Marxuumad Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo)Hargeysa(ANN)Marar baddan, waxa qasiraga Madaxtooyada Somaliland kasoo baxa dhanbaalo xanbaarsan Tacsi iyo Murugo oo lagaga hadlayo geeri qof muwaadin ah oo dhintay, waana arrin waajib diini ah, isla markaana ay ina farayso bina’aadanimadu.

Waxa hubaal ah in aanay Madaxtooyadu dhanbaalo tacsi ah u diri Karin dadka muwaadiniinta ah ee ku geeriyooda gobolada dalka iyo deegaamada kale, ama dalalka dibadda, kuwaas oo aanay ogaan karinba, balse dadka bulshada magaca iyo maamuuska ku leh, isla markaana aan doorkooda la dafiri Karin, waxay muddan yihiin oo ay waajib gaar ah ku tahay inay Madaxtooyadu, iyadoo muujinay doorkii ay bulshada ku lahaayeen oo aan indhaha ka qarsan, ama dhegaha ka furaysan oo aanay kala bakhaylin, ama kala masuugin waajibka diiniga ah ee layna faray. Haddii aanay wax taakulo iyo taageero ah ka haysan intii ay noolaayeen.

Marar baddan ayay dhabaalada tacsida ah ee kasoo baxa qasriga Madaxtooyada ee Madaxweyne Siilaanyo is weydiiyaan Bulshadu qofka la tacsiyaynayaa muxuu ahaa, doorkee ayuu lahaa Bulsha, muxuu kaga duwanaa kunaan qof, ama boqolaal sanad walba geeriyooda, intee baa bulshada magaciisa, ama muuqiisa taqaanay, maxay ku qiimeeyaan qofka, mise qofka ay jecel yihiin oo keliya ayay geeridiisa ka tacsiyeeyaan oo halyay qaran u aqoonsan yihiin, balse dhamaan su’aalahaa iyo kuwo kale ayaa noqda kuwo aan jawaab loo helin.

Marxuumad Abwaanad Nimco Aadan Hure oo lagu naanaysi jiray Nimco Gabaydo oo ku geeriyootay 18 March 2015, Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo u muuqda qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana 19 March lagu aasay magaalada Hargeysa

Dad baddan, ayaa su’aalo iska weydiiyay markii ay maqleen geerida Marxuumada sababta ay Madaxtooyadu haddii mudadii ay ku sakaraadaysay Cusbitaalka ay waxba tari weyday inay Tacsida kala masuugaan, maadama ay ahayd qof dumar ah oo dalka abaal baddan ku lahayd, isla markana ahayd gabadh abwaanad oo saamayn baddan bulshada ku lahayd.

Allah ha u naxariistee Marxuumad Nimco, waxay ahayd Haweenay Illaahay u siiyay suugaanta iyo gabayada hibo, waana sababta naanaysta Nimaco gabaydo loogu bixiyay, iyadoo inta baddan suugaanteedu ahayd mid isugu jirta wacyigelin, hogga tusaalayn iyo tilmaamo ay bulshada ugu iftiiminay jidka guusha iyo horumarka, isla markaana muddooyinkan danbe dhinaca dhalinyada kaga waaninaysay tahriibta, iyadoo u tilmaamaysay dhibaatada ka horaysa iyo inay ka waantoobaan oo ay dalkooda aaminaan.

Marxuumad Nimco, waxay ahayd haweenay nafteeda iyo nolosheeda u hibaysay sidii ay bulshada Somaliland iyo Soomaaliduba u horumari lahayd, waxayna lahayd suugaan baddan oo wadaniyad iyo hal-abuurnimo sare ka muuqato, waxay ahayd qof himiladeedu sarayso oo mar walba suugaan ku cabirta xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan iyo guud ahaan nolosha ee bulshada.

Hase yeeshee marxuumadu may ahayn dadka suugaanta amaanta been-beenta ah iyo hunguriga ugu nacamleeya madaxda iyo nidaamyada dawliga ah, waxay ahayd qof maskaxdeeda iyo garaadkeedu ka weynyahay amaan xaqiiqda ka fog, waxay xiligii taliskii xukuumadii hore ee Daahir Rayaale safka hore kaga jirtay dadkii sibedel doonka ahaa, balse markii isbedelkii noqday mid natiijadiisu noqtay guuldaro dib u liqay candhuuftooda, isla markaana saluugay nidaamka maanta dalka loo maamulo oo aad uga fog wixii isbedelka loo doonayay, taas ayaa sababtay in qasriga Madaxtooyada laga hor istaago 21-guuradii xuska 18 May oo ay ka mid ahayd koox fanaaniin ah oo Riwaayad munaasibadaa loogu talo galay kusoo bandhigayay madaxtooyada. Kadib markii Marxuumada gabayadeeda laga waayay mid kacaanayn ah oo guulo aan jirin xanbaarsan.

Ficilka Madaxtooyada oo u muuqda mid ganboolay, ayaa sababay inay xaqiraan marxuumadaa oo ay in baddan oo bulshada ka mid ah u aqoon yihiin inay ahayd halyeeyad qaran oo ka baxday bulshada Somaliland, taas oo ay markhaati u tahay suugaanteeda iyo fikirkii ay xanbaarsanaydsanad oo taariikhdu xusi doonto, balse waxay su’aasha rayal caamku is weydiinayaan tahay dhanbaalada tacsiyaha madaxtooyadu ma waxay noqdeen sida mashaariicda eexda iyo qaraaba-kiilka, haddiise fekerka noocaa ah uu ka jiro qasriga Madaxtooyada sidee ayay u noqon kartaa meel metesha haykalka qaranimada iyo jiritaanka Somaliland oo shacbigeeda ugu xaqsooray.

Nimco way ka hoyatee Allaw nabadgelyeeyoo ka ilaali naaraha narxariista ugu Deeq

By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com