Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)- Rayaan Abuukar Cali waa gabadh yar oo 18 jir, waxayna ku dhalatay, kuna barbaartay xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, ayaa noqotay haweenaydii Soomaaliyeed ugu horreysay ee ku shaqaysa xirfadda kalluumaysiga badda.
Laba sanno ka hor ayey ku laabatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kadib markii aabbaheed geeriyooday. Si ay biil ugu radiso reerka waxay miciin bidday badda waxayna noqotay gabadha kaliya ee ka midka ah kumannaanka ka kalluumeysta xeebaha Muqdisho.
“Waxaan wadi jiray bajaaj, balse dadka Soomaalida ayaa igu qayliyey, waxaanse isku dhiirrigeliyey in aan ahay qof shaqeysan kara, maadaama aan shaqooyin kale waayey,” ayey tidhi Rayaan Rayaan oo waraysi siisay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da horraantii toddobaadkan.
Heerka shaqa la’aanta dhallinyarada Soomaalida ayaa aad u sarreysa, gabdhuhuna ma heli karaan fursado shaqo oo kuwa ragga la siman.
Xilliyadan waxa dhacaya qabow daran oo dabayl wata, mowjado waaweyn ayaana waqtigan oo kale ka dhaca xeebaha Badweynta Hindiya ee magaalada Muqdisho.
Balse Rayaan way u adkaysataa dhibaatada oo subax walba waxay u kallahdaa xeebta oo qiyaastii 4km u jirta guriga ay deggan tahay.
Doonta Laashka ee alwaaxa ka samaysan ayey si la mid ah ragga kallumeysatada u raacdaan ilaa gudaha badda.
“Maalintaan shabaq helo waan ku jillaabtaa, maalintaan makaalin helana waan ku raadsadaa, haddii aan labadaba waayana muraayad intaan xidho ayaan badda gudaha ugu quusaa,” ayey tidhi.
Ma aha shaqo ay waayo-aragnimo u lahayd ama jecleyd, hase ahaatee waxa ku qasabtay duruufta nololeed ee qoyskooda oo aad u liidata. Lix carruur ah oo da’doodu u dhexeyso 2-12 jir iyo hooyadeed oo xannuunsanaysa ayey ka masruuftaa dhaqaalaha yar ee ka soo gala kalluumeysiga.
“Badda gudaha markaan u galo lacag fiican baan ka helaa, laakiin markaan bannaanka ka jillaabto lacag yar ayaan ka helaa,” ayey tidhi.
“Waxaan doorbidaa in aan badda gudaha u galo, inkastoo mararka qaar aan qabowga xamili waayo oo aroortii la galayo qabowna uu jiro. Sanka ayaa dhiig iga soo daataa mararka qaar.”
Rayaan oo dhiirranaan iyo ka go’naansho ay ka muuqdaan ayaa tidhi; “Dabcan, waxaan is idhi waad baran kartaa, muddo kadibna waan la qabsaday, waana kaa aan hadda ka shaqeysanayo.”
Dhammaan noocyada kalluumeysiga ayey muddo kooban oo aan ka badneyn 4 bilood ku baratay si aanay shaqadeeda u saameyn isbeddelka cimilada iyo xilliyada baddu kacsan tahay, balse arrinkaasi khatar kama madhna.
Kalluumeysigu ma aha hawl haweenka lagu yaqaanno marka bulshada Soomaalida laga hadlayo, sidaa darteed waxay la kulantaa cadaadis dhanka bulshada ah.
“Waxaan la kulmaa caqabado badan; in ay raggu I fowdeeyaan, in dadka qaar i caayaan; in waxyaabo aanay dhegeheygu dhageysan karin la igu yidhaa. Dheg jalaq uma siiyo; inta i ammaaneysa ayaana ka badan inta i caayeysa,” ayey u sheegtay BBC Somali.
Howsha guriga; hal qol oo jiingad ka sameysan oo kiro ah oo ku yaal duleedka bari ee magaalada Muqdisho ayey qoyska Rayaan oo 8 qof ka kooban ku nool yihiin, mana laha koronto iyo biyo, dhaqaalaha yar ee ay kalluumaysiga ka soo heshana kama badna cuntadooda laba jeer maalintii ah.
Rayaan oo ka kalluumeysata xeebaha Muqdisho
“In aan horumar gaadho ayaan rabaa; waxaanan doonayaa inaan noqdo qof meel iska soo saartay oo magac bulshada Soomaalida ku yeesha,” ayey tidhi Rayaan.
“Waxaan rabaa in aan iibsado doonyaha casriga ah ee loo yaqaan Foofayaal (Volvo), doonyo badanna ii shaqeeyaan, shaqooyin aan helo oo qof waxbaratay oo karti leh aan noqdo,” ayey hadalkeeda ku dartay.