Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Taliska ciidamadda AMISOM ayaa markale ku celiyay fulinta qorshaha ay hore u balanqaaday ee ahaa inay ka baxayaan Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu dhimayo ciidamadooda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Hoggaanka AMISOM ayaa amar lagu siiyay saraakiisha ciidamada in ay sii wadaan dhimista ciidamadda, sida uu sheegay Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ninka lagu magacaabo Simon Mulongo ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay u fulin lahaayeen xeerkii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ee amrayay Ururka Midowga Afrika in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya inta aan la gaadhin sanaddii 2020-ka.
Mr. Simon Mulongo ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay isugu yimideen taliye qeybeedyada AMISOM oo lagaga hadlayay xaaladda amniga ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay isku tashato oo ay dhisato ciidamo awood leh oo la wareegi kara magaalooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada AMISOM “Muhiimadayadu waa in aan Soomaaliya gaadhsiinaa marxaladda doorasho qof iyo cod ah sidaas oo ay tahay waxaan amar ku siinay Taliyayaasha AMISOM in ay dedejiyaan qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya, iyagoo fulinaya xeerkii UN-ka” ayuu yidhi Simon Mulongo.
Sarkaalkaa, ayaa sheegay in 1,000 Askari oo AMISOM ah ay ka bixi doonaan Soomaaliya Bisha October ee 2018,halka ciidamo gaadhaya Kun askari ay sanaddii lasoo dhaafay ka saareen dalka wuxuuna carrabaabay in dhismaha ciidamadu ay si tartiib tartiib ah kusii socon doonto.
AMISOM! ayaa marar hore shaaciyay Inay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya, balse weli waxay ku doodayaan Inay fuliyaan qorshohooda ku waajahan ka bixitaanka Soomaaliya.