Araweelo News Network
Nairobi(ANN)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta NRM ee mucaaradka Kenya u yahay mid budhcad ah.
Dhaqdhaqaaqa NRM ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, waxaana tallaabada dowladda Kenya ay timi kadib markii mucaaradka Kenya ay shalay iyaguna xilka madaxtinimada ee Kenya u dhaariyeen hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga.
Raila Odinga, ayaa kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee magaalada Nairobi lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.
Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaana uu hoggaamin doono Kenya.
Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.
Hore dalka Kenya waxaa xilka madaxtinimada loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta oo guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Kenya ay shegeen inuu ku guuleystay madaxweynaha xilka haya.
Odinga oo ku andacooday inuu ku guuleystay doorashadii bishii Augst 2017, ayay guddiga doorashada ee Kenya waxaa ay hore u shegeen inuu ku guuldareystay doorashadii kuceliska ee dhacday bishii July 2017 ee sannadkii hore, waxaana dowladda Kenya oo ka hortageysa xaflada dhaarinta Raila ay damisay qaar kamid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay oo si toos ah u tabinayay xafalada dhaarinta, iyadoo tallaabada mucaaradka ku tilmaamtay khiyaamo qaran.