Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gabilay Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay inay jiraan dad dhiig-miirato ah oo uu xusay inay ka macaashaan dakhliga ka soo xerooda degaannada Gobolka Gabilay, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar ku dul nool bulshada ku dhaqan Gabilay.
Md. Ramaax oo hadal ka jeediyey xaflad uu xilka ugu wareejiyey Badhasaabka cusub ee Gobolka Gabilay , waxa uu ku dooday in xil-ka-qaadistiisu la xidhiidho waxyaabo sharci-darro ah oo uu doonayey inuu ka suuliyo degaannada Gabilay, gaar ahaan degmada ganacsiga ee Wajaale.
“Dakhliga ka soo baxa Gobolka Gabilay way ku dulman yihiin dadka reer Gabilay oo waxba kama helaan, dad kale ayaana ku dul nool oo dhiigooda cabbaya, sida Gobolka Saaxil ugu dulman yahay dakhliga ka soo baxa Berbera. Ma kuwii dulmiga ku waday markii aanu is nidhi ka qabta oo sharciga kaga qabta ayaa iyagii (kuwii dulmoga waday) la noo maqlay,” ayuu yidhi Badhasaabkii Gobolka Gabilay ee xilka wareejiyey shalay.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan farriin kooban u dirayaa Madaxweynaha oo waxa aan leeyahay waa in aad wax badan hubsataa, waa inaad mas’uuliyiintaada warbixinta ugu dambeysa ee gobol ama degmo, waxa iska leh Badhasaabka, waa shaqaddaydii la igu farogeliyey oo si qaldan loo isticmaalay oo khalkhal iyo ummadda lagu duminayo.”
“Waxa kaloo aan halkaa ka sii tix-raacayaa markii aynu dooranaynay Madaxweynaha, waxa uu inoo ballanqaaday inuu sharcigu shaqeynayo, oo maalin walba oo uu hadlayo Madaxweynuhu, waxa uu yidhaahdaa; ‘Sharciga ayaa shaqeynaya.’ Muusow! Horta sharciga aan ku shaqeeyey, anigu waa kaa [Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo uu gacanta ku hayey ayuu sare u taagay], waa sharciga Badhasaabada oo kaas ayaan ku shaqeeyey.
Sharciga aan ku shaqeeyey mid aan sameystay ma’aha, mid cid kale ii dhiibtay ma’aha, mid aan anigu dhul ku cunay ma’aha, mid aan lacag ku doonay ma’aha, waa mid aan ku toosiyey maamulka oo waxa ii bannaaynaya Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/ qodobkiisa 14aad ayaan baan ku shaqeeyey,” ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabilay.
Waxaannu intaas ku daray; “Kaasi [sharcigaas] waxa uu farayaa in aan ahay mas’uulka ugu sarreeya, runtii aad baan uga xummahay, malaha rag badan ayaa yara baqee, maanta gobolkan [Gobolka Gabiley] waxaan ka soo sameystay afar boqol, markhaatigaygiina halkan wuu fadhiyaaye, in iminka dadka loo qeybiyaa ayaan doonayey. Haseyeeshee, xadhkaha nalagu qabtaa ayuu ka mid ahaaye, waa la joojiyey, raali ayaan ka ahay, laakiin waan akhriyeyaa, nin weliba wuu garanayaa Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ayaan ku dhaqmay.
Gobolkan [Gobolka Gabiley] waxa la igu soo magacaabay ama shaqada aan bilaabay, shan iyo toban maalmood oo fasax ah ayaan qaatay markii la i soo magacaabay, oo waad ogeydeene 18/February/2018, hawsha ugu cuslayd ee ina hortaalay waxay ahayd, hawl uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray, Gobolka iyo Degmaduna ay codsadeen, odayaashuna ay codsadeen, loona arkay inay danta qaranka tahay oo uu Guddoomiye ka yahay Wasiirka Hawlaha Guud, waxa nalagu magacaabay siddeed xubnood oo markaasi Guddoomiyaha Gobolku uu ka mid yahay. Ilaahay waxa uu inoo sikhray dadkayagii iyo ummaddayadii oo nala fahmay dedaalka iyo wanaagga aannu doonayno in wax loogu qabto, si khasaarihii dhacay aannu innoogu soo noqon.”
Mr. Ramaax, ayaa sidoo kale sheegay in Guddidii loo xilsaaray xallinta sicir-bararka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland ay hadda guul-daraysteen, waxaannu yidhi; “Waxa kale oo uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaray oo iyana nala mid ahayd, laakiin aan qabaa inay guul-darreysatay waa guddidii sicir-bararka, annaguse waannu guuleysanay, hawshii si fiican ayey annaga noogu dhammaatay.”
Guddoomiyihii Gobolka Gabilay, ayaa sidoo kale ka hadlay dacaayado uu sheegay in suuqa loo geliyey oo ah inuu iibiyey dhul dan-guud ah, sidaa darteedna xilka looga qaaday, waxaannu yidhi; “Waa labadii arrimood ee muddadii 120-ka maalmood ahayd la doonayey in wax laga qabto, waxa halkan ka hirgalay amarkii Madaxweynaha, dawlad cusub bay ahayd, in warqadda ka soo baxdaa sideeda u dhaqan-gashaa waa waajib, waa mas’uuliyiinta qaranka, xilkayagii ayaannu gudanaa, Ilaahay wuu nagu asturay, Wasiirkii Hawlaha Guud, Wasiir-ku-xigeenkii Arrimaha Gudaha iyo Enjineerkii ayaa fadhiya, waxay markhaati iiga yihiin oo aan leeyahay ii kala qira, dacaayadda beenta ah ee suuqa la gelinayo ee ragga qaarkii ku sheekaynayaan; ‘In aannu dhul iibinay.’ Wasiir, hadalka ha ii qarrinina kolay hadalka waad iiga dambeynaysaane haddii dhul la iibiyey jiro, oo Ina Cali-hayste iibiyey oo uu Ramaax iibsaday jiro. Waa dacaayaadka suuqa, waxanan leeyahay dadka waxaas leh, ma geyo, mana yeellayo, mana jirto arrintaasi ay leeyihiin, Waa ta xilka lagaga qaaday.”
Waxaannu hadalkiisa intaas ku daray; “Gobolkan markii aannu imi, horta gebigayguba iyo waxaan qoray 12 waraaqood intaan Gobolka joogay, Xoghaygii Gobolka, Badhasaab-ku-xigeenkaygiiba iyo weliba Xoghayahaygii gaarka ahaaba way fadhiyaan, waxa aannu ku bilawnay in aannu toosino maamulka, siiba isu-duwayaasha iyo in aannu xallilno khilaafkii weynaa ee Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee horyaallay maamulka Degmada, Ilaahay wuu nagu guuleeyey.
Waxa kale oo uu Ilaahay nagu guuleeyey, annaga oo fulinayna awaamiirtii Madaxweynaha, in aannu biyihii Wajaale iyo Gabilayba ku wareejino gacanta dawladda, oo aannu si fiican uga hawlgalnay, oo aan aad iyo aad uga mahadnaqayaa raggii hawshaasi nagala hawlgalay dhammaantoodba, oo ay ugu mudan yihiin raggii ceelasha Botor ku haystay oo markiiba oggolaaday inay gacanta dawladda ku soo celiyaan, si fiicanna way noogu hirgashay,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Waxaannu intaas ku daray; “Waxanse aad uga xummahay, rag baan jeclaysanayne, oo markaas laftigeeda doonayey inay biyaha BB wax la yidhaahdo ku qaataan, oo aan kaga soo horjeestay, annaga oo runtii dadka shicibka ah u danaynayna. Waxa iyaduna intaa na barbar socotay, dawladuhu marka ay doorasho galaan, kala daadasho maamul ayaa yimaad, habrasho ayaa timaad, waxaynu ka soo baxnay waa la ogaa, iyada oo ay ka dhisan yihiin siddeed maamul oo aan is-xukumin, gaar ahaan Degmada dhaqaalaha ee Wajaale.
Taasi iyada ninka loo soo magacaabay, haddii uu raali ka noqdo ay tahay dawladi ka jirto, halka la iga raacayna waa halkaa, runta ayaan idiin sheegayaaye, waxa dawlad gooni ah booliska oo yidhaahda; ‘Jananka ayaa na amra.’ Oo ay been tahay, Taliyaha Saldhigga oo xeerkeena ku qoran inuu amro oo uu ka dambeeyo, wax allaala waxa mas’uuliyiin degmadaas u jooga Maayarka ayaa wada amra. Markay timaaddo Gobalka, Badhasaabku waxa uu amraa Taliyaha Qeybta, Maayarada iyo Isu-duwayaasha, waxa uu dabagalaa oo uu ku ogaadaa shaqadooda, hay’adaha ka wada, si adeegyadii bulshadu ay ku jirto,” ayuu yidhi Md. Ramaax.
Waxa kaloo uu hadlay qaabka loo qaado cashuurta, waxaannu yidhi; “Marka la qaadayo cashuur waxa qaadi kara oo qudha Wasaaradda Maaliyadda iyo Dawladda Hoose, waxa Wajaale ka jiray ayaan idiin sheegayaaye, rag juwanno sameystay oo lacag qaada, oo aan xaaraantinimeeyey, haddii ay khalad ahayd iyo haddii ay sax ahaydba. Waxa kaloo ka jira niman ganacsato ah oo waraaqo foojari ah inta ay sameeyaan runtii sharciga ka hor imaanaya. Waxa kaloo ka jira guddiyo runtii amra maalinba ninka ay doonaan keena Degmada Wajaale,” ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabilay.
Waxa kaloo uu ka hadlay heshiisyo dhinaca iskaashiga ammaanka ah oo ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu yidhi; “Waxa iyaduna ka jirta isgaadhsiin xaaraan ah oo aan wax sharci ah oo loo haystaa ma jirto, isgaadhsiintaasi waxay ahayd, halkan Wasiirkaygii Arrimaha Gudaha ayaa fadhiya, dawladda Itoobiya heshiis ayeynu la soo galnay, Killalku [5aad] ka mid ayuu ahaa, Diri-dhaba ayeynu ku soo saxeexnay oo aniga iyo Wasiirkuba weftigii ayaannu ka mid ahayn, ‘In aan Itoobiya wax u col ahi halkan fadhiisan karin, iyana in aan cadaw inoo soo fadhiisan karin. Wixi iyaga xaadaya iyo wixii innaga ina xadayaba inay qolo weliba in ay dhankeeda ka foojignaato.”
Waxa uu Wasiirku ii soo qoray amar uu leeyahay; ‘Waxa aad fulisaa isgaadhsiinta xaaraanta ah ee la leeyahay, halkaasay taallaa ee ha la qabto.’ Waannu qabanay qaarkeed, inteedii badnayd weli way taallaaye. waxa soo baxday wada shaqeyn la’aantaas aan sheegayo, bilayskuna wuu ku dhici waayey, aniga oo Badhasaabkii ah oo amraya inay galaan oo ay soo qaadaan, oo weliba qoraal intaan qoray tii Wasiirkana aan ku lifaaqay. Waayo, waxay ku dhex milmeen oo iyaga ayaa ka mid noqday, kuwaa la doonayo laftigoodu inay wax-ka-qabtaan ayaa ka mid noqday, haddana waa kuwa ashkatada iyo beenta habeen walba madaxtooyada la taagan,” ayuu yidhi Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabilay.