Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo booqday dad ku dhaawacmay shaqaaqadii todobaadkan ka dhacday deegaanka Darar-weyne ee Ceel-afweyn oo la keenay Cusbitaalka Hargeysa, ayaa ka hadlay aragtidiisa dhibaatada collaada kusoo noq noqtay deegaankaa iyo wada hadal khadka Telefoonka ku dhexmaray Madaxweynaha markii arrintu dhacday.
Guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo warbaahinta la hadlay markii uu booqday dadka ku dhaawacmay dirirtaa, ayaa sheegay in mar labaad ay ku baaqayaan in la joojiyo collaada oo uu sheegay in ay soo noq noqotay, wuxuuna xukuumadda u tilmaamay masuuliyada ka saaran amniga iyo sidii loo so oaf-jari lahaa collaada, isagoo ku baaqay in la dhamaystiro heshiisyadii hore looga gaadhay xiisada collaadaa.
Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu sheegay in ay gacan ka siinayaan Xukuumadda iyo cid walba oo ka shaqaynay sidii loo joojin lahaa collaada oo ay la shaqaynayaan, isla markaana soo dhowaynayaan cid walba oo doonaysa in lasoo af-jaro, balse sugida amaanka, so oaf-jarida collaada iyo fulinta heshiisyadii ay hore u gaadheen ay tahay masuuliyad saaran xukuumadda Somaliland.
Warbaahinta, ayaa weydiisay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro eedayn Madaxweynuhu usoo jeediyay iyo in ay ka wada hadleen markii ay xiisadu ka dhacday deegaankaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxan u malaynayaa malaha Madaxweynaha maydaan fahmine, malaa aniga ima eedayne, Taleefan ayuu iisoo diray, waana ku mahadsanyahay Madaxweynuhu, anigoo Boorama jooga, wuxuuna igu war geliyay in collaadi halkaa ka dhacday, wuuna ku madansanyahay inuu igu war geliyo, waxaanu aniga iyo Madaxweynuhu isla qaadanay in aan Baaq nabadeed ka jeediyo arrintaa, baaqiina saacad kadib ayaan Boorama ka jeediyay, waxaana u sheegay in xilku isaga (Madaxweynaha) saaranayahay, markaa Madaxweynaha waxaan usoo jeedinayaa in aanay iskaga qaldamin Wasiirkii arrimaha Guddaha iyo Cabdiraxmaan Ciro” ayuu yidhi. Guddoomiyaha WADDANI.