Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo ah uu u diray ciidamada qaranka Somaliland, isaga oo ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 24aad ee ka so wareegtay markii la aas-aasay ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd maanta oo taariikhdu tahay 02 February 2018.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu hambalyo taas la mid ah uu u diray dhammaan qoysaska iyo xaasaska ciidanka qaranka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isaga oo ciidanka qaranka ku sifeeyey in ay yihin naftood hurayaal dhib iyo duruuf ba u xamilay siddii ay u ilaalin lahaayeen haybadda iyo difaacidda qarankooda Somaliland.
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed .Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii u rajeeyey ciidamada qaranka iyo qoysaskooda in ay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo, halkaasna ay ka sii wadaan dedaalka iyo kartida ay qarankooda ugu adeegayaan.
Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa, Somaliland