya gobolada Bariga Somaliland, ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda xiligan ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddii ka horaysay, wuxuuna taxay mushkilado siyaasadeed iyo ganacsi oo ay sameeyeen xukuumaddaha xilka la kala wareegay ee KULMIYE.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay heshiisyo siyaasadeed oo uu sheegay in aan la fulin, sidoo kale wuxuu ka hadlay Shirkadda SOMCABLE, isagoo ku eedeeyay in keligeed Kooto loogu xidhay Xadhiga Fiber Optic, isla markaana loo diiday shirkadihii kale in ay dalka keenaan xadhiga Internetka, taasoo uu sheegay in ay ka hor imanay dastuurka Somaliland iyo ganacsiga suuqa xorta ah, waxa kale oo uu ka hadlay guddoomiyaha WADDANI, sicir-bararka,  nolosha bulshada, xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, isagoo ku baaqay in xoriyadiisa loo celiyo, isaga iyo dad kale oo uu sheegay inay xukuumaddu xidhay, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale oo ganacsi iyo kuwo siyaasadeedba ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Laascaanood , wuxuu ku bilaabay hadalkiisa sidan:-

 

“Waxay noo tahay farxad aniga iyo weftiga aan hogaaminaayo in aan nimaado  gobolka sool ,waxana shalay kasoo kicitanayn caasimada somaliland ee Hargeysa, ujeeda qudha ayuu lahaa safarkayagu  wuxuu ahaa in aanu reer Sool  shacabiga Sool  u soo mahadnaqno  taageradii ay siiyeen xisbiga WADDNI Doorashadii somaliland ka qabsoontay 13 kii nov 2017, waxaan si gaar aha ugu mahadnaqayaa shacabka reer sool  waxaan si gaar ah uga sii mahadnaqayaa degmada Laascanood , xisbigu wuxuu ku qanacsan yahay inay codkoodii dhammaan shacabka Sool ay siiyeen inyar oo cawri gef ah mooyaane oo ay KULMIYE  siiyeen mooye,  waanu  ku qanacsanahay  waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan Degmooyinka, waxaanu u mahadnaqaynaa Xudun,Waxaanu u mahadnaqaynaa Taleex,waxaanu u mahadnaqaynaa Kalabayadh,Waxanu u mahadnaqaynaa Yagoori, waxaanu u mahadnaqaynaa Adhicadeeye iyo dhamMaanba degmooyinka Gobolka Sool.

 

Walalayaal runtii ereyao kuma Cabiri karo mahadnaqa aanu idin sidno waxa weli maskaxdayda ku Duugan oo ku xusan Halgankii aad soo gasheen xiligii lagu jiray ololaha waxa maskaxdayda ku duugan sidii aad u soo banaan bixi jirteen iyo niyad jabkii aad ku rideen KULMIYE,  ayaa weli maskaxdayda  weli ku duugan, marnaba ma ilaabi karno abaalkaad xisbiga u gasheen hadaad tihiin reer Sool.

 

Hesshiis-yadii Ay Xukuumaddaha KULMIYE La Galeen Khaatumo Ee Aan Hirgelin

Walalayaal waxaynu ka warqabnaa in xukuumadihii kala danbeeyey ee xisbiga KULMIYE ay la galeen oo saxexeen heshiiskii Awr boogays, waxaynu kaloo ka warqabnaa inay heshiis la galeen khaatumo iyo kii Adhicadeeye, waxaanu ka warqabnaa in aan heshiisyadaa weli la fulin waxaanu u soo jeedinynaa xukuumadaha KULMIYE inay fuliyaan heshiisyadaa khaatumo Awrboogays iyo Adhicadeeye, waxaanu qabnaa fulinta heshiisyadaasi inay Somaliland u keeni doonaan guul iyo xasi looni, reer Sool marti kuma aha Somaliland waxay ku suntan yihiin taarikhada somaliland, halgan kasta oo Somliland gashay oo uu ugu horeyey kii Seyid Maxamed cabdulle xasan oo uu ku xigay kii aynu ingIriiska xornimada kagaga qaadanayn ee Cali garaad iyo odayaasha kale hogaaminayeen iyo kii xataa xornibo dib ula soo noqoshada ee burco ka dhacay 1991kii ee Garaad Cabdiqani iyo Cali Khaliif ay goob jooga ka ahayeen , shacbiga reer Sool somaliland la’aantooda ma jirteen  meel ku qorta, waxaynu nahay bulsho iskumid ah  waxaynu samaysanay 1991kii kedib dastuur ,Dastuurkuna sidiisaba waa heshiis bulsho oo bulsho ku heshiisay, waxaana mihiim ah in la ixtiraamo heshiikaa bulsho  haddii uu burburo kaasi heshiika bulshaduna waa burburayaa,dastuurka heshiiksa bulsho ee somaliland waxa ku cad in ganacsigu xor yahay oo aynu qaadanay nidaamka la yidhaahado Free Marking  waxa dastuurku mabnuucay waa loo yaqaano minaboli ama  cid gaar ah wax loo xidho.

 

Kootada Xadhiga Internetka Fayber Obtika Loogu Xidhay SOMCABLE Iyo Shirkadaha Loo Diiday Inay Keenaan Xadhigaas

Waxaad ka war-qabtaan in xukuumadiihii KULMIYE ay u badheedheen oo jebiyeen qodobkaa ah in ganacsigu xor yahay minaboliguna  xaaran yahay , waxaad ka warqabtaan in xukuumadii Siilaanyo diiday in xadhkaha badda hoostooda mara ee loo yaqaano Fiber Obtic  badda lasoo mariyo lagana soo qaado jabuuti  Berberana la keeno, waxay xukuumada Muuse diiday in xadhkahaa laga soo qaado Boosaaso lana keenoBberbera , waxaad ka warqabtaan in Shirkada Golis loo diiday in ay internetka kasoo jiidto Somaaliya ama putland oo ay keento Somaliland, waxaad ka warqabtaan in shrikaddo badan oo danaynaayey inay kenaan Fiber optic-ka loo diiday  shirkadaha oo ka diwaan gashay somaliland, waxa ka mid ah shirkada Dahabshiil waxa ka mid ah shirkada telesom waxa ka mid ah shirkada Golis  waa ka mid ah ganacsato kale oo ay ka mid yihiin Faarax Xarbi, Dhammaad shirkadahaas waa loo diiday waxaana xaarantimiyey xukuumadaha KULMIYE in la keeno Fiber Optic magaalada Berbera oo laga soo qaado magaalada Jabouti, Talow Berberi maxay galabsatay miyaanay Somaliland kamid ahayn, waxa shirkada Golis loo diiday in ay Putland kasoo qaadato internetka Boosaaso  waxa loo ogolaaday oo keliya shirkadda SOMCABLE oo sidaad ka warqabtaan uu leeyahay  nin si qaawan u taageera  xisbiga  KULMIYE.

 

Arrintani waa dastuur jebin waa sharci jebin  waa xalaalayn wax xaaran ah oo ah in ciid gaar ah kooto loogu xidho, Somaliland lama kala laha shirkaduhu ma kala laha muwaadiniintu ma kala laha somaliland waa in lawada yeeshaa, waa inay xukuumada KULMIYE  u soo noqotaa dastuurka waa inay u soo noqotaa in ay ilaaliso heshiiska bulshada,  waanay inay usoo noqotaa in la xoreeyo ganacsiga, ma xaqbaa in shirkada Golis loo diido in ay Fiber Optic ka keento Boosaaso , Ma xaqbaa in  loo diido Telesom iyo DAHABSHIIL  inay badda soo mariyaan oo ka keenaan Jabouti iyo Boosaaso,  ma xaqbaa in qof qudha la siiyaa, ma qaranimaa, in Berbera loo diido oo badda Berbera laga xaarantimeeyo Fiber Optic, KULMIYE wuxuu ku doodi  jiray horumarkuu kasoo horjeedaa mucaaridku, tolow ma horumarbaa in Berbera loo diidaa,waxaan xukuumada u soo jeedinaynaa inay  ixtiraamto  dastuurka iyo shuruucda Somaliland in Berbera loo ogolaado in la keeno xadhkaha badda hoostooda mara, inagoo baddaa leh in badda loo diida waa xaaran,Waxaanu usoo jeedinaynaa oo ay xaq u leeyihiin inya ku dagaalamaan shirkadaa doonayaa inay keenaa xadhiga fayber obtiga ah.

 

 Balan-qaadkii Xisbig WADDANI Uu U Sameeyey Xiligii Doorashada Gobolka Sool.

 

Waxa Kamid ahaa balan-qaadkii xiliga doorashada uu u sameeyey Xisbiga WADDANI Gobolka Sool, in Biyo macaan la geliyo in Biyo macaan la geliyo magaalada Laascanood , waxa kami ahaa in Waddo laamin ah oo isku xidhay kalabaydh iyo Laascanood la sameeyo, waxa kale oo kamid ahaa in ciidamada qaranka boqolkiiba laba boqol iyo konton mushaharada loo kordhiyo, waxaan rumaysnahay in intaas oo dhan ay ku filantahay uu Madaxweyne Muuse ku korodhsaday miisaaniyadiisa oo ah inuu korodhsaday boqolkiiba 109%.

 Sicir Bararka

Walaalayaal cicir bararkub waa aafo qaran oo saamaysay dhammaaba bulshada reer Somaliland si faah-faahsan ayaan uga haddlay maalmihii dhaweyto lakiin waxaan idin xasuusinayaa uun in Xukuumaddihiin kale dambeeyey ee KULMIYE ay ku fashilmeen arrintaa waxka qabashadeeda, waxa ugu dameeyey Muuse oo guddi u saaray meel ay ku dambaysay lama garanayo, waxay yidhaah-deen Zaadka ayaa u sababa oo zaadkiina markii la joojiyey sicir bararkii wuu ka sii daray uun, bal xalka kale ee ay hayaan shacbiga ha usoo gudbiyaan.

 Dar-daaran.

Waxaan idinkaga tegataa kelmad dar-daaran ah,kelmadaasi waxa weeye , Berigii hore  ee aanay jirin isdiwaan gelintu, Muwaadin kasta xaqbuu u lahaa inuu codeeyo marka doorashadu timaado, ,laakiin maanta nidaamkii waynu bedelnoo waxaynu nidhi qofka diwaan gashan baa codaynaya qofka aan isdiwaan gelin haduu Hargeysa joogiyo haduu Burco joogo iyo haduu Laascanood jooba midna ma codaynaayo,Soodaani baa halka ka sheegayey ana waan la qabaa,tiradiinu dadka ugu tirada badan baad kamid tihiin Somaliland, Laakiin berigii dhowayd dadkii ka codeyey degmada  Laascaanood ama guud ahaanba degmooyinka  aad bay u yarayeen,xaqbaa u leedihiin kursi kasta oo wadankan ah in aad soo doonataan si aad u heshaan ilaa ka madaxweynaha iyo kuwa kaleba xaqbaad u leedihiin,Gudoomiyaha xaq u leedihiin madaxweynaad xaq u leedihiin,Raysal Baarlmaan baad xaq u leedihiin Maxakamada sare ayaad xaq u leedihiin, xilalka qaar madaxweynaa magacaabo madaxweyna ayay ku xidhan tahay, laakiin markay doorasho timaado codkiinay ku xidhan tahay, markaa waxaan soo jeedinyaa diwaan gelintii baa la furayaa ee aan u diyaargarowno hadii alle ka dhigo, waxaan qabaa in aan Cabudhinta iyo cago juglayn ku dhismi karin somaliland ,waxaan qabaa in aanay sharaf ahayn madaxdoo la xidhxidhaa, waxaan qabaa in xadhiga abwaanada suxufiiyiinta qoraayada iyo hablaha Somaliland aanay waxba u soo kordhin karin somaliland,  waxay usoo kordhin karaan in albaabadda loo xidho xaquuqal insaanka haddii taa loo xidhana somaliland albabaada u xidhmi doonta, handaraab iyo waxbaa la sheegayey maalmo dhowayd, markaa waxaan leenahay wixii la xidh-xidhayna xorriyadooda ha loo soo daayo  oo uu ugu horeeyo boqorku iyo inta kale ee xidhanba.”

 

Dhammaad

 

Waxaada Warbaahinta WADDANI.