Araweelo News Network
London(ANN)-Marxuum Khadar Saalax oo kasoo Jeeday Bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Britain, ayaa lagu dilay Xabsi ku yaal London, kadib markii ay Qoyskiisu u xidheen mushkilado uu la kulamay oo ay rumaysnaayeen inuu Xabsiga kaga badbaadyo.
Hase yeeshee Qoyska Khadar ayaa xiligan ku Jira murugo Iyo baroorciiq, markii lagu war geliyay in la dilay Wiilkoodii.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Amaanku Afar qof ayaa loo xidhay dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.
Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday Tooray, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen.
Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo. wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, dhowaa ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yidhi Siciid oo ah marxuumka walaal kii.
Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer toorida lagu dhuftay wiilka.
Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.
Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub oo looga hortago rabshadaha ka dhaca xabsiyada.