Araweelo News Network
Gaalkacayo(ANN)-Taliyihii ciidammadda isku dhafka ee gobolka Mudug Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). Iyo saraakiil kale, ayaa ku dhintay qarax goor dhowayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo,
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidammadaasi militariga ah, Cabdiqani Axmed Geyre, waxaana Ilaa ina la xaqiijiyay ku nafwaayay seddax Askari Iyo dad shacab ah oo aan weli taradooda Dhabta ah la ogayn.
Qaraxaa ayaa dhacay kadib markii qof Isku soo xidhay waxyaabaha qarxa la beegsaday qaraxaa goob makhaaxi Shaaha laga cabo oo ay xiligaa ku sugnaayeen saraakiishaa Iyo dad kale oo shacab ah.
Dhinaca kale sida uu xaqiijiyay wasiirka amniga gudaha ee Maamul goboleedka Puntland Axmad Cabdullaahi Yusuf, seddax qof oo mid ka mid ah ay dumar tahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa, wuxuuna isagoo sharaxaya Qaraxaa yidhi, “Wuxuu ahaa Nin xidhan waxyaabaha qarxa. Wuxuu u yimi ciidanka oo maqaaxi shaah ka cabanaya, hawl maalmeedkoodana ku jira. Halkaas buu isku qarxiyay, waxaana dhibaatadan geystay dadka nabad diidka ah” Ayuu yidhi.
Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaa lala beegsaday saraakiisha ciidamada Amaaanka oo ah kuwa isku dhafka ah ee loo sameeyay Gaalkacayo, kuwaas oo ka kooban Askar laga kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug oo si wada jir ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo muddadii ay Jireen ay yaraadeen sida uu sheegay wasiirka amniga Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.