Wiil iyo Aabbihii ayaa waxay ku wada noolayeen magaalo, waxayna xoolo lahayeen hal dameer oo ay ku xamaalan jireen, oo intay xaabo kaymaha uga soo guraan ayay iibin jireen oo nolol maalmeed kooda ka raadsan jireen. Wiilku ma ahayn mid bulshada si fiican u dhex galay oo shaqadiisa ayuu ku ekaan jiray, waxaase uu aad ula yaabi jiray oo uu ka war hayay in bini’aadamka weligood xan iyo dulmi aan laga waayeynin, adigu wax wanaagsan same ama ha sameynine.
Wiilku wuxuu aabahii ku yidhi “aaboow dadku naftooda may ku ekaadaan, maxaa isku diraya oo isu geynaya?, sow qof walba tiisa kuma filna, waxa la sheegayo ee ah in dadka meel looga nabad galaa aanay jirin sax miyaa?” Aabihii oo ahaa nin waayo arag ah, sanaddo badana jirey, ayaa isagoo doonaya inuu tusaaleeyo in arrinta run tahay ayuu wuxuu ku yidhi “Maandhow, berri marka waagu baryo ayaad indhahaaga wax ku arki doontaayee, iska seexo caawa”
Markuu waagii baryay ayaa aabbihii wuxu yidhi “haye aabbo dameerka noo soo wad”. Aabbihii ayaa fuulay dameerkii, wiilkiina xadhiguu u qabtay. Markay inyar socdeen ayaa waxay soo ag mareen koox dad ah oo meel wada fadhiya markay sii dhaafayeen aya waxay kooxdii si jees-jees ah yidhaahdeen “War oday hebel arka naxariis daranaa! Intuu isagii dameerka fuulay ayuu wiilkiisii yaraa xadhigii u dhiibey oo yidhi lugee yarkiisii !!”. Markaasuu Odeygii ku yidhi wiilkiisa “aabbo ma maqashaa waxay leeyihiin?”
Maalitii labaad, ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi ,“bal waa yaabe adigu u bax dameerka anigaa maanta kugu kaxeynayee”. Wiilkii dameerkii ayuu fuulay, markii ay waxyar socdeen ayaa waxay soo agmareen dad kale. Siddoo kale waxay ku yidhaahdeen “Alla bal eega wiilka waalid caasiga ah! Aabbihiis ayaa lugaynaya isaguna dameer ayuu fuushan yahay!!”
Maalin saddexaad kii ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow dad warkii su ma dhammaadee, bal kolkan aan dameerka u wada baxno labadeenuba” dameerkii ayay wada fuuleen, markay muddo socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale oo dad ah, markaasay kooxdii yidhaahdeen “accuudu billaah! Dameerkaan ma la nacay, miyaan loo arxameyn, may hal qof saaraan!!”
Maalintii afraad ayaa Odeygii wiilkii sii ku yidhi “maandhow ma aragtaa? Bal inaga wada deji oo labadeenuba wada lugeeynee”, wiilkii iyo aabbihiisa way wada lugeeyeen, cabbaar markay socdeen ayaa waxay soo agmareen koox kale, markay sii dhaafayeen ayaa waxay yidhaahdeen “Waar bal eega labada nine e dameerka iska daba jooga, alla doqonsanaa!, Bal may qof saaraan dameerku waxba ma saarnee!!”.
Markii intaas dhacday ayuu Aabihii, ama Odeygii ku jeestay wiilkii oo ku yidhi “Aabo ma aragtaa?” Wiilkii oo wax weyn faa’iday ayaa yidhi “Wallee aabboow dad meel na uga baxsan meysid, gurigeena iyo dameer keenana ku dhahoo, Waxaase Doqon ah ninkii Dantiisa hadal Dad u daaya” .
Qalinkii Prof. Mohamed Axmed Faarax (Jaafaa)