Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumadda KULMIYE ugu baaqay in heshiisyada ay la gasho shirkadaha iyo dawladaha kale laga ansixiyo baarlamaanka, isla markaana loo soo bandhigo bulshada reer Somaliland si mugdiga iyo shakiga looga saaro.
Guddoomiye Cirro oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka soo horjeedsaday heshiiska saami-qaybsiga maalgashiga dekedda Berbera ee ay sida rasmiga ah u kala saxeexdeen dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP WOLRD.
“Xukuumadda Somaliland waxaannu sheegaynaa inay u igman tahay iyada oo ka wakiil ah shacbigeeda inay heshiis ama heshiisyo la gasho dalal shisheeye ama shirkado shisheeye, awooddaasna waxa siiyey dastuurka iyo xeerarka Somaliland.
Xisbiga WADDANI hore uma taageerin, haddana ku taageeri maayo xukuumadda Somaliland heshiisyo aanay u marin dariiq habboon oo daah-furan oo aan mugdi iyo mad-madow toona ku jirin. Heshiisyada xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE la galeen ee dalka aynu jaarka nahay, saaxiibkana nahay iyo Imaaraadka Carabta waxa ka muuqda mad-madow fara badan iyo mugdi, iyadoo aan shacbigana si dhab ah loogu soo bandhigin heshiisyadaas. Waxaan ka-mara-kacayaa mugdigaas in la sameeyey shirkad loogu magac-daray Somaliland Investment Company oo aan sharciga sameyskeedu waafaqsanayn shuruucda Somaliland, horena aannu uga hadalnay, shirkaddaasna mawqifka xisbigu waa mawqifkii horeba uu uga aadaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxaannu intaas ku daray; “Heshiiskii hore aan rasmiga ahayn ee original-adiisii la keenin ee Golaha Wakiilladu ansixiyey iyo heshiiskan cusubi wuu burrinayaa ee haddana la galeen, heshiiskaas hore laba dhinac ayuu ahaa, dhinaca Somaliland iyo dhinaca DP World. Heshiiskaas hore qaybta sheegaysa heshiiska saami-layda (shareholders agreement) qeybta ah ama qeybta saamileyda, qodobkiisa 15aad waxa uu sheegayaa in aan labada dhinac midkoodna aannu iibin karin saamigiisa shanta sannadood ee igu horreeya. Labada dhinacba heshiiskaas way jabiyeen.
Somaliland heshiiskaas hore waxay lahayd 35%, DP World waxay ahayd 65%, Somaliland may caddayn sababtay 5% u bixisay iyo waxay ku bixiyeen. Waxaannu u soo jeedinaynaa xukuumadda in heshiisyadaas ay la gashay shirkado ama dalal kale Baarlamaankana la keeno, shacbigana loo soo bandhigo, si looga saaro mugdiga, kalsoonida shacbigana ay u hesho.”
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale ka hadlay fashilka ku yimmi mashruucii biyaha ee laga dhisayey degaanka Xumbo-weyne, waxaannu yidhi; “Arrinta labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waa arrinta biyaha mashruuca Xumba-weyne, 60% shacbiga Somaliland, waxay naawilayeen oo ay rajo ka qabeen inay maalin uu biyo cabbaan, biyahaasna ay ka helaan mashruuca Xuba-weyne.
Dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland, mid walba rajada shacbiga way xusaysay, ‘Biyihii way soo socdaan iyo saadambe ayey imanayaan,’ ayey lahayd, xukuumadda KULMIYE ee cusubi rajadaas shacbiga way ka tirtirtay. Shacbigu waxay sugayeen biyahaas intii Somaliland ictiraafka sugaysay in le’eg. Ceelashii waa la qoday oo biyo la’aani ma jirto, qasabadihii waa la keenay, lacagtii waxa bixiyey dalka Imaaraadka Carabta, xukuumaddu ha u caddayso shacbiga, weliba Madaxweynuhu ha u caddeeyo maxaa fashiliyey? Miyaa la fashiliyey? Markaa xukuumaddu ciddii lacagta xadday mashruuca iyo sababta uu u fashilmay ha sheegto.”
Waxaannu Guddoomiye Cirro intaas raaciyey; “Way fiican tahay inay tidhi; ‘Wuu fashilmay.’ Cid dambi gashay ma odhan, cid baa loo xidh-xidhay may odhan, dawladdii Imaaraadkaa lacagtii la noqotay may odhan, xaggay ka fashilantay? Shacbiga ha soo bandhigto, Madaxweynahana waxaannu ka codsanaynaa inuu shacbiga u sheego sababtuu u fashilmay mashruucaasi?
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo ka hadlay xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Degmada Oodweyne oo uu xusay inay xidhan yihiin, waxaannu yidhi; “Arrinta kale ee aan doonayo inaan ka hadlo, waxaad ka warqabtaan Xildhibaanno ka tirsan Gobolka Daad-madheedh oo xidhan, sida uu sheegayo qodobka 24aad ee Xeerka 23aad/2003: Xildhibaanka Golaha Deegaanka lama xidhi karo, lamana qaban karo, haddii aannu jirin laba xaaladood midkood:
1. Iyada oo aan loogu iman dembi isaga oo faraha kula jira.
2. Iyada oo Golaha Deegaanka uu ka tirsan yahay xasaanadda ka qaadin
Labadaas xaaladood midna ma dhicin, Xildhibaannadaasi waxay xidhan yihiin muddo ka badan bil, waxay u xidhan yihiin nin shacbiya sida la sheegay oo ganacsade ah. Odayaasha deegaanka oo mid ka mid ahoo aan shalay arkay, waxa uu igu yidhi; ‘Wasaaradda Daakhiligu waxay nagu tidhi waraaq baannu u qornay Xeer-illaalinta aannu leennahay ha la soo daayo Xildhibaannadaas.’ Waxa uu igu yidhi; ‘Waxa soo diiday Xeer-illaalinta oo tidhi, idinka idiinma xidhnee shirkad buu u xidhan yahay.’ Miyaanay layaab ahayn, Xildhibaan xasaanad leh, nin shacab ah inuu u xidhnaado, taasi waxay meesha ka saaraysaa, inaynu noqonno dad sharciga ku dhaqma, taasi waxay naaqusinaysaa nidaamkeena dawladnimo, ciddina xasaanad yeelan mayso, haddii aan qofka xasaanadda lahayn la siin xasaanaddiisa, oo Madaxweynaha innoogu sarreeya aynaan ku ixtiraamin xasaanaddiisa, oo ka Golaha Wakiillada ku jira aynaan ku ixtiraamin xasaanaddiisa.
Waad ka warhayseenoo, KULMIYE wuu iska yaqaannaa xasaanad-ka-qaadka, waxaad ka warqabtaan ugu yaraan laba jeer baa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo weliba ka tirsan xisbiga WADDANI la xidh-xidhay, iyada oo dastuurka ka soo horjeedda, iyada oo qawaaniinta ka soo horjeeda. Waxaan ka digaynaa in shacbiga lagu kalifo inay sharciga gacmahooda ku qaataan.”